Danjire Axmed M. Adan (Qaybe) iyo Dhaxalkiisii,
Danjire Qaybe iyo Caalamka
Mohamed A. Askar
Stockholm, Sweden
August, 2019
Buuggan oo la moodo buug yar muuqaal ahaan ayaa haddana dhanka kale xambaarsan xog iyo taariikh aad u mug wayn. Qoraaga buugga, Danjire A. Maxmed Aadan (Qaybe) ayaa buugga kaga sheekeeyay waaya-aragnimadiisii siyaasadeed ee uu nusqarni iyo wax la jira ka helay dawladdihii kala danbeeyay ee Soomaaliya iyo Soomaaliland. Inkasta oo ay Qaybe shaqadiisa iyo waaya-aragnimadiisuba u badnaayeen siyaasadda arrimaha dibadda (Dilomacay) sida aad ka garan karto magaca buugga “Danjire Qaybe iyo Caalamka” ayaa, haddana aanay warkiisa ka madhnayn wax ka sheegida siyaasaddii arrimaha gudaha ee Soomaaliya iyo Soomaaliland. Qaybe waxa uu safka hore kaga jiray, haddii aanu kowba ahayn, danjirayaashii iyo guud ahaan diblomaasiyiintii Soomaaliya. Waxana taa markhaati u noqon kara in uu 25 sanno ahaa safiir oo waliba uu Soomaaliya wakiil uga noqday dallal aad u muhiim ah sida: Ruushak, Ingiriiska, Maraykanka iyo waliba wakiilka Soomaaliya u matala Qaramada Midoobay. Waxa kale oo uu Qaybe noqday xoghayihii joogtada ahaa ee wasaaraddii arrimaha dibadda ee Soomaaliya isaga oo ugu danbayntiina noqday wasiirkii arrimaha dibada ee Soomaaliya. Sida uu sheegay Dool (1995), Qaybena si dadban u sheegay, waxa uu waligiiba jeclaa oo haddafkiisa ahayd in inta uu noolyahay uu mar uun noqdo wasiirka arrimaha dibada jagadaasi oo uu ugu danbayntii qabtay[1].
Buuggan oo aan dhawaan markii labaad akhriyay ayaa, waxa aan jeclaystay in aan idinla wadaago dhawr arrimood oo buugga ku qoran. Runtii markan waxa buugga iiga baxay oo aan ka fahmay wax aanan markii hore ee aan buugga akhriyay aanan fahmin; markaasaan is-idhi, sirta akhriska iyo fahamkiisuba malaha waa in mar in ka badan la akhriyo buugaagta. Qaybe intii uu shaqaynayay waxa uu la kulmay madax aad u badan oo magac iyo maamuusba adduuka ku lahaa xilligiisii. Sida aan is-idhi, markii aan buugga akhriyay, Qaybe waxa uu ahaa nin saaxiibtinimada iyo joogtaynta xidhiidhka dadka uu bartoba ku fiican, ma kala sheegi karo in ay xirfadiisa diblemaasiyaddu sidaa bartay iyo in uu hibo u lahaa.
Isaga oo ka hadlaya fursaddihii soo maray iyo sida si shakhsi ah loogaga faa’iidaysan karay, waxaa uu yidhi Qaybe: intii aan shaqaynayay waxa I soo maray fursaddo badan oo aan hanti ku heli karayay, aniga se hadafkaygu muu ahayn in aan lacag helo. Fursaddaha soo maray ee uu Qaybe xusay waxa ka mid ah in nin ay saaxiib ahaayeen isla markaana soo wada shaqeeyeen uu noqday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay. Sida uu sheegay Qaybe, ninkaasi oo la oran jiray Mr. Uthant oo u dhashay dalka Burma ayuu Qaybe kula kulmay dalka Ruushka isaga oo ah safiirka Soomaaliya ee Ruushka halka uu Mr. Uthant-na uu ahaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay. Mr. Uthant waxa uu Qaybe waydiiyay in uu danaynayo in uu la shaqeeyo halka uu Qaybena ka cudur daartay oo uu u sheegay Mr. Uthant in uu hadda Danjire uga yahay dawladda Soomaaliya wadanka Ruushka. Waxa uu Mr. Uthant isaga oo xoghayaha Qaramada Midoobay ah ku yidhi Qaybe “Inta aan xoghayaha guud ah marka aad diyaar garawda in aad ila shaqayso ila soo xidhiidh[2]”. Waxa uu sheegay Qaybe in ay ahayd fursad qaali ah oo si fudud ku dhaaftay inkasta oo uu haddana sheegay in aanu ku ciil qabin maadaamo oo uu shaqooyin sharraf leh uun hayay. Halkan, waxa kale oo xusid mudan in uu Qaybe meel kale ku sheegay in aanay Dawladdii Soomaaliya Safaaradeheega dibadda siin jirin lacag ku filan.
