Dawladda Ethiopia miyey xoog ku muquunin kartaa xoogagga huwanta ah ee ka soo horjeeda? (WQ: Maxamed Cabdi Jaamac “Maxamed Dhimbiil)

Xaaladuhu waxa ay marayaan meel adag dawladii Ethiopia waxa jiif iyo joogba u diiday huwanta isu bahaysatay in xukunka laga tuuro Abiy Ahmed Ali oo dhowaan isku caleemo saaray doorasho shan sanadood oo cusub ah.
Abiy Ahmed waxa uu sadexdii sanadood ee hore dalka Ethiopia kaga talinayey xukuumad xil gaadhsiin ah ka dib markii uu is casiley Raisal wasaarihii hore kacdoono iyo culeysyo qoomiyada oromada oo ah tan ugu tiro badan dalka Ethiopia .
Waxa hada aloosan xaalad dagaal , dawlada Ethiopia shacabkii dalka ayey hubaysay oo ay xoog iyo xoolaba weydiisatay la isaga caabiyo xoogaga huwanta ee Tigray iyo Oromo oo ku soo wajahan Caasimada dalka Addis-Ababa.
Xeeladaha dagaalkani waxaa ka mid ah in ciidamada dagaalamaya loo kala bixiyey ENDF ( Ethiopian National Defense Force ) iyo TDF ( Tigray Defense Force ) oo labaduba ay sheegayaan in ay xaqooga iyo xuquuqahooga ku dagaalamayaan.
Waan-waan midowga Africa ka galay arinkaasi ayuu ergaygii loo saaray Mr Obosanjo olosango   faro madhan kala huleelay markii mawqifyadooda iyo doonista dhinacyadu noqdeen qaar aad u kala fog oo shuruudo adag dhinacwalba ku dhagay.
Xaaladahan iyo dagaaladani waxa ay Ethiopia ka socdeen sanadkii ugu dambeeyay oo dhan waxaana ku barakacay malaayiin qof oo qaybo ka mid ahi xuduudaha dalka Ethiopia dhinaca Sudan uga gudboon badhna Ethiopia gudaheega ku barokaceen , waa dhacay gabood falo iyo dhacdooyin ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo badan oo aduunka badankiisu ku dhaliilay dawlada Ethiopia taageerana ay kaga wayday qaybo badan oo caalamka ah.
Haddaba su’aashu waxa ay tahay dawlada Ethiopia oo cudud ahaan iyo dhaqaale ahaanba ka xoogweyn huwanta ka soo horjeedaa ma muquunin kartaa , mase ka adkaan kartaa ?
Waxa labada dhinacba la sheegayaa in cidi ka caawinayso khariirada goobaha dagaalka ( war topography map ) saanadaha lagu dagaalamayo ( military equipment) oo ay ka mid yihiin diyaaradaha is wada ee wax lagu duqeeyo ( military drones) arimahani ayaa dagaalka u raraya waxa loo yaqaano dagaal xarbul wakaalah ( proxy war ) oo had iyo goor dabada ku hayo dano siyaasadeed iyo dhaqaale.
Laakiin waxa cad cidii u hogaansami wayda waan-waanta iyo dedaalada lagu jiro ee xalka lagu doonayo in caalamku dhinac ka wada maridoono oo la saari doono cunaqabateyn iyo cadaadis caalamiya kaasi oo sababaya in aanay sii dagaalami karin.
Waxa werwer weyn caalamku ka qabaa in Ethiopia ay ka bilaabmaan dagaalo ku saleysan qoomiyado oo ay wada gaadhaan sagaalka maamul dawladeed iyo 82 qoomiyadood ee dalkaasi ku nool oo ay noqoto masiibo Geeska Africa,  Africa iyo caalamkaba ku habsatay oo la maareyn kari waayo , sidoo kalena laga baqayo in uu dagaalku xuduudaha ka talaabo oo uu gaadho dawladaha Ethiopia la jaarka ah oo dhan..
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil
dhimbiil@live.com