Deggani Ku Dooro Takhasuskaaga Jaamacadeed (WQ: Tawakal Cabdi Cali)

Doorashada takhasuskaaga jaamacadeed ma aha wax la fudeydsado oo lagu degdego.

Daraasad la’aana, ma aha wax aayar lagaga deydo saaxiib iyo walaal. Mana aha keliya danaynta barayaasha iyo waalidku wax ay kula damacsan yihiin. Sida oo kalena, ma aha waxa ay kugu dirqiyayaan cid kasta oo kale oo waxsheegga kugula deris ah. (Walaw adiga oo dookh ahaan kaba duwan, talo ahaan ay kaaba saxsanaan karaan duulkaasi). Go’aan ahaan se, doorashada takhasuskaagu, door kasta, waa wax adiga uun kuu yaalla, oo daadihinaya taagantaada iyo timaadadaadaba. Sidaa darteed, waa in aad si deggan uga fekerto maadaama uu yahay, inta aad baaqi nooshahay, wax ku dacal soconaya oo aan kaa dabo hadhayn.

Marka la dooranayo takhasus jaamacadeed, waxa jira arrimo door ah oo la tixgeliyo. Si fiican, kuwa loo darajeeyo waxa ka mid ah: takhasuska meesha lagu qaadanayo, cidda bixinaysa, muddada lagu jirayo, qiimaha lagu dhiganayo iyo shahaadooyinka sare ee lagu diyaarin karo. Waxa kale oo intaas lagu daraa: heerka shaqaalaysiinta ee takhasuskaas gaadhsiisan yahay iyo mushahar ka laga filan karo in lagu heli karo. Talooyinka kale ee dahabka ah ee horre u deeqay malaayiin arday ah, kana dejiyay halkii riyadoodu ahayd, waxa ku jiray saddexdan isku duuban ee soo socda: qaadashada takhasuska ay xiisaha iyo doonista xoogan u hayeen, awoodda iyo garashada ay u lahaayeen takhasuska ay doorbidayeen iyo dabo-galka fursadaha shaqo ee u leeyahay takhasuska ay dalbanayaan ee ka jiray deegaanka ay ku dhaqanaayeen. Haddaba intaa kore iyo inno kale oo badanba waad ku xulan kartaa takhasuskaaga jaamacadeed, se duruuftaada iyo ta takhasuskaaga xisaabta ku darso oo ha u deymo la’aan.

Ugu dambayntii, takhasuskaaga jaamacadeed ma aha wax maallin iyo labbo aad ku dooran karto, waa se wax dedaal iyo qorshe weyn kaaga baahan. Adiga ayaana gaar u leh go’aankiisa, oo dadka kale umaba ahaan. Iyagu waxa keliya ee ay kugu leeyihiin waa talo iyo tusaale (haddiiba aad ka dalbato). Noloshaada adiga ayaa ka dirawal ah, hadda iyo hadhawtaba. Sidaa awgeed, naftadaa uga dhawow qof kasta oo bannayso dariiqa aad u marayso mustaqbalkaaga dambe. Haddii aaand sidaa yeellina, dakharada gaadha mustaqbalkaaga, adiga ayaa ay keligaa ku dhibi doonaan. Si ayna haddaba taasi kuuguba dhicin, maanta ku dooro takhasuskaaga jaamacadeed deggani: jacayl, fursad iyo awood, Eebbana la kaasho.

W.Q: Tawakal Cabdi Cali

Email: tawakal07@hotmail.com