Ereyga Af iyo Adeegsigiisa (WQ: Maxamed Baashe Xaaji Xasan)

Ereyga Af iyo Adeegsigiisa

Marka laga yimaaddo labada erey ee il iyo far oo aynu hore wax uga tilmaannay, waxa soo raacaya af oo is siyaalo geddisan loo adeegsado. Af mar waa xubin ka mid jidhka noolayaasha, marna waa hadalka laftiisa, mar kale waa dhinaca hore ee dhuuban ee waxyaalo badan sida mudaca, waranka, murjiska iwm, marar kalena waa horta ama meel halka laga galo sida dooxa, ceelka ama aqalka iwm.

Ereyadan hoose ayaa ka mid ah kuwaa aynu ereyga af u adeegsanno:

Af, afaaf, afeef, aftahan, afdhabaandhab, aflagaaddo, afxumo, afxanuun, afqadhmuun, aflax, afkalaqaad, afduub, afgembi, afsaar, afrogid, af u dhac, afgoosi, afweyn, afgelin, afayn, afdaran, afbadan, afbeel, afdarro, afwaajihin, afcelin, afgarasho, afur, afxidh, afgaabni, afdar afdheeri, afdaboolan, afgaabsi, afqaad, afkalahayn, afgurracan, afdhuubyaalays, afkalawaaxid, aflibaax, afdhaabid, af isa saarid, af isu dhuubid, afyuubid, aftaagid, af-ku-maal, afdhalaal, afhayeen, afmaris, aftir, afmeer, afjar, afgoyn, afdhaq, afdalool, afaggaal, afgarooc, afgobaadsi, afguri, afmiinshaar, afqabad, afti, aftoolin, afqashuush, af-furasho, af-ku-dhufasho iwm.

Dadka, gaar ahaanna ragga iyo degaanno ayaa afka naanayso iyo magacyo ku saabsan loo bixiyaa, waxana ka mid ah:

Afweyne, Afyare, Afdhuub, Afkuwaranle, Afwaax, Afdahab, Afqallooc, Afbuur,, Aflow, Afrakuuble, Aftooje, Afxakame, Afguduud, Afqarshe, Aftaag, Afgaab, Afdheere, Ceel-afweyn, Afdheer, Afbakayle iwm.

Maahmaahda iyo suugaanta laamaheeda kale ayaa ereyga af aad loogu adeegsadaa, sida:

• Af jooga looma adeego
• Af daboolani waa dahab
• Af wax cunay xishoo
• Hadal inta uu afkaaga ku jiro ayuu ammaanadaa yahay
• Haddii aannu aamusnana adhiga sidaas laga deyn maayio, haddii aannu hadalnana waa af sallax ku dheggayagii
• Afkaaga oo ku xidhay oo ku furi waayey Alle goo’ baa la yidhaahdaa
• Bahal higlo afqadhmuunna la ma kala tagto wax na isku ma biiriso.

* Afku wuxu la xoog yahay magliga xawda kaa jara.

*Alle qabey afkana waa yaqaan waana ka agnaan.

Yaa intaas wax ku daray oo liibaaney?

“Afka Hooyo Waa Hodan” daabacaddiisii 2aad oo Muxammad Yuusuf iyo Garanuug.com dabka ka soo qaadayaan ayaa inagu soo maqan.
Image may contain: textNo photo description available.