Haba laacin lahaaydaa qorigaa kala dhacye armaay u roonaayd in uu meesha iskaga huleelo, sowkan Aw-Ibraahim balaayadii ka tagtey hadana u yeedhay. Aw ibraahim taxadir badan iyo foojignaan fiiro gaar ah waadato oo uu kaga dhuganaayo dhaqdhaqaaqa Shabeelka dhagaraysan samaaynaayo ayuu ku dhaqaaqay, waxaanu sameeyey inta aanu qoriga goobta yaala aanu laacin waxa uu gu,u iisii iskaga duubay qoorta iyo madaxa waayo shabeelku marka uu qof raba in uu weerar ku qaado waxa u caada ah oo lagu yaqaanaa in uu marka hore gurada kaga dego oo qoorta si toosa u abaaro si uu qofkaasi qoorta uuga jabiyo. Aw Ibraahim mar gacantuu fidiyaa oo laac qoriga buu isyidhaah marna gacanta ayuu dib uuga soo ceshadaa isagoo yabaalsan oo ka cabsi qaba inta uu qoriga ku fooraro in uu shabeelka dhiig yacabka ahi gorada uu jira oo dusha uuga baxo.
Waxa aaynu hore u soo sheeyney, iyaba waa amakaab iyo yaabe isna shabeelkii xuladka kaaynta iska muu sii gelin oo waxa uu isa soo qayuuriyey qarka dooxa dhinaciisa kale meel geedo waa weyn oo dhaadheer leh hoostooda oo aan ka dheerayn goobtii uu ninka ku diley ee dooxa badhtankiisa halkaas oo isna Aw-Ibraahimna soo kuududo isagoo marba sii daaymo daaymoonaya jihada uu Shabeelku ka jiro.
dooxa badhtankiisa halkaas oo isna Aw-Ibraahimna soo kuududo isagoo marba sii daaymo daaymoonaya jihada uu Shabeelku ka jiro. Aw Ibraahim waxa uu marna jaleecayo ninka jibaadaya ee naftu sii dhibaayso ee badhtanka dooxa jiifa, kaas oo hadalba daayey hiinraag iyo jibaadka xanuunka hayo mooyaane, marna uu u jeesto halka uu qorigu yaalo oo uu marna gacanta fidiyo si uu qoriga u soo qaato marna gacanta kala soo noqdo ayuu Aw Ibraahim uugu danbaayntii go, aan ku gaadhay in uu qoriga goobta yaala soo qaato wixii dhacayaaba ha dhacee. Waxayse tahay suaasha meesha taalaa maxaa dhacay markii Aw Ibraahim qorigii goobta yaaley uu kama dabaayntii laacay ee uu ku foorarsaday?
Dhacdadan Shabeelka iyo Aw-Ibraahim dhexmaray ayaa uu axdigani ahaa qarnigii labaatanaad madaxiisii hore, sanadkuna waxa uu ahaa kun sagaal boqol iyo labiyo tobankii. Xilligaasi oo ahaayd xili uu dugaaga iyo duurjoogta ugaadhu aay geyiga Soomaalidu degto uu hodan ku ahaa. Sida diiwaanada taariikhda ah aad ka dheehanaayso buugaagtii sahamiyaashii reer Yurub aay ka qoreen geyiga Soomaalida qarnigii sagaal iyo tobnaad badhtamihiisii iyo bilowgii qarnigii labaatanad ayaa ku suntan marka aad si fiican akhriskooda uuga bogoto diiwaanadaasi taariikhda geyiga Somaalida aay ka qoreen sahamiyaashaasi reer Yurub oo dhamaantood lug ku soo maray guud ahaan geyiga aay degto umada Soomalida laga bilaabo magaalooyinkii markaa jirey ee ku teedsan xeebaha Soomalida sida Berbera, Buloxaar, Saylac, Laasqoray laga gaadhayo webi Shabeele iyo webi Sidaamo ayaa waxa aay dhamaan qoraalada diiwaanada taariikhiga ah ee aay sahamiyaashaasi reer Yurub qoreen aay ku muujiyeen sida uu geyigan Soomaalida uu Eebe uugu manaaystey Ugaadh duur jooga iyo kaaymo jiqa.
La Soco Qaaybaha Dambe.
Diyaarintii: