Dareen celin: Xadhiga Cabdimanaan Yuusuf- Astaan Cable (WQ: Maxamed Cumar)

Waxan aad uga xumahay xadhiga Cabdimanaan Yuusuf. Waxaanan u arkaa waajib akhlaaqeed inaan ka dareen celiyo xadhiga baalmarsan habraacyada sharci ee lagu fuliyay Cabdimanaan.

 

Sidee ayuu xadhigiisu u baalmarsanyahay sharciga?

 

Sidan;

 

Waxa la xidhay 17-kii bishan bilaa waaran maxkameed. Wuxuu 9 maalmood ku xidhnaa goob aan loo ogolaan qoyskiisa, qareenadiisa, iyo masuuliyiinta ururka saxafiyiinta iyo kuwa komishanka xuquuqul insaanka midna.

 

Sida uu dhigayo sharcigu, qofka haddii danbi lagu eedeeyo, waa in waaran maxkameed lagu xidho mudo 48 saacadood gudohood ahna maxkamad lagusoo taago. Isla markaasna la siiyo xuquuqda inuu qareen helo iskana difaaco eedaymaha lagusoo oogay. Inta ogaalkayga ah sidaasi wax uma dhicin.

 

26-kii bishan oo ahayd 9 maalmood kedib xadhigiisii, ayaa la keenay xarunta danbi baadhista iyadoo ay markan aragiisa iyo maqalkiisaba ugu horaysay qoyskiisa.

 

Doraad waxay maxkamadu u goysay 7 cisho oo rumaan ah (xabsi ku hayn). Waxa xusid mudan in uu soo xidhnaa mudo 9 maalmood ah oo aan maxkamadi sharciyayn.

 

Cadimanaan Yuusuf;

Waa ganacsade dhalinyaro ah. Hantidiisa qayb ka kid ahna ku maalgashaday dalkeena. Ganacsigiisu wuxu Hargeysa ka shaqaynayay 2 sanno waxana wax ku leh dad reer Somaliland ah. Waa ganacsi sharciyaysan, cashuur bixiya ah, u hogaansan shuruucda u taalla suuqa xorta ah ee dalku leeyahay isla markaana abuuray fursado shaqo oo ka badan 120 shaqo.

 

Sida caadiga ah qofna danbiile ma aha illaa ay maxkamad horteed kaga caddaato inuu dambiile yahay. ย Waase lasoo eedayn karaa oo danbiyo lala xidhiidhin karaa.

 

Haddii ay jiraan danbiyo uu Cabdimanaan ku eedaysan yahay, waxa mudan in loo maro dariiqyada sharcigu jideeyay iyo nidaamyada cadaaladeed ee dalka.

 

Wixii dariiqyadan sharci dhaafsan, waxay innagu yihiin bar madaw oo gunnimo ah. Waxayna u muuqan kartaa taag-sheegad, tacadi xaqdarro ah iyo xad-gudub badheedh ah oo godob u abuuri karta ganacasatadeena ku sugan deegaanada kale.

 

Waxaan soo jeedinayaa in Cabdimanaan cadaalad helo lana dhawrno shuruucda suuqa xorta ah.

 

F.G. Akhriste, haddii aad damacdo in aad ka fal-celiso qoraalkaygan, waxa iga codsi ah in aad si miyir qabta, bilaa turxaan ah oo bisil raโ€™yigaaga iila wadaagto. Raโ€™i kastana waan soo dhawaynayaa.