Docadocaynta maansada, dabuubtiyo isku dalaynta sheekadii Gorgorka ama Baqayaha ayaynnu badhtanka kaga jirnaye, doorkanna inta aan lis daray ah idiin daro, aan galxooddo hal goodir curad ah in laga dawdabay aad mooddo idin durduursiiyo. Si aanad u daalin, dabuubta hadalkayga iyo dildilaacinta sheekadayduna kuula dheeraannin, horba inta aan kugu jalbeebiyo dhawr meeris, aan kolka kugu horma hormeeyo halakada sheekada iyo heeraabta rag isla maray.
Ragga gabayga noo duurxullee, nagu xajiimeeyay
Iyo xaalku siduu nagu yahaa, kala fog xaashow e
Warkan helay xaqiiqda se waan, sii xanuunsadaye
Xummad iyo ladh buu igu ridiyo, jiif xamili waaye”
Meerisyadan catawga badani ka muuqdo iyo ujeedkooda inta aanan sharraxin, horta aan kugu aashaa socodsiiyo qisada iyo halka ay salka ku hayaan tuducyadani. Nin la yidhaahdo Cabdi Cawad, oo qolada Garxajis dhashay, isaguna Sacad Muuse ah, ayaa gabay kooban tiriyay isaga oo joogga South Africa, gabaygaas –oo uu ku yar qujaqujaynnaayo saaxiibkii C/Casiis Cabdilaah Ismaciil, oo ay isku meel, majlis, iyo makaanba ahaayeen. C/Casiisna waa nin Habaryoonis ah oo, oo reer Xuseen ah.
Haddaba, in kaste oo uu ka cudurdaartay in gabaygii uu bulshada la soo wadaaggo Cabdi Cawad, waxa haddana ay jawaabtiisii na soo gaadhay C/Casiis oo saaxiibkii ahaa, Cabdi Cawad na uu igadh-salaaxay. C/Casiis waxa uu leeyahay ‘nimankii Habaryoonis ee gaal iyo Islaam ba in badan oo uumiyaha oosha guud joogta ah qaaq kaga siiyay; Xabashi, Ingiriis iyo xataa Daarood toona uga baqan maayo e, wax se la leeyahay hadda shinbirro ayaaba lagu salliday!! Kolkaas bahalkan duullayaa haddii uu tolkay daandaansaday, iyaguna xaq ayay u leeyihiin inta ay xanaaqaan in ay xawda ka gooyaan. Wax se aan sheeggayaa sida ragga qaar noogu soo gabyeen iyaga oo na dhaleecaynnaaya, iyo xaalku siduu noogu yay waa laba aad u kala fog…..’ C/Casiis isaga oo maansadiisiisa sii wata waxa uu leeyahay:
Xirsi gaan ku faannaayay iyo, xooggi Habaryoonis
Xeerbeegtidii hawdka taal, xodayo guudkooda
Xabaddooda raggay eersadeen, xulafadii caarshe
Xabashiyo walaan uga baqayn, xulufo daaroode
Bahal samada xiimaaya oo, xuufle baa helaye
Carruur xoola loo diray markuu, kaynta ku xasuuqay
Haddii ay xanaaqeen tolkay, xaal rag waa ficille
Gorgorkaa la xamanaayo iyo, xiidku waa ehele
Hadday Xuur ku toogteen xalxalis, kuma xujoobaanne
Xayawaanka soo weeraray, la xarbinnaayaanne
Xaqna weeye innay eeriyada, kaba xoreeyaanne
Ragga gabayga noo duurxulee, nagu xajiimeeyay
Iyo xaalku siduu nagu yahaa, kala fog xaashow e
Warkan helay xaqiiqda se waan, sii xanuunsadaye
Xumad iyo ladh uu igu ridiyo, jiif xammili waaye
Xalaan baaq u diray reer Xusseen, soona xaadire
Xayawaanka waa noo dagaal, samada xuuflaynne
C/Casiis oo aad mooddo in uu col duminnaayo, haaddiinna weerar ba’an la gali doonno, ayaa inta uu jilibbo Habaryoonis ah u habar wacdo halkaas tixdiina ku dhaabadaynnaaya.
Xaajo kolka ay halkaas marayso, ninkaas C/Casiisna South Africa ka soo gabyay, ayaa isna gabay kale oo aad u qurux badan kaftanna ah Hargaysa ka tiriyay nin lagu magacaabo C/Laahi Muxumed Ducaale, C/Laahi sheekadii dhan kale oo aan laga filannaynba ayuu ula kacayaa. Naftiisa ayuu xoor ka soo qaadayaa!! Kolkaas ayuu leeyahay ‘nimankii reer Xalxaliseed ee Xuurta gorgor ahaanta u dilay, waxan ka baqayaa in aniga oo Xoor ahna ay gorgor ahaan ii malgaan’ dacaayad culus oo mar kale ku hoortay nimankii reer Xalxaliseed ayaa halkaas iyada ah ka soo baxaysa.
