Dhacdadii Lagu weeraray Richard Burton iyo kooxdii la socotey 19th April 1855: Q.11aad (WQ: Khadar Jaambiir Egeh)

Xaaji Sharmaarke iyo Beesha Habar Awal waxaa ka dhaxeeyay xurguf hore oo ku dhexmartey marsada Berbera, sida odayaal la ga soo wariyey sannad ka hor inta aanay meleeshiyada Beesha Habar Awal ku duulin markabka (Marry Ann) sannadkii 1825 kii, waxaa Xaaji Sharmaarke ku kaga soo duulay Berbera magaayladii Cadmeed isagoo wata dhawr iyo toban farsamoyaqaano Turkiya iyo ciidamo adoon u badan oo uu aad u soo hubeeyay. Xaaji Sharmaarke isagoo aan ogolaansho ka qaadan odayaashii Beesha Habar Awal ayuu si xoog xooga ku bilaabay Qalcad ciidameed iyo dhismayaal uu duleedka koonfureed ee Berbera ka dhisayo. Arinkaasi oo aay Beesha Habar Awal aad uuga cadhootey.

Dad xogogaali sida laga soo xigtey, Xaaji Sharmaarke isagoo xoog iyo muquunin ku socodsiinaya Qalcadihiisii ayaa loogu heesaayay dhismahan qalcadeed tix gabaya oo aan halkan idin kula wadaagi doono laba tudcood:

Daartu daar baay daalimaysaa
Ana duul baan u danleeyah.

Yagleelka daartaasi iyo tixda gabayga ah ee lagu bilaabayba waxaa aay cadho gelisey Beeshii Habar Awal, waxaanay weerar ku qaadeen farsamoyaqaanadii dhisayey iyo ciidadnkii uu watey Xaaji Sharmaarke oo aay goobtii ka eryadeen, waxaanay dhagax dhagax u fujiyeen dhamaan dhismihii qalcadaasi. Wixii intaa ka daqnbeeyay Xaaji Sharmaarke waxa aay Beesha Habar Awal u arkayeen nin cadawa oo duulimaad ku ah danaha Beesha Habar Awal, waxaanay go’aan ku gaadheen in il dheeriya laayskaga jiro Xaaji Sharmaarnke iyo cidii la socotaba.

Inkastoo Xaaji Sharmaarke iyo Odayaasha Beesha Habar Awal ee deegaanka ku ahaa Berbera aanu xidhiidh wanaagsani dhex oolin haddana waxaa ka daroo dibi dhal noqotey in xurguftii Ingiriis iyo Beesha Habar Awal dhexmartey markii aay falaago beesha ka tirsani aay boobeen markabkii (Marry Ann Feb-1825), shaqaalihiisiina qaar laayeen, qaarna aay qafaasheen in uu Xaaji Sharmaarke la soo saftey dhinicii Ingiriiska oo uu hogaaminaayey askartii saarnaayd labadii markab ee Berbera lagu soo weeraray.

Xaaji Sharmaarke waxa uu hogaaminaayey ciidamadii gudaha magaalada Berbera kula dhex dagaalamaysey maleeshayadii Beesha Habar Awal, waxaana Xaaji Sharmaarke ka soo gaadhay dagaalkaasi dhawac gacanta ah oo belaawi lagu goyey gacantiisa midig, dhawaciisiina waxaa loo qaadey magaalada Bumbay halkaasi oo uu maamulkii Ingiriish ee joogay uu Xaaji Sharmaarke ku gudoonsiiyey bilad geesi iyo seefta lagu abaalmariyo geesiyada guusha ka soo hooya goobaha dagaalka.

Xaaji Sharmaarke iyo ciidankiisii cagtu waxa aay soo furteen shaaqaalihii intii lalaayey mooyee intii noolayd ee la qafaashay. Waxaana Ingiriis Berbera cunaqabataayn xagga bada ah ku hayey muddo sideed sannno ah (1825-1833). Beesha Habar Awal iyo marsada Berbera waxaa la saaray cunaqabataayn soconaysey ilaa sannadkii 1833 kii, waxaana lagu xukumey in aay markabkii (Marry Ann) shaqaalihiisii iyo xoolihii saarnaaba magdjhaw gaadhaya lix kun oo boond (Sterlin 6000) aay bixiyaan Beesha Habar Awal. Waxaanay Boqortooyada Ingiriisku aay Odayaashii Beesha Habar Awal la saxeexatay Heshiiskii uugu horeeyay ee aay la gasho Beelaha Somaliland sannadkii 1827 kii.

La Soco Qormooyinka Dambe.
Diyaarintii

Khadar Jaambiir Egeh