Dayax madoobaad! (WQ: Xasan Cabdi Shire)

Argagax iyo layaab baa igu dhaca markaan arko geeri aan ogahay, qofkasta sababta u dhintay iyo qaabkii loo dilay. Waa la toogtay, cancer ayaa dilay, wadnaha istaagay, iyadoo sababta la wada arko, laakiin sameeyaha dila dadka ee Alle u qaabbilsan “geerida” ma arko iyo halka ay naftani ka baxday ama halkay aadday ba. Ka dib markay rawaxday, mararka qaarkood na waxan arkaa dhakhaatiirta caafimaadka oo qof u sheegaya in kelyuhu fadhiisteen oo dhowaan geeridiisu dhici doonto “xal malaha” oo way dhacdaa! Mana aha cilmi qayb laga hordhacay ee waxay arkaan in qofkani lumiyay xubno iyo abuurtiisii qayb kamid ah, cilmiga lagu sakhiray.

Markale waan naxaa oo werweraa markaan arko dhul engagay ama nabaad-guuray oo weliba waxaan ogahay inaan bilahan roob da’ayn Aadame ahaanna aannaan keeni karayn roob iyo barwaaqo. Waxa ay sababtaa biyo la’aanta iyo abaar saamaysa guud ahaan dadkii, marka la gaadho bisha sadexaad na ayaan sugaa roobab, sidaas ayuu ku biloowdaa, mana keeno anigu laakiin xisaab iyo cilmi ayaan ku ogaaday in waqtigaas in gugu ku beeganyahay.

Waan argagaxaa markaan arko wareegga dhulka oo kusii dhow habeen dambe inuu kala dhexgalo dayaxa iyo cadceedda, laakiin ma baajinkarno mana garankarno ujeedka Alle ka leeyahay dayax madoobaadkaas!

Waxaan aaminsanahay in ay tahay argagax iyo anfariir in aynaan kala baajinkarin kulanka labadaas, mana aqaani sababta dhabta ah ee ka dambaysa, xitaa ma garankaro tirsiga inta ay kulmaan waxa ay ku fadhido, sidaas ayaan u daawadaa kuna dhaafaa, Alle ayaan ku caabudaa isaga ayaa na iga fayda! Tirsiga cadceedda iyo dayaxa micno ayay ugu fadhiyaan dadka oo sannadka iyo gu’ga ayaa ka dhasha, waa na saameyn dhab ah oo ku geedaaman noloshaada taas oo dhasha dhalinyarnimo, doobnimo, qaangaadh iyo odaynimo, laakiin tirsiga qorrax modobaad iyo dayax madoobaadkaas Alle ayaa og cilmiga ay ugu fadhido guud ahaan adduunka!

Waxa iga yaabiyay cilmiga iyo sakhiraadda Alle siiyay Aadamaha, waxan la hadlaa Australia oo iga horeeysa maalindhan oo ay ku jiraan 31kii bisha ana aan taaganahay 30kii bisha markaas ayay iiga sheekeeyaan waxyaabo dhacaya 31 berito, Australia maalintoodii 31 ka ahayd, anigu 30 ka bisha ayaan weli joogaa. Sidaas Alle ayaa adduunka u abuuray.
Mararka qaarkood sadaal dhulgariir ayay Aadmuhu sheegaan, laakiin lama baajinkaro mana garankarno dhacdooyinkani waxa ay u leeyihiin adduunka, sidaas lamid ah ayaa loo cabsadaa!

Roob la’aanta, dhimashada, dayax madoobaadka iyo dhulgariirka dhammaan arrimhaasi cidda samaynaysa maaha Aadamaha ee waa Allihii koonkan lahaa, isaga ayaa furdaaminaya, isaga ayaa og waxa ay ku fadhiyaan. Dhamaantood waa anfariir iyo cajabgalin, wa aragti ii muuqata oo aan la baajinkarin ama waa dhacdo aan arkayay intaan noolaa, laakiin aanan aqoon maxsuulka iyo sababta ku jirta.

Ugu dambaayn waxaan ogahay berrito in ay imanayso, caawa na ay habeen noqonayso, waxaan kale oo ogahay 14ka bisha dayaxa ay caddo dayax tahay, maalinta berrito na qorraxdu joogi doonto tan iyo muddo dambe oo adduunku la duubayo, maaha xog cilmi qayb ah ee waa waxyaabo joogta u dhacaya oo Alle adduunka ku dhisay, laakiin ma garankaro inaan anigu joogayo mana garankaro inta ila joogaysa, haddaba dayax madoobaadku wa arrimo ay keenaan dhacdooyinka maalinlaha ah ee wareegga dhulka iyo cadceedda lana mid ah abuurta maalinlaha ah, nuxurku na waxa weeyaan inaan Aadmuhu saamayn, mana baajinkaraan.

Gebo-gabadii: salaadda roobdoonta waxa lagaga xijaabtaa dhimashada abaarta lagu na Eebbe baraa. Halka salaadda faralka na cabsi naareed la gaga xijaabto. Hadda ba, maxaad u diidaysa salaadda dayax/cadceed madoobaadka in lagaga xijaabtaa nuurkii aad haysatay oo Alle kaa qaaday iyo waxa ka dhalankara? Dhacdaa qiyaamuhu ba waa is-beddel ku dhacaya, jiritaankii adduunka oo ka bilaabanaya, cadceedda oo wareeggeeddii beddelmayo.
Allow cilmi yaraanta ha nagu cadaabin, caqli yaraanna na ha nagu fasahaadin.

WQ: Xasan C Shire