Waxa kale oo uu Qaybe ka sheekeeyay, si kor ka xaadis ah, sida uu u dhacay middawgii Soomaaliland iyo Soomaaliya ee 1960. Qaybe oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi: Shirar ayay galeen SNL iyo USP waxana lagu go’aamiyay in aan wax shuruud ah lagu xidhin Midaynta Soomaaliya iyo Soomaaliland. Cali Garaad Jaamac oo shirka ka qayb galay ayaa soo jeediyay in is-raaca lix bilood dib loo dhigo balse dadkii madasha joogay arrinkaa way ku diideen. Dabadeedna 6 June, 1960kii ayaa wafdi ka kooban Maxamed Ibraahin Cigaal, Cali Garaad Jaamac iyo aniga (Qaybe) ay u ambabexeen Muqdisho; markii aanu Xamar gaadhnay waxa aanu la shirnay Xukuumadii Cabdillaahi Cise, sidi nala farayna waxa aanu shuruud la’aan la sexeexannay sharcigii is-raaca labada dal “Act of Union” oo ay iyagu soo-diyaariyeen[3]. Haddaba waxa muuqata in uu Qaybe arrintan kaga arragti duwanyahay siyaasiyiin badan oo reer Soomaaaliland ah sida Alla ha u naxariistee Maxmed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Xuseen Cali Ducaale (Cawil). Cawil waxa uu qabaa in aan is-raacba dhicn[4] halka Cigaalana, Alla ha u naxariistee, uu qabay in is-raaca la musuqmaasuqay oo la tuuray “Act of Union” ay Baarlamaankii Soomaaliland ansixiyeen[5]
Waxa uu Qaybe ka warramay kulan 19kii Bishii May, 1960kii dhex maray Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Cali Garaad Jaamac, Axmed Xaaji Ducaale, Xaaji Ibraahim Nuur iyo Isaga (Qaybe) oo xoghaye ah oo dhinac ah iyo Boqor Xayle Salassie iyo in xaggiisa ka socotay oo dhinaca kale ah. Kullanku waxa uu ku sahabsanaa in Boqorka laga codsado in uu soo celiyo “Haud and Reserved Area”. Boqorku waxa uu codsigaa kaga jawaabay, sida uu Qaybe sheegay, “Haud and Reserved Area idinka iyo xoolihiinnuba waad ku noolaan kartaan, oo hashiinnu ilaa Addis-Abeba ayay daaqi kartaa, waa se dal Itoobiya ka mid ah, gorgortanna kama furna”[6]. Waxa uu waliba Xayle Salassie intaa raaciyay in Soomaalidu ay tahay qoomiyad Itoobiya ka mid ah, laakiin uu gumaysigu duufsaday.
Sida uu sheegay Qaybe, intii aanay Addes-Abeba ka soo bixin ayuu, Alla ha u naxariistee Cigaal booqday safiirkii xiligaa Suudaan u fadhiyay Itoobiya oo la odhan jiray Jamal Mxamed Aadan. Waxa uu Jamaal u sheegay Cigaal war uu ka helay ila looga qaateen ah oo sheegaya in ay Itoobiya isku diyaarinayso weerar ay Soomaaliland ku qabsanayso marka uu Ingiriisku ka baxo[7]. Inkasta oo markii uu Cigaal arrintaa gaadhsiiyay Ingiriiska uu, Ingiriisku sheegay in aanay warkaa waxba ka jirin oo, aanu Itoobiyana ka aqbali doonin in ay sidaa yeesho haddana su’aashu waxa ay tahay yaa aaminayay Ingiriiska xiligaa? Anigu waxa aan is-idhi, Jibbadii iyo midawgii shuruud la’aanta ahaa ee ay Soomaaliland la midawday Soomaaliya malaha cabsiyi kama madhnayn. Ma laga yaabaa in ay Siyaasiyiintu warkan iyo wax kale oo aynaan hadda hayn oo is-raaca keenay ay ogaayeen?
