Digniinaha Maraykanka ee Somaliland iyo Somalia (WT: C/raxmaan Hayaan)

Digniinaha Maraykanka ee Somaliland iyo Somalia.

Waxa qoray Michale Rubin

Waxa soo tarjumay C/raxmaan Hayaan.

Haddii aad ka duusho garoonka diyaaradaha muqdisho ee sida adag loo ilaaliyo, laguna tilamaami karo soonka cagaaran,  waa meel aad u dhib badan. Tobannaan sano oo dawlad la’aan iyo nabadgalyo darro ah ayaa waxay muqdisho ka dhigeen meel aan nololi ka suurtagal ahayn.

Dad yar oo ajaanib ah ayaa ka gudba ama dhaafa gidaarrada madaarkan sida xooggan loo ilaaliyo iyada oo aan la gu galbin baabuur qafilan iyo ilaalo xooggan oo dhinac walba ka socota. Badi diblomaasiyiinta soomaaliya( oo ay ku jiraan kuwa maraykanka iyo yurub) ma dhaafaan madaarka gudihiisa ama waxay iska joogaan keya.

Laakiin Berbera waa ay ka duwantahay. Dekeddan ugu weyn Somaliland waa mid aad u kobcaysa, waxa laga furayaa hudheeloo hurdo oo cusub, dadka ajaanibka ah iyo muwaadiniintu waxa ay ku wada dabbaashaan xeebta waxaanay wada daawadaan ciyaaraha, bunkana wada cabbaan galabtii iyo fiidkii. Dhanka kale caasimadda somalilaan ee Hargeysa, gaddislayaasha lacagta waxay lacagta iyada oo xidhmo xidhmo ah kaga tagaan cidlo iyada oo aan cid ilaalinaysaa jirin marka ay salaadda masaajidka ku soo tukanayaan, waayo ma jirto haba yaraatee cid qaadanaysaa. Halka muqdisho iyo kismaayo maalint kasta ay Al-shabaab qaraxyo is dab joog ah la eegtaan, wax qarax ahi kama dhicin Hargeysa in kabadan toban sano. Dhinaca kale halka dawladda Somaliland ee madaxweyne Muuse Biixi ay maamusho ku dhawaad 50,000 km oo isku wareeg ah, dawladda Farmaajo ee Muqdisho, waxay ka talisaa oo 50,000 fuudh oo isku wareeg ah, oo la macno ah aqalka madaxtooyada ee sida xooggan loo ilaaleeyo ee Villa Somalia.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee maraykanka digniinaha ka soo baxa ma kala saarto Somalia iyo Somaliland, iyada oo sidan u dhigta digniinta “ ha u safrina Somalia, waayo waxa ka dhaca afduub, argagixiso iyo budhcadbadeednimo, inkasta oo budhcad badeedda puntland aanay qabsan wax markab ah muddo ku siman laba sano, xeebaha somaalilaan ee ka badan 450ka mayl  aanay waligood budhcad badeeddu cag soo saarin

Digniinaha aan saxda ahayn isla markaana aan xaqiiqada ku fadhiyin ee wasaaradda arimaha dibadda maraykanku kuma koobna uun Soomaalida. Digniintii ay ciraaq ka bixisay wasaaradda arrimaha dibaddu ma aqoonasna nabadgalyada kurdistaanta ciraaq ee tobannaanka sano jirtay mana ictiraafsana hoos udhaca ku yimid qulqulatooyinkii Baqdaad.

Maraykanku waxa uu dhawaan abaalkiisa ka helay dalka yar ee ku yaalla latin America ee Uruguay markii ay soo saartay dawladdaa yari digniin ku saabsan in aan loo safrin maraykanka iyada oo ku sababaysay, nacaybka aan xadka lahayn ee sii kordhaya ee lagu beegsanayo dadka soo galootiga ah sida danbiyada dilka ah, cunsurinnimada iyo takoorka

Waxaan daawaday maraakiib cunto sidda oo ku soo xidhay dekedda Berbera kuwaas oo u socd hay’adda  cuntada adduunka WFP. Madaama oo aanay qaramada midoobay, sida maraykanka, u kala soocnayn Somaliland iyo Somalia, shaqaalaha qaramada midoobay waxay kumannaan kun oo dollar oo mushaharkooda dheer ku helaan, khatarta ay aaminanyihiin inay wajihi karaan, kuwaas oo aan xaqiiqo ahaan jirin. Marka si kale loo dhigana waa lacag badan oo dul saaran cashuur bixiyayaasha maraykanka. Sidoo kale diblomaasiyiinta maraykanku waxay sidoo kale ku helaan lacagayow kuwaa la mid ah oo loo yaqaanno danger pay , ama lagu siiyo khatarta ay naftooda galinayaan haddii ay cagaha soo dhigaan Somaliland, taaso laf jab ku ah miisaaniyaddii arrimaha dibadda maraykanka ee awalba xaddidnayd.

Sababta haddaba digniinahaa aan sugnayn wali u jiraan ayaa ah qaar aan caddayn. Qayb ahaan sababtu waa ma jiro sarkaal kaliya oo kuwa amniga maraykanka ah oo danaynaya inuu dabciyo xannibaadahaa, iyaga oo ka baqaya inay noqdaan sakaaradii budhka la kulantay haddii ayba dhacaan wax dhibaato falal argagixiso ahi.

Taasi waa sababta, illaa hadda oo rubuc qarni laga joogo dhammaadkii dagaalkii lubnaan, tallaabooyinka dhanka amnigu aanay wax is badal ah samayn dhanka wasaaradda arrimaha dibadda maraykanka. Dhacdadii Bengazi ayaa iyaduna sababtay inay wasaaraddu sii laban laabto xannibaadaha noocaas ah.

Mararka qaarkood arrimaha noocaas ahi waxay ku lug leeyihiin siyaasad. Illaa laga soo bilaabo 2015 wasaaradda arrimaha dibadda maraykanku waxay diidaysay inay Somaliland ula dhaqanto si ka duwan Somalia si aan taageero ugu noqon la soo noqoshada madax bannaannideeda, khayaalka noocaas ahi ma mija xaabinayo oo kaliya sugnaanshiiyaha digniinaha wasaaradda arrimaha dibadda balse sidoo kale waxa uu Somaliland ku riixayaa inay u janjeedhsato dhanka Ruushka iyo Shiinaha

Michael Rubin waxa uu wax ka dhigaa American Enterprise Institue, waxa uu hore uga shaqayn jiray aqalka pentagon ka, waxa uu casharro siiyaa FBI-da

Michael Rubin is a resident scholar at the American Enterprise Institute. A former Pentagon official, he teaches classes on terrorism for the FBI and on security, politics, religion and history for U.S. and NATO military units. He has a Ph.D. in history from Yale University.

C/raxmaan Hayaan

cbdrxmngeni@gmail.com

Hargeysa, Somaliland.