Dawlad xul ah amase xal ah Q.3aad (WQ: Cabdiraxmaan Caydiid)

Marka hore Mahad oo dhami Eebe ayay u sugnaatay, Nabadgelyo iyo Naxariisina Suubanaheena Muxammad. Marka xiga waxaan mar kale Salaan Diiran hawada u marinayaa bahda Saxaafadda iyo qof kasta oo qoraalkaygani soo gaadho.

Waxaad moodaa qoraalkii mawduucani inuu ila yara taraaray. Raali ha layga ahaado. Inshallah, qaybtan Ayaan kusoo afmeeri Sheekadii inoo socotay ee “DAWLAD XUL AH AMASE XAL AH “. Qaybtan 3aad waxaynu ku eegi doonaa, qaab-dhismeedka xukuumadda cusub uu noqon karo amaba aynu u malaynayno inuu ku wacanyahay, iyo qaaciidada loo marayo isu dheelitirka gobolodaga iyo deegaamada.

Intaanan taa u gelin bal aan dib idiin yara xasuusiyo, intiina aan ila socon, labadii qaybood ee hore (1aad, 2aad) waxyaalihii aynu ku taataabanay oo ahaa: Wasaarado ama hay’ado ay tahay in qaabdhismeedka dawladda laga saaro, iyadoo laga duulayo shaqooyinka ay hayaan inta ay lee’gyihiin iyo miisaaniyadaha ku baxaba. Kuwaas aynu nidhi ha la tirtiro wax ka mid ahaa: (a) Wassaaradda Wershadaha (b) Wasaaradda dhaqanka iyo daliiska, (c) Wassaaradda Isgaadhsiinta, (d) Wassaaradda Xidhiidhka Golayaasha, (e) Wassaaradda Caddaaladda, (f) Wassaardda Dib-Udejinta – MRRR.

Waxaa kale oo aynu ka hadlanay, intiinii ila socotay, Wassaaradaha amaba hay’adaha dawladda ee ay tahay in wax-ka-bedel lagu sameeyo, amaba lasoo biiriyo. Waxaynu sheegnay in ay habboontahay, inagoo sababtana raacinaynay, in (a) Wassaaradaha Xoolaha iyo Beeraha laysku daro (b) siidoo kale Wasaaradaha gaadiidka laysu geeyo. Waxaa kale oo aynu tilmaanay, muhiim na ah (c) in Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Dabiiciga ah (NERAD) lagu daro Wassaaradda Deegaanka iyo horumarinta Miyiga. Sidoo kale lagusoo daro dhamaan xafiisyada kushaqada leh arimaha gargaarka iyo safamalka, oo ay xataa ku jiraan Xafiisyada guddiyada gurmadka abaaraha. (d) Waxaa kale oo aynu tilmmanay Xafiisyo, Wassaarado u baahan in dib u habayn lagu sameeyo, sida Wassaradda Diinta iyo Awqaafta oo kale. (f) Waxaa kale oo aynu soo kordhinay Wassaarad aynu u aragnay muhiim waqtiga xaadirka ah oo qaabilsanaan doonta “Socdaalka, Jinsiyadaha iyo Dibudejinta” (g)Hayado madax bannaan ayaynu iyana soo qaadnay oo ay tahay in la raaciyo halka a shaqadoodu ka fuli karto, sida Tayada Cuntanada iyo Maamulwanaaga.

Qoraalkaa dheer ka dib, oo aan rajaynayo, inaa wax badan igu raacdeen, ama ugu yaraan wax ila fahanteen, aan usoo dego qaabdhimeedka Xukuumadda XUL iyo XAL, oo aan uga jeedo in lays waafajiyo dad Xul ah, iyo Xalka oo aan uga jeedo in ay Jamhuuriyadda oo dhan Metelayso. Waana sidan :

  • 5 Wassaaradood oo adeega aasaasiga ha ku qayba
  • 3 Wassaaradood oo arimaha amniga iyo gaashaandhiga ku qayba
  • 8 Wassaaradood oo wax soosaarka inoo qaabilsan iyo
  • 4 Wassaaradood oo hoggaaminta iyo kamidho dhalinta himilooyinta qaranka inoogu foogan
  1. QAAB-DHISMEEDKA XUKUUMADDA XUL & XAL (IDEAL GOVERNMENT STRUCTURE)

WASAARADAHA

Adeega Aasaasiga ah

  1. Wassarardda Diinta iyo Awqaafta.
  2. Wassaaradda Waxbarashda & Barbaarinta
  3. Wassaaradda Shaqada
  4. Wasaaradda Caafimadka
  5. Wasaarddda Biyaha