Waxa kale oo uu Qaybe sheegay, sidii uu calanka buluugga ahi ku yimi Hargeisa. Qaybe oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Bishii Oktoobar, 12kii, 1954kii ayaa Suldaan Cabdillahi oo cadho ka muuqato noogu yimid Xafiiskii D.C-ga. Wuxu D.C Scanwin u sheegay in 12kii Oktoobar, 1954kii calankii bulugulaha ahaa ee Soomaliya la saari doono daartii Xisbiga SYL ee Hargeysa. Wuxuu intaas ku daray in ay dad leeyihiin lama saari karo. Haddii munaasabaddaas nalagu soo faro-galiyo, wixii ka yimaada mas’uul kama noqon doonno ayuu yihidhi Suldaanku. D.C Scanwin oo Ingiriiska ka wakiil ihi waxa uu Suldaan Cabdilaahi iyo intii la aragtida ahayd u ballan qaaday in aan lagu soo faragallin doonin waxa ay samaynayaan oo ay xor u yihiin isla markaana calanka ay doonan ay ka taagi karaan xarunta xisbiga. Inta waxa uu raaciyay D.C Scanwin sida uu sheegay Qaybe in aanu Ingiriisku SYL Jeclayn isaga oo sabab uga dhigay in ay SYL shuucinimo ku tuhmayeen. Waxa uu sheegay Qaybe in uu Suldaan Cabdilaahi taageeri jiray xisbigii SYL[8] balse ma sheegin cida uu Suldaanku sheegay ee diidanayd in calanka buluuglaha ah la saaro xarunta xisbiga SYL ee Hargeysa iyo waliba waxa ay doodoodu ahayd.
Inkasta oo ay aad u yarayd inta uu Qaybe Soomaaliland ka shaqeeyay, marka loo eego waayo-aragnimadiisa shaqo, haddana ma uu ilaawin in uu wax ka xuso taariikhdiisii shaqo ee Somaaliland. Qaybe waxa uu noqday gudoomiyihii golaha wakiilada ee Soomaaliland intii u dhaxaysay 1997-2005 waxana uu la soo shaqeeyay madaxwaynayaashii 2aad iyo3aad ee Soomaaliland oo kala ahaa madaxwayne Maxamed X. Ibraahim Cigaal iyo Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin. Waxa aad moodaa in aanu labada madaxwayne u caddaalad samayn ka warrankooda. Marka aan sidaa leeyahay waxa aan dareemay in uu Qaybe Cigaalna si dhawrsoon uga hadlay Rayaalena si qaawan oo aad malaha is-odhanayso collaad siyaasadeed baa ka dhaxaysay.
Waxa uu Qaybe sheegay in uu Cigaal taageerro waydiistay markii uu doonayay in uu noqdo guddoomiyaha golaha wakiillada Soomaaliland oo ahayd 1997. Cigaal waxa uu u sheegay in uu taageerro u ballan qaaday Dr. Gaboose oo isaguna jagadaasi doonayay balse haddii uu si kale u qancin karro uu, Dr. Gaboose qancin doono dabadeedna uu Qaybe taageeri doono. Sidii ay Cigaal iyo Qaybe rabeen bay u dhacday oo Dr. Gaboose waxa lagu qanciyay in uu noqdo wasiirka wasaarada arrimaha gudaha halka gudoomiyenimadii golaha wakiiladana loogu daayay Qaybe oo taageerada Cigaal oo markaa madaxwayne ah haysto. Waxa xusid mudan in uu Qaybe sheegay in Dr. Gaboose uu markii hore ku adkaystay in uu u tartami doono guddoomiyenimada golaha wakiillada isaga oo ogaa buu yidhi in Cigaal qofka jago uu u magacaabay diidda ama mid kale ka codsada uu wakhti kooban siin jiray ama cid kale ku magacaabi jiray[9]. Ma uu sheegin Qaybe in ay cid kale la tartantay iyo inkale.
