DarbiJifka Dadkoodii Haday Qaban Karayaan Way Hayn Lahaayeen ,Hadaanay Dadkoodii Hayn Karin Yaa Ka Masuula ? (WQ: Geele cismaan Takar)

Waxaan qaybtii koowaad ku soo sheegay in Dastuurka Jamhuuriyada SomalilandQodobkiisa  19aad iyo qodabkiisa  24aad  uu tilmaamayo in dowladdu ay masuul ka tahay caafimaadka, horumarka, waxbarashada hooyadda, ilmaha iyo naafadda aan haysan cid daryeesha.

Haddaba Xeerka kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan Xeer Lr. 71/2015  ayaa tilmaamaya xilka iyo waajibaadka Wasaaradda Shaqo-Galinta, Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska waana  sidan:-

1)       Dejinta iyo fulinta siyaasadda Xukuumadda ee kuwajahan daryeelka, xanaanaynta iyo waxbarashada naafada, hooyada, dhalaanka iyo dadka aan xiskoodu dhammayn ee aan lahayn awood iyo cid kafaala qaadata.

2)      Taakulaynta iyo ilaalinta dumarka, caruurta iyo dhammaan dadkanugul.

3)      Gacan ku heynta xarumaha dhaqan celinta iyo daryeelka caruurta.

4)      Xidhiidhinta/horumarinta hay’adaha ka hawl gala adeega bulshada iyo dabagalka xilgudashadooda shaqo si looglu warbixinyo waxaa ay wadanka ka qabtaan.

5)      La dagaalanka tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo caruurta sida tacadiyada galmada ee haweenka loo gaysto.

6)      ka hortiga takoorida dadka nugul, ka hortiga iyo la dagaalanka tacadiyada jinsiga ah iyo shaqaalayntq caruuurta.

Intii aan xog ogaal u noqonayey xaalada carruurta darbi jiifka waxaan arkayey in wadankan ku soo badanayeen balwadaha kale ee maanka dooriya oo aan hore u jiri jirin sida xashiishada ,xabagta, marjuwaanaha ,kookiinta iyo kiininkaba waxayna dhalintu u isticmaashaa habab kala duwan qaar sida sigaarka ayaa loo nuugaa ,mid sankaa laga qaataa ,mid waa la calaliyaa sida xanjada iyo mid laysku mudo oo ah mid si fudud looga heli karo wadankeena waana maandooriyaal midba mida kale ay ka culustahay aanan miisaanayn ,

Markii hore anigan dadka uunbaan la mid ahaa  oo sida dadka kale u dareemaan uun baan u dareemi jiray oo aan isaga dhaafi jiray laakiin wakhti ilaa mudo laba sano ah ayaan is waydiiyey maxay carruurtani dadkoodii u qaban waayeen ? su’aashaasi ayaa igu soo dhacday ,hadana waxaa maskaxdayda ku soo dhacday ,dadkoodii haday qaban karayaan ,way hayn lahaayeen .

Waxaan is idhi carruurta sidan oo kale hadaanan dadkoodii hayn Karin yaa ka masuula ?

Markaa waxaa maskaxdayda ku soo dhacday cida kalee ka masuula inay  tahay cida umada hogaamisa ee masuuliyada ummadu saaran tahay .

Deedna halkaa waxaa iiga soo baxay wax badan inaan waligeed ba cida ummada hogaamisaa iyo waxgaradka ummadan midna aanu carruurtan hoos u eegin oo aanay ku baraarugin .

Maalintaa wixii ka dambeeyey ayaan bilaabay inaan ka shaqeeyo daryeelka carruurta ,Maansa hore ayaa tidhi:-

dadkan waa yuhu haysto

ee waxyeeladu gaadhay

ee waayey xuquuqdoodii

ee habeenkii wareega

ee akteena ka wiiwle

horta yaa ka masuula ?

Su’aasha hada taagan waxa weeye bal horta dadkani yaa ka wakiila? bal cida ka wakiilka ah kow ha is waydiiso? marka xigtana xilkeeda ha gudato?

la soco Q3aad…………………