Friday, March 29, 2024
Home Maqaallo Golaha Wakiil...

Golaha Wakiilada Horaa Loogu Hungoobee, Hiilna Daa Hadalkii (WQ: Maxamed Aadan Dube “Gacayte”)

“Ha targaafo sida toojo geel, tuurin baw qorane.” C. J. Haabiil.

Waxba yaan lagu daalin Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee dantooda ka horaysiiyay danta qaranka ee ilaaway milgahii iyo sharaftii shacabka gobta ah ee codkooda ay ku fadhiyaan mudo 15 sano ah oo laba jeer ka badan mudadii sharciga loo doortay. Qaranku inuu iyaga u dabranaado ayay ka doorbideen dantii guud, waxa la yidhi Sacadbka Maxaa Habeenkii Loo Tumaa Hadaan Xeeladi Ku Jirin. Maalinta doorasho lasoo hadal qaado maxaa arinta Saami qaybsiga looga sanqadhiyaa hadaan xeeladi jirin. Waa xoogsato shuraako ku ah inay qaranka xagal daaciyaan oonay dalka Doorasho ka dhicin.

Heshiiska Xisbyadu wuxuu ahaa badbaado qaran oo lagu soo afjaray murankii Xisbiyada ee xaga komishanka si doorasho dalka uga dhacdo, balse xildhibaanadii Golaha Wakiiladu sidii cadaadada u ahayd buuq iyo qaylo ayay kaga falceliyeen markii Mooshinkii soo gaadhay waxaanay gabi ahaanba ka dareereen fadhigii.

Golaha wakiilada xaalkoodu waxa uu noqday “Waraaboow Adhi Maad Raaci”, oo waxba ma dhaafayaan xataa xeerkii Nabadgalyada Ceelafweyn ayay ka horyimaadeen markii ay dantooda ka arki waayeen. Tan maanta ay ku sheegeen in Heshiiskii 3da xisbi jabay oonu waafaqsaayn Xeer hoosaadka golaha waxay la mid tahay nabadgalyadii Sanaag ee yidhaahdeen maxaa naloo dhiibayaa? Kaliya waxay ka shaqeeyaan fursad kasta oo suurta galinaysa inay kuraasta sii fadhiyaan.

Haatan maxaa dan u ah Qaranka Somaliland? Danta qaranku waa doorasho…! In Komishanka sidaa loo daayo iyo in 2 lagu daro macno wayn samayn mayso ee waxa muhiima in laga wada shaqeeyo sidii doorashadu u qabsoomi lahayd, Komishankii cusubaa la dadajiyo magacaabistooda oo diiwaagalintii la bilaabo oo doorashada hareeraha laga joogo si qaranka looga badbaadiyo hororka iyo halaqa ku hareeraysan.

Ma jiro Gobol qudha oo raba inuu sii fadhiyo xidlhibaankii ay doorteen 15 sano ka hor inuu sii joogo kursiga waayo diba uguma noqonin deegaankii laga soo doortay, baahidoodana maalin ka hadal kolkaa sii joogistoodu cidna dan uma ah kuraastiina waxay ka dhigteen property ama hanti ay leeyahiin oo hadii lasoo hadal qaado way dagaalamayaan. Doorashadan bidhaanteedu inoo muuqataa way ka duwan tahay doorashooyinkii hore waayo niman kuraasta ku daxalaystay ayaa lagaga fujinayaa. Golaha Wakiilada oo labadalo oo gole cusub yimaado ayay ku jirtaa badbaabada umadu. Saami cadaalada in wax lagu qabysado oo gobol walba kuraasta uu xaqa u leeyahay uu helo waa waxaynu rabno, Balse wadadii lagu gaadhi lahaa ma tahay sii fadhiga kuraasta wax ka badan 15 sano? Danta Somaliland kuma jirto dooda saami qaybsiga oo rag dan lihi awrkooda ku kacsanayaan.

#Fuuloow Guuli Kuu Dhowaa……!

Wabilahi Tawfiiq

Maxamed Aadan Dube (Gacayte)
Gacayte09@hotmail.com
Hargeysa/ Somaliland

Image may contain: 2 people, including Mohamed Adan Gacayte