Mar kale oo uu Cigaal soo haddal qaaday, waxa uu Qaybe ka sheekeeyay sababtii mar labaad loo xidhay isaga oo safiir ka ah Dalka India. Qaybe waxa uu shaki galiyay in Cigaal loogu yeedhay wada-tashi iyo in uu isagu dalbaday in uu la-tashi ugu soo noqday Muqdisho. Waxase uu Qaybe caddeeyay in safiirkii xiligaa Soomaaliya u fadhiyay Magaalada Nairobi uu shirqoolay oo warbixin uu u soo diray Siyaad Barre ku sheegay in Cigaal shir Qarsoodi ah la galay Joma Kenyatta[10]. Safiirka uu sheegay Qaybe in uu Cigaal shirqoolay magiciisa iyo shirka qarsoodiga ah ee uu Cigaal Kenyatta la yeeshay waxa uu ahaa toona ma uu sheegin. Taa badalkeeda, waxa uu sheegay in uu Cigaal shirqoolkaa iyo cidda u maleegtayba uu ogaaday, mar danbena ay isga (Qaybe) iyo Cigaal ka sheekaysteen arrinkaa[11].
Sida aan hore u sheegay, Qaybe waxa uu Rayaale uga hadlay si ka duwan sida uu Cigaal uga hadlay. Marka laga yimaado in uu Qaybe sheegay in sagaalkii sannadood ee uu Rayaale Madaxwaynaha ahaa ay Soomaaliland gashay cahdi madaw oo uu musuqmaasuq hadheeyay, waxa kale oo uu sheegay in aanu Rayaale isku mashquulin in uu xisbigiisii UDUB dhiso[12]. Waxa kale oo uu Qaybe intaa raaciyay in uu Rayaale aaminsanaa in kursiga madaxwaynaha aanu xaq u lahayn isla markaana isku-kalsoonayn[13]. Labada eray ee aaminsanaan (in uu Rayaale aaminsanaa in aanu kursiga xaq u lahayn) iyo kalsooni (in aanu daahir Rayaale isku kalsoonayn) oo aan u arko erayo culculus waxa sidaa u isticmaalay Qaybe.
Waxa kale oo uu Qaybe tilmaamay in Rayaale uu shil diblamaasiyadeed galay mar uu Jabbuuti u joogay hawllo shaqo isaga oo Rayaale markaa ka tirsanaa safaaradii Soomaaliya ee Jabbuuti. Qaybe isaga oo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi:
Daahir Ra’yaale Kaahin intii anu siyaasadda gelin wuxu ahaa saraakiishii N.S.Sta (National Secutiry Service). Waxa loo magacaabay Xoghayaha koowaad (First Secretery) isaga oo qaabilsanaa war-doonka (NSS) ee Safaaraddii Jabuuti ee Soomaaliya. Jaaliyaddii Samarroon ee Djibuti ayuu ku dhex milmay, ma uu garan in uu ka wakiil ahaa dawlad kale. Safiirkii Soomaaliya ee Djibouti Cabdinuur Cali Yuusuf oo hadda ku nool Imaaradaka Carabta, ayaa dawladda Djibouti ogeysiisay in aanay doonayn in ay Daahir Ra’yaale eryaan (persona non grata) oo labada dawladood ee walaalaha ah xidhiidhkoodu xumaado, Macanaheeduna ahaa in aynu ka kaxayno Djibouti. Safiir Cabdinaasir codsigaas wuxu u gudbiyay Muqdisho. Waxa loogu jawaabay in uu isagu Hargeysa tago, dabadeedna Daahir Ra’yaale halkaas ugu yeedho, ka dibna ku amro in uu degdeg Muqdisho ugu duulo. Daahir R’yaale Kaahin shil debloomaasi ah ayuu galay… [14]
Marka laga yimaado qaladaadka farta Soomaaliga ah ee intan yar ee aan soo qaatay ku jira, Qaybe muu sheegin shilka diblomaasi ee uu Rayaale galay waxa uu ahaa. Waxa kale oo aanu sheegin xiliga ay ahayd iyo waliba xikmadda ku jirtay sida Rayaale Jabbuuti looga saaray oo uu ku sheegay in inta uu safiirkii Soomaaliya ee Jabbuuti Hargaysa yimid oo uu Daahir Rayaale Jabbuuti uga yeedhay uu halkaa, waa Hargeisa e, amar ku siiyo in uu Daahir Rayaale si degdeg ah ugu duullo Muqdisho.
