Dawladdaha Hoose ee dalku waxay u baahan yihiin in la kala diro (WQ: Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud)

 

Dadku inta badan waxay diiradda saaraan heerka waxqabad ee dawladda dhexe, iyagoo isha ka laliya dawladdaha hoose oo ah kuwa ay dumadooda saaran tahay masiirka dadyowga ku nool deegaanadda maxaliga ah ee ay ka taliyaan,waxaana waajib ahaan saran inay daraasadeeyaan baahiyaadka kala gedisan ee haysta mujtamaca ay madaxda u yihiin, iyagoo xal u helida mushkiladaha jira u kala hor-marinaya sida ay u kala daran yihiin, amaba u kala muhiimsan yihiin, daraasahaas ka sokow, waxaa laga rabaa inay la yimaadaan diyaarinta qorshayaal waxqabad oo sanadle ama sadex-sanadood leh, kuwaas oo ay usii kala jejibanayaan afar-afar-bollodle, iyo miisaaniyadoodii oo si cilmiyaysan oo waaqici ah loo sameeyay, Nasiib darro, madaxda deegaanadda iyo xildhibaanadaa la sheego inay kusoo baxeen hanaan dimoqoraadi ahi, waa kuwii ugu liitay ee taariikhda Somaliland soo maray inta taariikh ahaan la xasuusto, waa kuwo aad isugu mashquulsan iyagu, oo inta badan warbaahinta taagan iyadoo mid waliba midka kale dhaleecaynayo, amaba kooxo-kooxo isagoo soo horjeeda, mana aha inta badan waxa laysku haystaa dan umadeed, ee waa mid ku qotonta maslaxad shakhsi ah, Docda kale, waxay boob aad u daran ku qaadeen dhulkii danta guud looga talo galay, ee ay ahayd in masaajido, malcaamado, ruggo booliis,suuqyo iyo ruggo caafimaad looga dhiso magaalooyinka maalinba maalinta ka danbaysa sii balaadhanaya iyo tiradda mujtamacooda sii koraya, inta badana waxaaba dhacda in marka loo baahdo in masaajid, malcaamad, iskuul, rug booliis, ama goob caafimaad la dhiso in la waayo meel laga dhiso, kadibna ay arintu noqoto in shacabka la waydiisto inay dhul ku tabarucaan, haddii shacabka dhul laga waayana ay dhacdo in mashriuucaasi dib loo celiyo.

Dhinaca kale, nadaafadda magaalooyinka ayaa iyaduna ah mid aan helin tixgelintii iyo dadaalkii ay u baahnayd inay hesho, iyadoo aanay magaalooyinkeenu ahayn kuwo isha iyo qalbigaba u roon muuqaal ahaan iyo bilic ahaanba, sababtuna waxay tahay waxay waayeen dadkii ku haboonaa daryeelkooda, si kastaba ha ahaatee, waxay dad badan aaminsan yihiin in magaalooyinka Somaliland ay ka waxqabad iyo daryeelba wanaagsanaayeen markii Maayorka keli ahi uu magaalo kasta maamulayay, marka loo eego sida ay yihiin,ย ย maanta oo ay gole deegaan iyo maayoro leeyihiin. Isku soo wada duuboo, dawladda dhexe ee uu hogaamiyaha ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi waxaa looga fadhiyaa inay xisaabtan adag la hortagaan Maayaradda iyo Golayaasha deegaanadda ee magaalooyinka Somaliland, oo runtii u muuqda kuwo baylihiyay waajibaadkii ka saaraa dadkii soo doortay, waxaanan ku talin lahaa in la kala diro haddii sharcigu sidaas ogol yahay, loona soo magacaabo Maayaro hawsha sii wada inta laga gaadhayo doorashadda golayaasha deegaanka ee inagau soo fool leh si loo dabaqabateeyo mustaqbalka magaalooyinkeena iyo jiilasha soo koraya, dadka reer Somalilandna waxaan kula talin lahaa in marka ay wax dooranayaan ay aad ugu fekeraan tayadda cidda ay dooranayaan, iyagoo ka eegaya cidda ay dooranayaan dhinaca sumacadda, aqoonta, daacadnimadda, kartida iyo sida bulshada dhexdeeda looga aqbali karo, oo laga koro karateeriyadda haatan wax loogu doorto, oo ah Haddii aynu reer hebel nahay, inoo doora mid wax iska celin kara, wax cuni kara, kheyrkiina wax la boobi kara, oo lays weydiiyo waxan la boobayo yaa iska leh, oo laga boobayaa?

Wa Bilaahi Towfiiq.

Qalinkii: Hussein-lucky M. Mohamoud.

Email,ย husseinlucky@hotmail.com, Burco