Degaysiga Telefoonnada shacabka: xalaal mise xaaraan? (WQ: Mustafa A. Nuur)

 

Dawladaha dimuqraaddiga ahi awood kuma isticmaalaan dadka ay maamulaan, nidaamkooda maamulna kuma dhisna qof iyo qofaf  iskood u go’aansada sidii ay waddanka u hoggaamin lahaayeen. Dimuqraaddiyada asalkeeduna kuma koobna doorashooyinka oo keliya. Doorashadu waa laan ka mid ah geedka ballaadhan ee dimuqraaddiyadda.

Doorashooyinka Somaliland dhammaantood waa dimuqraaddi si xor loogu tartamo; taasina waxa marag u ah dadyow shisheeye oo goobjoogayaal ka noqda xilliyada ay doorashooyinku qabsoomayaan.

Baahida dimuqraaddiyadu se intaa kuma eeka. Dimuqraadinnimo iyo xukuumad waddanka ku maamusha rabitaanka dadku guud ahaan kama jirto Somaliland. Dood baa ka furan, anigu se waxa aan rumaysanahay in aanay jirin dimuqraaddiyad iyo dawlad ay dadku leeyihiin.

Guriga sare iyo ka hoose ee Baarlamaanka Somaliland sida ay u shaqeeyaan ayaa tusaale u ah jiritaan la’aanta dimuqraaddiyadda Somaliland. Jiritaankoodu kuma dhisna sharci, shaqada ay qabtaanna uma qabtaan dadkii ay wakiilka ka ahaayeen. Go’aamada xukuumaddu ay gaadho ee arrimaha dibadda iyo gudabaha ayaa marag u ah jiritaan la’aanta dimuqraaddiyada, afduubka joogtada ah ee garsoorka ayaa caddaynaya jiritaan la’aanta dimuqraaddiyada, xorriyadda hadalka iyo saxaafadda oo aan lahayn xeer iyo shuruuc dhowrta xorriyaddooda ayaa astaan u ah dimuqraaddiyad la’aanta ka jirta Somaliland. Inta ugu badan sharciyada ay Golayaashu ansixiyaan ee soo jeedintooda ay xukuumaddu leedahay waxa ay dan u yihiin xukuumadda lafteeda.  Waa layaab! Balse halla yaabin in xukuumadaha Somaliland ay abuurtaan dano aan ahayn danaha dadka ay maamulaan. Danta shacabka iyo danaha xukuumaddu waxa ay ku kulmi karaan oo keliya, adeegyada bulshada oo la fuliyo. Kolka ay xukuumaddu adeeg ummadeed fuliso waxa ay fulisay dan ummadeed.

Sharci ku yimi baahi dadku ay qabaan wuu yaryahay ama ma jiro. Haddaad dib u eegto xeerarka ugu buuqa iyo muranka badani waa kuwa meel uun ay dan ummadeed ka soo gasho: Xeerka Baanka, Xeerka Kufsiga, Xeerka Isgaadhsiinta, Xeerka Saxaafadda, Xeerka Kala Xadaynta Degmooyinka, iwm.

Dadku waa cashuur bixiyayaal, intooda baahan ee nolosha la halgamaya ee hadh iyo habeen xarbiyaya ayaa cashuurta laga qaadaa, waxba se kagama soo noqdaan. Way baahanyihiin, biyo ku filan ma haystaan, koronto ku filan ma helaan, waddo hagaagsan ma haystaan, magaalooyinku nadaafad ma laha (xashiiska lagama guro), adeeg caafimaad oo ama bilaa lacag ah ama ay awoodaan iibkiisana ma helaan. Durufahaasi iyo darxumooyinkaasi shacabku may dooran, waxa se ugu wacan maamullo aan sida ay doonayaan u hoggaamin. Qofkastaa nolol wanaagsan buu doonayaa, cid uu se kala xisaabtamo daryeel la’aantiisa ma haysto. Qabyaaladda iyo qolo-qolada waxa nooleeya oo ay ka soo bilaabantaa siyaasiga jooga xilliga doorashada. Kolka doorashadu dhammaato qabyaallada way necebyihiin oo diyaar uma aha cudurkii ay doorashadii beereen in uu maamulkooda dhibaato soo gaadhsiiyo.