Arrinka kale ee uu Qaybe ka sheegay Rayaale ayaa ah sidii Rayaale xilka madaxwaynenimo loogu dhaariyay geeridii Cigaal kadib, Alla ha u naxariistee. Qaybe oo ka sheekaynaya shirkii Madaxtooyada Soomaaliland ka dhacay ee, Rayaale oo ahaa madaxweyne ku-xigaan iyo ku sime madaxweyne loogu dhaariyay in uu noqdo madaxweyne ku meel gaadh ah ayaa yidhi:
Mudane Daahir Rayaale Kaahin, oo ku-meel-gaadh ahaan u sii hayay hawsha madaxweynaha ayaa noo waramay. Markii uu dhameeyay ayaa Cabdiqaadir Jirde is-taagay oo yidhi “Galabta Soomaaliland Madaxwayne ma laha. Waa in aynu Madaxweyne dooranno. Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Madar, Guddoomiyhii Golaha Guurtida, Alla ha u naxariiste e, oo murugo ka muuqato ayaa Cabdiqaadir u Jawaabay oo ku yidhi “horta aynu maydka aasanno”…Maxamed Muse Cawaale oo galabtaa “Dikreetadi” uu Wasiirka ku ahaa ay dhacsanayd, ayaa is-na istaagay oo yidhi: “Dalku saacad ma Madaxwene la’aan karo “… Aniga oo aan damacsanayn ayaan ku raacay oo aan idhi: “waxa dhici doona ma garan karrno e, aynu Mudane Daahir Rayaale Kaahin madaxweyne u dhaarino. Haddii aan Sheekh Ibraahim oo badanaaba taladayadu midaysnaan jirtay ku raaci lahaa oo shirka lagu kala kici lahaa, way adkaan lahayd Daahir Rayaale Kaahin in uu magacaabidda madaxweyne ku-meel gaadh ah noqon lahaa. Sheekh Ibraahin ayaa saddex bilood Madaxweynaha ku-meel-gaadhka ah noqon lahaa, dhammaadka saddexda biloodna, Madaxweyne cusub ayaa labada Gole ee baarlamaanku dooran lahaayeen.[15]
Waxa uu Qaybe sheegay in haddii uu Sheekh Ibraahim ku raaci lahaa soo jaadintiisa ahayd “waar bal horta aynu maydka aasano” shirka lagu kala dareeri lahaa dabadeedna ay adkaan lahayd in uu Rayaale noqdo madaxwayne ku-meel-gaadh ah ee taa bedalkeeda uu Sheekh Ibraahin noqon lahaa madaxwayne ku-meel-gaadh ah muddo saddex bilood ah. Seddexda bilood marka ay dhamaatona ay labada gole baarlamaan dooran lahaayeen madaxwayne cusub. Garan maayo in uu Qaybe ilduufay iyo in uu u kasay, waxa se cad in Distuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland uu sheegayo wax aad uga duwan waxa uu Qaybe sheegay. Qodobka 89aad ee Distuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland ayaa ka hadlaya buuxinta jagooyinka madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenku marka ay banaanaadaan. Faqrooyinka 1aad iyo 2aad ee qodobkaasi waxa ay leeyihiin:
- Haddii mid ka mid ah xaaladaha ku sheegan qodobka 86aad ay ku timaado Madaxwayanaha saddexda sano ee u horreeya shanta sano ee xilka loo doortay, waxa Madaxwayne ku-xigeenku noqonayaa Madaxwayne ku meel gaadh ah, waxaana Madaxweyne lagu dooranayaa muddo lix bilood gudahood ah[16].
