War-saxaafadeed: Ururada Madaxa-banaan waxaay ku baaqayaan in xubnaha cusub ee Gudida Doorashooyinku noqdaan dad karti leh oo aan siyaasadda ku jirin

Ururada hoos ku qoran oo ka tirsan Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaay ugu baaqayaan madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxda labada xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani, Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, iyo gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleeban Maxamuud Aadan inay u magacaabaan Gudida Doorashooyinka dad karaamo, dhaqan wanaagsan iyo karti leh.

Gudida Qaran ee Doorashooyinku waa hay’ad u muhiim ah qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah. Waxaannu ugu baaqaynaa madaxda sharcigu awoodda u siiyay inay magacaabaan xubnaha Gudida inay ka fogaadaan inay magacaabaan ashqaas siyaasadda ku milan. Waxaaanu codsanaynaa in hanaanka lagu magacaabayo xubnuhu uu noqdo mid furan oo shacabku talo ku darsan karo islamarkaana ku dhisan aqoon, karti iyo hufnaan.

Waxaanu sidoo kale codsanaynaa in xubnaha Gudida ay ka mid noqdaan haween iyo beelaha laga tiro badan yahay.

Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyadda Somaliland waxaannu ka codsanaynaa inay marka ay ansixinayaan xubnaha la soo magacaabo inay u qabtaan dhegaysiyo furan oo qof walba lagu soo bandhigo taariikhdiisa, aqoontiisa iyo wuxuu hore u qaban jiray, islamarkaana in qof walba gaarkiisa loo baadho oo loo hubiyo si furan oo shacabku la socon karo, waxna ku darsan karo.

Ururada Bulshada ee Madaxa-banaani waxaay uga mahad celinayaan xubnaha Gudida Doorahsooyinka ee hada waqtigu ka sii dhamaanayo hawshii ay qaranka u qabteen intay xilka hayeen.

Waxaannu carrabka ku adkaynaynaa mawqifkayaga ah in dib dhac kasta oo doorashada ku yimaada uu yahay mid aan dastuurka waafaqsanayn oo aan la aqbali karin.

Ururada soo saaray war-saxaafadeedku waa:

  1. Centre for Policy Analysis
  2. Centre for Youth Empowerment,
  3. COMPAD Human Rights and Community Organization
  4. Garsoor Social Development organisation
  5. Hodan Women Relief Organisation
  6. Horseed Organisation
  7. Hope Development organisation
  8. Human Rights Centre
  9. Solidarity Youth Voluntary Organization (SOYVO)
  10. Somaliland Street Children Rehabilitation Centre
  11. Somaliland Women Association (SOWA)
  12. Somaliland Women Development Centre (SOWOD)
  13. Voice for Somaliland Women Minority Organisation (VOSOMWO)

Wixii faah-faahin ah kala xidhiidh:

Independent Somaliland Civil Society Organisations Coalition (ISCO Somaliland)

Ms Sahra Mohamed Ali

Mobile: +252 63 4329950

Email: iscosomaliland@gmail.com

Twitter: ISCOSomaliland

ISCO Somaliland waa is-bahaysi ay ku bahoobeen ururo madax-banaan oo iska kaashanaya kobcinta dimoqraadiyadda.