Dhacdadii Lagu weeraray Richard Burton iyo kooxdii la socotey 19th April 1855: Q.8aad (WQ: Khadar Jaambiir Egeh)

Qoyska Abuubokor Ibraahim (Aboubokor Paha) oo uu hormoodka ahaa wiilkiisa Burhaan Affendi ama sida loo yaqaano Burhaan Bey waxa aay gacan saar weyn la lahaayeen Faransiiska,, waxaaney markii uugu horeysayba sannadkii 1868 kii Faransiiska gacanta uuga galiyeen magaalada Obokh. Waxa aay marlabaad haddana aay uugu xigsiiyeen Sagaalo oo iyaduna ahaayd meel ku baboon degas ahaan dhanka isteraajadiyada dhul marka laga eegaayo. Arinkaasi waxaa si weyn uugu hinaasey oo aay ka cadhaaysiisey Boqortooyadii Ingiriiska madaxdeedii fadhiday Cadan.

Ingiriis orad buu iscaayntaamiyey oo waxa uu qaaylo kula dul dhacay Khadiif Ismaaciilkii Masaarida isagoo Ingiriis Khadiif Ismaaciil ku beer-laxaawsanaya in uu ka caawin doono saanad meletari iyo khuburo saraakiil Ingiriisa oo kala haawl gala dagaalka ba,an ee aay Masaaridu kula jirto Mahdigii Suudaan ee Cismaan Digna, taas oo loo xilsaaray General Gordon Pasha (Major General Charles Gordon).

Gordon). Markii uu khadiif Ismaaciil maqlay balan qaadkaa aad buu uugu riyaaqay oo dhagaha ayuu u laalaadeyey Ingiriis, maadaamo oo uu huro ba,an ku hayey dagaalka uu Cismaan Digna kula jirey ciidamadii huwanta masaarida oo u badnaa falaaxiyiin ama beero qoddoto ee la dagaalameysey Cismaand Digna. Ingiriis taas badelkeed waxaa uu Khadiif Ismaaciil heshiis kula galey in uu siiyo oo uu gacanta u galiyo Berbera.

Markii uu Khadaiif Ismaaciil Berbera iyo Buloxaar gacanta uuga galiyey Ingiriiska, arinkaa Burhaan Bey waa uu ku gacan-saadhey oo diidmo qayaxan buu kala hortagey. Qoyska Abuubokor Pasha iyo Jeneral Gordon Pasha oo ahaa sarkaal Ingiriisa oo Khadiif Ismaaciilkii Masar uu u xilsaaray ciidamadiisa degnaa Zaylac, Buloxaar iyo Berbera ayaa waxaa jirtey in aay Jeneral Gordon Pasha iyo Qoyska Suldaan Abuubokor Pasha ee Zaylac xukumayey in aay colaad dhexmartey, markii uu Jeneraal Gordon Pasha uu ku eedeaeyay Suldaan Abuubokor Pasha iyo inamadiisu in aay sii wadaan ganacsigii Adoonsioga ee aay dunidu joojisey.

Arinkaasi uu ku eedeeyay waxa aay dishey muuqaalkii Qoyskaasi oo wajigabax badan baay ku keentey. Waxaa la sheegaa in aay General Gordon Pasha iyo Suldaan Abuubokor Pasha aay maalin hadh cad isku afdhaafeen farasmagaalihii camirnaa ee Zaylac. Markay incabaara aay wada doodayeen in uu afku ka xumaadey, waxaan la la sheegaa in uu Jeneraal Gordon ee bartii suuqa ku dhex shiidey Abuubokor Pasha oo muddo yar dabadeedna xilkii Saldanada Zaylac ka qaadey isagoo la kaashanaaya Khadiif Ismaaciil. Waxaan dhacdadan ka soo xigtey laba buug: “Under the Flag Somali Coast iyo Sund and Sand Somali Coast Storie”. Abuubokor Pasha waxa uu geeriyoodey horaantii 1885 kii.

La Soco Qormooyinka Dambe.

Diyaarintii..

Khadar Jaambiir Egeh