- Haddii Madaxweynaha xaalad ka mid ah xaaladaha ku sheegan qodoboka 86aad ay ku timaado labada sano ee u danbeeya muddada shanta sano ah ee loo doortay, waxa xilka Madaxweyenenimo la wareegaya madaweyne ku-xigeenka muddada labada sano ah ee hadhay, wuxuuna Madaxweyne ku-xigeen u sharrixi doonaa xubin ka tirsan Golaha Wakiilada, waxaana ansixinaya labada gole oo wada jira…
Distuurku waa uu cadyahay, waxayna u eegtahay in dhaarintii Rayaale loo dhaariyay madaxwaynenimada Cigaal dabadii ay sax ahayd oo la raacay qodobka labaad ee kor ku xusan. Hal su’aal baase soo bixi karta oo ah in aanu Cigaal Allah ha u naxariistee ku jirin mudda xileedkiisii shanta sanno ahaa ee la doortay ee uu ku jiray wakhti loo kordhiyay, taasina distuurku kama uu hadlin. Haddaba su’aasha muhiimka ah ee mudan in laga jawaabaa waa, goorma ayuu gudoomiyaha golaha guurtidu noqon karaa madaxwayne? Sida ku cad distuurka, laba xaaladood ayuu noqoon karaa gudoomiyaha golaha guurtidu madaxwayne ku meel gaadh ah. Xaaladda koowaad waxa sheegaya isla qodobka 89aad faqraddiisa oo odhanaysa sidan:
Haddii Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynaha isku hal mar ku timaado xaalad ka mid ah xaaladaha ku sheegan qodobka 86aad, waxa xilka Madaxweynaha si ku meel gaadh ah u haynaya Gudoomiyaha Golaha Guurtida. Waxaana doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynaha lagu qaban doonaa muddo lixdan (60) maalmood gudahood ah, oo ka bilaabmaysa maalinta ay xaaladdu sugnaantay[17].
Qodbkana waa cadyahay oo sida aan la socono madaxwaynihii oo Cigaal ah ayaa tii Alle u timi ee, madaxwayne ku xigeenkii oo Rayaale ah waxba ma gaadhiin taasina waxa ay xaaraantinimaynaysaa doodda Qaybe ee ah in uu guddoomiyaha golaha guurtidu madaxwayne ku meel gaadh ah noqon lahaa. Xaaladda labaad ee uu guddoomiyaha golaha guurtidu uu madaxwayne ku meel gaadh ah noqon karo waxa sheegaya qodobka 130aad ee Disuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland oo ka hadlaya dhaqan gelinta Distuurka iyo qodobada kala guurka faqradiisa 4aad oo odhanaysa sidan:
Haddii ay ku timaado asbaabaha ku tilmaaman qodobka 86aad Madaxweynah iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, ama midkood, inta la gaadhayo nidaamka axsaabta ee doorashada tooska ah, labada Gole (Wakiilada iyo Guurtida) ayaa si wada jira muddo 45 maalmood gudahood ah ku dooranaya Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen ama midkood, iyada oo xilka jagada bannaanaatay muddada doorashada ka horaysa uu hayn doono Guddoomiyaha Golaha Guurtidu.
Qodobkan oo aan filayo in uu Qaybe cuskanayo marka uu leeyahay Sheekh Ibraahim baa noqon lahaa madaxwayne ku meel gaadh ah inkasta oo aanu qoraalkiisa wax tix-raac ah u samayn haddana waxa muuqata laba wax oo midna shaki galinayso in uu Qaybe qodobkan cuskanayo mid kalena uu Rayaale xaq u siinayo in uu noqdo madaxwayne ku meel gaadh ah. Qodobkani waxa uu sheegayaa in uu 45 maalmood guddoomiyaha golaha guurtidu haynayo xilka banaanaada (madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka) halka uu Qaybena sheegay in uu saddex bilood isla xilkaa haynayo guddoomiyaha guurtidu taasina waxa ay shaki galinaysaa in uu Qaybe qodobkan cuskanayay iyo inkale. Ta kale, in qodobkaba cinwaankiisu yahay dhaqan gelinta Distuurka iyo qodobada kala guurka ayaa ah ta Rayaale xaq u siinaysay in uu noqdo madaxwaynaha ku meel gaadhka ah. Ta dhaqan galka waxa sheegaya isla qodobkan 130aad faqradiisa 1aad oo odhanaysa “Dhaqan-galinta Dastuurku waxay ka bilaabmaysaa marka afti loo qaado, natiijada aftiduna soo baxdo, waxana si ku meel gaadha loogu dhaqmi karaa muddo saddex sannadood gudahood ah oo ka bilaabmaysa taariikhdii uu oggolaaday shirweynihii 3aad ee Beelaha Soomaaliland”. Marka ay sidaa tahay, xiliga uu Cigaal dhintay, Alla ha u naxariistee laguma jirin xaalad kala guur, maxaa yeelay Distuurka ayaa dhaqan galay. Waxana uu dhaqan galka distuurku meesha ka saarayaa doodda Qaybe ee ah in saddexda bilood ee madaxwaynenimada Sheekh Ibraahim ee ku meel gaadhka ah kadib ay labada gole (guurtida iyo wakiillada) ay dooran lahaayeen madaxwayne cusub.