Amniga iyo Nabdgelyada

  1. Wasaaradda Arimaha gudaha iyo Amniga
  2. Wasaaradda Socdaalka, Jinsiyadaha iyo Dibudejinta
  3. Wassaardda Gaashaandhigga 

Wax-soo-saarka

  1. Wasaaradda Ilaalinta Deegaanka iyo Maaraynta Masisbooyinka Dabiiciga ah
  2. Wassaaradda Beeraha & Xannaanada Xoolha
  3. Wassaardda Kalluumaysiga
  4. Wassaaradda Tamarta iyo Macdanta.
  5. Wasaaradda Ciyaaraha, Dhaqnka iyo dalxiiska
  6. Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha.
  7. Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadidka (Cirka iyo Dhulka)
  8. Wassaaradda Maaliyadda

Hoggaaminta Qaranka

  1. Wasaaradda Arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah
  2. Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo horumarinta
  3. Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaadhsiinta
  4. Wasaaradda Madaxtooyada 
  1. AWOOD-QAYBSI (Power Sharing).

Dhinaca awood-qaybsiga beelaha/ama gobolada Somaliland, waxa ugu habboon, sida aniga ila tahay, in la raaco Qaaciidadii Madaxweyne Cigaal dawladihiisa usoo dhisi jiray (Egal Formula of Power Sharing). Taas oo ahayd Lix meelood oo inta badan is leeg ama aad isugu dhow. Taasi oo badanaa u dhici jirtay baalaha oo laba waaxood ah iyo dhexda oo 4 waaxood ah. Lixdaa waaxood haddaad min saddex wasiir ku dhufato waa 18 Wasiir/ama Wassaaradood. 20 Wasaaradood baa la gaadhsiin karaa (sidaan kor ku xusay),  si wixii yara kalakaca loogu gufeeyo. Beelaha bariga oo dhowaan nabadeyni ka socotayna tix gelin gaara waa in la siiyo.

Anigu waan kasoo horjeedaa Wasiiro-Xigeeno iyo Wasiiru-Dawlayaal. Kharash kordha mooye faa’iido shaqo ma leh. Labada waxa dhaanta in Wassaaradaha shaqadoodu ballaadhato loo sameeyo Agaasimeyaal Guud oo dheeraad ah. Tusaale ahaan, haddii Xoolaha iyo Beeraha lays cunsiiyo laba DG waa loo samayn karaa. Sidoo deegaanka iyo Maaraynta Masiibooyinka dabiiciga ha, iwm…

Arinta lix-Qori u qaybsiga, anigu hadda magacyo beeleed ama gobolo sheegi maayo, Laakiin Madaxweynaha la doortay waa nin dadka aad u kala yaqaan, isgagaanan u dhaafayaa taas.

  1. GUNAANAD

Qaabdhismeedkan, sidaan kor ku xusay,  waxaa ka reeban in lagu daro wax la yidhaahdo Wasiiro Xigeeno iyo Wasiiru Dawlayaal. Sababtu waxa weeye dadkaasu shaqo meesha uma taalo, waa dulsaar iyo Kharash kordhin keliya. Taa bdelkeeda waxa la samaynayaa Agaasimayaal (DGs) dheeraad ah wasaaradaha u baahnan, kuwaas oo ku jaan go’an shaqooyinka wasaaradaasu qabanayso (Work stream based roles). Tusaale ahaan Wassaradda waxbarashadu imikaba waxay leedahay Laba DG oo laba xil oo kala duwan qabta/qaabilsan. Sidoo kale, Wassaaradaha la cusleeyay sida Xoolha iyo Beerha, Deegaanka iyo Maaraynta Massiibooyinka; Socdaalka, Jinsiyadaha & Dibudejinta, wax u diidayaa ma jiro inay laba iyo saddex DG ba yeeshaan.

Wabillahi Tawfiiq, Wallaahu Aclam

“Dhamaad”

W.Q: C/Raxmaan Caydiid

abdiaideed11@gmail.com

November 28, 2017

Hoos ka akhriso qaybtii koowaad iyo labaad.

http://bandhige.com/dawlad-xul-ah-amase-xal-ah-q-2aad-wq-cabdiraxmaan-caydiid/

http://bandhige.com/dawlad-xul-ah-amase-xal-ah-q-1aad-wq-cabdiraxmaan-caydiid/