Dahabshiil, company la mahadiyey.” …W/Q:( Mascuud Cabdi Cali ,)

“Maalin dhawayd oo aan waraaqo kala baxayey sanduuqa Hooyo ayaa waxa iga soo horbaxay warqadan, taarikhdu waa 2/8/1997 waa lacag ay Hooyo iiga soo dirtay Hargeisa anigoo jooga Addis Ababa, berigaasi waa markii aanu Hargeisa usoo guuri doono, lacagtan hooyo waxay iigu soo dirtay si aan shopping ugu soo samaysto madaama aan Hargeisa usoo boqoolayo, waxaan ka qaatay xafiiska Dahabshiil oo ku yaalay Bole Rwanda, aqal yar oo bangalo ah oo aan wax boodha ama calaamad ahi sudhnayn.

Mar kale tariikhdu markay ahayd 2001 ayaa lacag aan u haystay in aan waxbarasho dibadeed ku tago, ayaa waxaan u tagay Mustafe Cali Deeq oo markaa ahaa madaxda Dahabshil, waxaan ugu tagay inuu lacagtaa ii hayo, wuxuu dabaqa hoose iigu geeyey Mustafe Xiis oo ahaa qasnajiga xarunta, kakdibna wuxu Mustafe Xiis lacagtii iigu riday envelope ama galka waraaqaha waxaanu ku dul qoray magacayga, mudo badan kadiba ayaan Mustafe ugu tagay si aan lacagtii wax yar ugala baxo, wuxuu ii sheegay in Dahabshiil bilaabay nidaamka akoonadda, anigana lay furay account wixi maanta ka danbeeyana aan xarumaha oo dhan kala bixi karo sidoo kale dhigan karo lacag, waxay ahayd guul kale oo Dahabshiil gaadhay.

Waxaan kale oo aan ogahay qof aanan rabbin inaan magacaabo oo ula tagay Mohamed Saciid inuu dayn siiyo madaama uu mashruuc wayn uu markaa waday, gudoomiyaha Dahabshiil wuxuu uga cudur daartay in hanti badan dayn ku maqantahay sharikadduna nidaam banki lahayn, taasina ay adkaysay inay soo noqoto dayntaasi, sidaa awgeed waxaan joojinay dhamaan wixii dayna ilaa inta aanu ka furayno Baank maamula hawshaas, hadaba aniga ayaa iskay kugu garab siinaya lacag aan dayn ahayn waxaanu u dhiibay jeeg 50,000 USD ah oo uu siiyey.

2002 dii ayaa waxaan bilaabay inaan guri dhisto, Dahabshiil wuxuu I siiyey fursad dayn (qardu xasan aha), waxa lay caseeyey akoonkayga lacag aan kusoo iibsaday dhamaan qalabkii dhiska, ana waxaan ka bixiyey mushaharkaygii si bille ah, markale 2015 madaama oo Dahabshiil furay International Bank waxaan ka qaatay dayn lacageed oo aan ganacsi ku abuuray, Dahabshiil ima waydiin cid share ku leh kambaniga inaan u keeno, mana hubsan urur islaamiya oo aan ku jiro, manay warsan misaajidkaan ku tukado, balse kaliya waxay I waydiiyeen damiinul maal, waxa ka markhaati kacaya dhamaan ganacsatadda in Dahabshiil International Bank uu yahay kan ugu mudan uguna fudud ee dayn laqa qaato.

Waxa sidoo kale bulshadda Soomaliyeed ka markhaati kacaysaa in Dahabshiil umadda Soomaliyeed meel ay joogtaba gacan qabtay markasta oo masiibo lasoo daristo, inuu qayb wayn ka qaato mashaaricda khayriga ah ama kuwa harumarinta arimaha bulshadda.

Xaqiiq mulkiilaha Dahabshiil waa dadkii uu Nabigu ku sheegay in dadka kuwa ugu khayr badan ay ku jiraan kuwa ugu anfaca badani, aad bay ii farxad galisay in sharikaddii aan Addis Ababa kula macaamili jiray 30 sano ka hor iyadoo qarsoodi ugu jirta banglo xaafad ku dhextaala inay maanta sudhantahay afaafk hore ee badiba baananka Ethiopia.

Allah ha barakeeyo Dahabshiil. “

 

 

Xigasho:mascuud cabdi cali

Bandhige@gmail.com