Heer kasta markay soo gaadhay, maanta waxa ay taagantahay in cashuurtii dadka lagu soo iibsado qalab lagu basaaso oo lagu dhegaysto telefoonnadooda. Dhagaysigaa telefoonnada waxa xukuumadda ku eedeeyay guddoomiyaha xisbiga Waddani. Xukuumadduna way qiratay! Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiintu waxa uu sheegay in qalabkaasi ay xukuumaddu leedahay, soona iibsata. Shaqada uu qabanayaana ay tahay in dadka telefoonnadooda lagu dhegaysto. “Active ma aha ee waa passive” sidaasi ayuu ku yidhi warraysi laga qaaday. Waxa uu caddeeyay in telefoonnada dadka ay dhegaysan karaan. Waxa uu yidhi: “[…] volume-ka waxa noo soo gudbiya shirkadaha isgaadhsiinta, ma dhegaysan karno telefoon socda oo lagu wada hadlayo, waxa aanu dhegaysanayanaa [wax hore]”.

Shirkadaha telefoonnada ee gaarka loo leeyahay ha ka jawaabaan hadalka wasiirka ee meel ka dhaca ku ah dhowridda sirta macmiilka telefoonkooda isticmaala. Ha qirtaan in ay sirta dadka gudbiyaan iyo in wasiirku been ka sheegay. Shacabka macaamiisha u ah shirkadaha isgaadhsiinta waxa looga baahanyahay in ay dib u eegaan heshiiska ay shirkadaha kula jiraan in uu oggolyahay, horrayso iyo dabmayso in telefoonkooda la dhegaysan karo.

Weedhii ahayd in dadka telefoonnadooda la dhegaysanayo, ama telefoon shalay lagu wada hadlay ha noqdo ama mid immakadan lagu hadlayo ha noqdee, wasiirku ma dafirin. Wasiirku waxa uu qirtay in ay lacag soo geliyeen oo soo iibsadeen qalab dadka lagu dhegaysto! Bal malee  waxa ay ka tari lahayd 10milyan oo doollar oo la geliyo baahida cusbitaalka Hargeysa, Burco, Berbera, ama Boorama taalla.

Wasiirku muu sheegin baahida keentay wakhtigan in dadka telefoonnadooda la dhegaysto, kolla carrabku kagama dhicin arrimo nabadgeliyo iyo sugidda ammaanka mid koodna.

Dhegaysigaasi sidee ayay xukuumaddu u xalaalaysatay? Ma xeer baa jideeyay, mise mid cusub oo loo ansixiyay ayaa jira. Baarlamaanka shanta sanno la doortay ee 15 sanno fadhiyaa, waxa ay wakiil ka yihiin shacabka Somaliland; waxa ay dadku xaq ugu leeyihiin in ay qalabkaasi ay xukuumaddu qirsantahay in ay keensatay sharciyaddiisa maamulka iyo wasaaradda ku shaqada leh wax ka wayddiiyaan, sharciga u banneeyayna ay warsadaan.

Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobk 24aad (Xaqa nolosha, sugidda amaanka muwaaddinka, xurmaynta  sharafkiisa iyo magac-samida iyo dambiyada laga galo xuquuqda aadamiga) waxa uu ka hadlayaa oo hoosta qalin ka marinayaa in karaamada iyo sharafta qofka la dhowro oo aan meel lagaga dhici karin arrimihiisa hoose ee shaqsiga ah, in danihiisa u gaarka ah iyo xaqa uu u leeyahay in uu noolaado iyo sharafkiisaba la dhowro.

Somaliland baahi weyn waxa ay u qabtaa hoggaamiye fekera, hoggaamiye Somaliland u fekera. Dhallinyarada aan khibradda lahayn ee xukuumadda hadda hoggaamiyaa, waxa ay u baahanyihiin in ay shaqadooda sees iyo aasaas uga dhigaan taariikhda Somaliland iyo waayihii ay soo martay. Somaliland ma wadi karo qof aan taariikhdaasi waxba ka garanayn. Madaxweynuhu waa nin weyn oo waayo-arag ah, wasiirradiisa iyo xukuummaddiisu se MAYA!

Somaliland waxa ay ugu baahi badantahay  maanta ilaalinta qarannimadeeda iyo daneehada dalnimo. Taasina ma muuqto. Gobolka iyo geeska Afrikaba waxa ka socoda isbeddelo aan la saadaalin karin dhammaadkooda, balse xarakadoodu ay muuqato. Somaliland way ka huruddaa isbeddeladaasi sida duufaanta u socda oo inooma muuqdaan dhaqdhaqaaqyo la-jaan-qaad ah oo ay gacanta ku hayso.

Wakhtigan waxa ay ahayd in Somaliland ay qaan-gaadh ka noqoto arrimo badan oo ay ugu horrayso qabyaalladda iyo qoqobka dalka lagu maamulo.  Isbeddel kasta oo la jecelyahay waxa masuulliyaddiisa leh madaxweynaha.  Waa taa sababta uu madaxweyne u yahay.

WQ: Mustafa A. Nuur

manmustafa@gmail.com