Adiga uun baa yoolkaaga arki kara Q.1aad (WQ: Axmed Cali Kaahin)

Waagu markuu dilaaco maalin kasta waa khasnad ama fursad beerasho diyaar u ah waligeedna soo noqon doonin. maalin kasta waxay tidhaa hdaa yaa iga faa’iidaysanaya?  Waana qof iyo waayihii hadba intuu u kayd sado if iyo aakhiro wixii anfaca  ee uu ka faro qabsado is badalada nolosha ee socda saacadkasta iyo is ka caabinta cadaadiska sunaha nolosha ku lamaan dhacdo kasta.

Shayga ugu awooda badan ee dunidan yaalaa waa Doonista qofka aadmiga ah ee Allaah swt. Ku abuuray in uu hindiso kana soo maaxdo maskax diisa iyo lab tiisa hoose si noloshu si quman ugu socoto oo sunne Rabbaniya oo dhacdo kastaa wakhtigeeda iyo dhalashadeedu ku astaysantahay wakhti ka cayiman xagga Rabbi swt.

Sidaa daraadeed dadkoo dhami riyooyin badan baa dhex jifa ama hami ka midho dhalin mar uun Dhacdo kasta oo samayn nolosha ku leh oo aadme ikhtiraacay mar bay ahayd doonis iyo hami hoose oo ku hilan qof laabtiisa. Taasi oo aan ku xidhnayn aqoon iyo waayo arragnimo balse hammigu waa deeq Rabbi iyo joogtayn ka daalid ka dheertahay in mar uun uunka timaado iyadoo run ah.

Haddaba qofkastaa wuu hammiyaa ama wax buu arkaa uu uurkiisa ku sawirto siday noqonayso doonistaasi. Sidaa daraadeed qof kastaa intuu hammiyo in leeg uun buu gaadhi karaa, halka hummaagaagu gaadhsiisan yahay waad gaadhi kartaa. Dhacdooyinka waaqacaana markhaati nool u ah in riyadaada gaadhi karto mar uun haddaad waddadeeda si quman ugu taag naato. Muuqaalada maskaxdaada dhex yaalana wad ka midho dhalin kartaa mar uun haddaad u istaagto si quman miisaamana.

Abraham Nincole waxa uu yidhi aayar ayaan xagga hore u socdaa balse waligay dib uma noqdo. Waa suurta gal in wakhti dheer qaadato balse waxa lama huraana in aad waddada samirka iyo hurida ku taag naato. Mar kastoo quustu xoogaysato waa markasta oo ay rajadu soo dhawaato haddaad rumaysan tahay humaagaaga.

Raiisal wasaaraha dalka Bakistan markuu ciyaaraha crikiets ka fadhiistay dadkana u sheegay in uu siyaasada galaayo aad baa loogu qoslay, balse muddo dheer ka dib waxa uu aas aasay xisbiga ugu korida badan dalka baakistaan.

Taasi oo keentay in aakhirkii uu ku guulaysto in uu kursiga ugu sareeya dalkaasi ku fadhiisto dariiq dheer ka dib balse wax baa u muuqday wixiina wuu rumaystay oo rumeeyay awooda idanka Rabbi swt. Bulshaduna badi waxay ku qaabileen dareen la yaabid iyo quudhsi in awoodaasi siyaasada dad gaari hibo u leeyihiin kubadiisiina aanay ahayn tani.

Dhinaca kale waxa uu sawirtay in uu dhiso dhakhtar kansarka ah oo balaadhan in uu dalka baakistaan ka dhiso gaar ahaan mid caruurta cudurkaa la ildaran loogu adeego oo bilaasha.

Intii uu hawshaa niyada ku haya waxa uu shiriyay ku dhawaad 20 dhaktar oo ku takhasusay cudurka Kansarka si uu talo uga raadsado ka dib shir dheer ka dib dhamaan dhakhaatiirtii waxay u sheegeen in aanu dhisi Karin dhakhtar Kansarka ah oo bilaasha taladaaa waxa si aqlabiyada is kugu raacay 19 dhaktar halka mid kaliyi u sheegay in uu dhisi karo balse aanu marna bilaash noqon Karin.

Imraan Khan taladaasi dhag jalaq uma siinin waxa ka awood badnaa dareenkiisa hoose iyo hammigiisa oo ku hagay in uu dhagaha ka furaysto khabiiradaasi caafimaad taladooda. Awooda doonista ee dunida ugu xooga badan ay hagayso halka qalbigiisu habayo humaaga uga bildhamaya meel fog ee si hoose u leh haa waad qaban kartaa.

Taasi oo dareen hoose oon hakad iyo kala joogsi lahayn si joogta ah ku leeyahay. waad gaadhi kartaa, waad fulin kartaa, waad guulaysan kartaa. Kaasi oo aakhir kii uu dhisay, hirgaliyay, hawlgaliyay, adeega bilaasha ee caruurta la ildaran cudurka kansarka ku dhawaadh 80%. Bilaa lacag ah.

Halkaasi oo khabiiradii labada darsin ahaa ee khibradoodii dheerayd ay ka dheeraysay doonista ama hammiga humaagyada ay hagayaan himilooyinka ku qarsoon qalbiyada dadka kala duwan iyo awooda doonista oo wax calin karaa jirin kaliya haddaanad adigu dabrin. Haddii Rabbi swt idmo

Lasoco Qaybta labaad…

WQ: Axmed Cali Kaahin