Intaa waxa dheer, qodob kale oo muhiim ah oo ku jira distuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland oo doodayda si dadban u xoojin kara. Waa Qodobka 93aad oo sheegaya kala horaynta hab-maamuuska madaxda sare ee qaranka waxana uu odhanayaa sidan:
- Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxwenaha ayaa leh hab-maamuuska koowaad ee Qaranka.
- Guddoomiyaha Golaha Guurtida ayaa leh hab-maamuuska ku-xiga
- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa leh hab-maamuuska 3aad ee Qaranka. [18]
Qodobkan oo isna Distuuri ahi waxa uu kala reebayaa madaxda sarsare ee dawladda isaga oo kaalinta koowaad si wada-jir ah ugu xusay madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka halka kaalinta labaad iyo kaalinta saddexaadna uu kala siiyay guddoomiyaha golaha guurtida oo labaad ah iyo gudoomiyaha golaha wakiilada oo saddexaad ah.
Inkasta oo dhacdadaa la soo dhaafay oo ay taariikh noqotay sax iyo khaladba, waxa aan haddana ugu yar dheeraaday dhawr sababood (1) waxa aan u arkay doodda Qaybe ee ah in uu Sheekh Ibraahim xaq u lahaa in uu noqdo madaxweynaha ku meel gaadhka ah khalad wayn oo u baahan in la saxo (2) In aan dadka la marrin-hababin oo wax aan jirin loo sheegin. Hore ayaan dhawr goor u maqlay anigu in gudoomiyaha golaha guurtidu, Sheekh Ibraahin, ka xaq lahaa Rayaale geeridii Cigaal kadib (3) In qof kasta waxa uu sheego miisaanka la saarro oo aanay aqoonta, waaya-aragnimada iyo waliba magaca uu qofku leeyahay aanay inna hoddin. Aan mar walba xasuusnaano in uu qofku yahay bani’aadam. Ugu danbayn, inkasta oo uu nin ay wada shaqeeyeen oo aanan doonayn in aan magiciisa sheegaa igu yidhi Qaybe tuul ay cidi adeegsato ayuu ahaa haddana anigu waxa aan qabaa in uu Qaybe Alla ha u naxariistee ahaa nin waayo-arag ah oo sida uu Dool (1995) ku doodday haddii uu qalin iyo waraaq qaato oo uu qoro wixii uu soo maray iyo wixii uu goob jooga u ahaa oo keliya uu qori karay 30 buug[19].
[1] Dool, 1995
[2] Qaybe 2013, p 56
[3] Qaybe 2013, p 38
[4] Raad-raac taariikh Soomaaliyee
[5] https://www.youtube.com/watch?v=hLWS8_fkpPI
[6] Qaybe, 2013 p. 36
[7] Qaybe, 2013 p 38
[8] Qaybe 2013, p 29
[9] Qaybe 2013, p. 152
[10] [10] Qaybe 2013, p. 113
[11] [11] Qaybe 2013, p. 113
[12] Qaybe 2013, p. 157
[13] Qaybe 2013, p. 157
[14] Qaybe 2013, p 152-153
[15] Qaybe, 2013 p. 156
[16] Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland, p 41
[17] Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland, 2000 p. 41
[18] Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland, 2000 p. 44
[19] Dool, 1995 p. 219