Waxa kale oo yaab leh, waxa ninkani uu iska dhiggayaa Xoor islaantiisii u hawaallo -warramaaya, xaalado badan, iyo waxa ay isku qabaanna wax ayuu uga taabannaaya, isaga oo leh ‘xawayaan arladii hawd kuma noolla, adna biil iyo quudin aan meel shishe jirin ayaad nagu xiijinnaysaa, annakana naftii ayaaban u yaabbannahay’!!
Markaas ayaan xusuustay, mar uu C/Gahayr Alle haw naxariisto e afafiisii ku lahaa:
“Adigaaba qalab doonnayee, quusay faransiise
Qasnahadaha raggii kaydsan jiray, qaarbaa tuugsada e”
Rag xaal kastaba ha ku jiro e, in mar walba dumar u awaal warramaa waa mid cad. Ma Maxamuud Cali Beenalay ayaad maqashay kolka uu leeyahay:
“In ay gaaban tahay waan arkaa, gaasirkay tahaye
Waxaan kuugu soo gaday ta kale, inaad ku gaadhaaye”
Waa mar inta uu afadiisii ganbo u keennay, iyaduna ay ka xumaatay oo tidhi “waa wax yare, ma wax nafluu keennayaaba!!”
Haddaba, ninkan Xoorna saw xaq uma laha in uu waayaha adduunka, waxa uu mudanyahay, iyo waxa reer Xalxaliseed faleenba uu afadiisa uga hawaallo-warramo? Alaylahee haa tidhi malaha e, Cabdillaahi waxa uu yidhi:
Xiddooy xalayto laylkii ma ladin, xiisad iyo buuqe
Sidii xuunshadii loo daldalay, waan xisaabtamaye
Xogba midaan lahayn baad tahaye, hay xasaradaynne
Adigaaba xabag doonnayee, xaalku waa halise
Wixii xiid arliga jooggi jiray, xeeb ayuu galaye
La-ye xaydha guratooyinkii, xoore dhalihiiye
Raggii xuur biyooddii u dilay, bahalka xiimaaya
Xab-ka-ba uga fudud inay aniga, igu xigsiiyaanne
Waan soo xidhaayaa xadkee, guro xamaamtaada
Xaggaana iiga durug ways naqaan, reer xalxaliseede
Xayawaanka soo hadhay anaa, ugu xiniin roonne
Idinkuna xaqiiqdii dagaal, waa u xilataane
Is xagxagannayaa iyo hawada, qiiq ku xidhanaaba
Xiska galiya waynoo dagaal aan xadba lahane
C/Laahi Muxumed Ducaale oo ku magac dheer (Arts) waa nin ganacsade ah, oo reer Hargaysa ah. Hayb ahaanna waa Habaryionis, oo reer caynaashe ah, waxaana ay is xiggaan ninkii silsiladdaba furay ee Mustafe-Khaliiji.
Silsiladda oo markan aad mooddo in ay Habaryoonis gudaheeda iskugu soo biyo dhacday, ayaa waxa haddana gabay tirinnaaya nin la yidhaahdo Xasan C/Laahi Qawdhan, oo joogga Hargaysa. Xasan waa macalin dugsiyada maxaa’idda ah wax ka dhigga; Hayb ahaanna waa Habaryoonis oo reer Sugulle ah.
Xasan markan isna waxa uu weerar ba’an ku qaadayaa nimankii reer Xalxaliseed, waxaana uu leeyahay ‘waar haddii aad bilawdeen in aad Xuurtii laysaan, arlada xidinxiitana ku yeedhi mayso, meeshana waad ku ceebaysantihiinne, arrinkaas wax ka saxa waa qadafe’ tixdan kaftanka ah, ayuu isaguna dhegaha u marinnayaa nimankii xuurta dilay. Xagga qolada xuurta dishay waxa aad mooddaa C/Xakiin Kurlibaax mooyaanne, in aannay jirin cid kale oo si cad ulla safani. Waxa kale oo jira qolo kale oo guud ahaan dhacdadan Habaryoonis guul uga dhiggaaya–oo Guruuje hoggaaminnaayo, iyo qolo kale oo iyaguna Habaryoonis oo dhanba arrinka ku dhaleecaynnaaya!!
Yaab badannaa sheekadani!! Intaas uun se maaha e, waxa kale oo jira rag leh waar wax iska hubsada, waxaad disheen malaha bahalkii maaha e, iyo rag kale oo leh waxani waa dunuubteennii. Intaasba waxa sii dheer qolada leh culimadii ayaa la hilmaamaye, waxani waa arrimo kale, iyo rag iska kaftan doon uun ah!!
Haddaba, yaan hadal tirsiimo dheer kuu galinne, aan idiin kala baxo idinka iyo tixdii Xasan-Makaahiil
Dhulka xidhan arlaa’iga xargagn xodayo baasheeda
Xayndaabka Cali Jaamac iyo, xarunta Gaashaamo
Gorgorkii xiraasada gashee, laga xaroonwaayay
Bahalkii xayeeshida badh cunnay, qaarna ku xariiqay
Miyuu reer xalxaliseed u dilay, xuurti bari joogtay?!
Ma mantay Xamaamkana rabaan, innay xasuuqaan?
Xogta sidaan ku haynniyo warkiyo, xaalka jira oo dhan
Kuray xoogle geeljira ayaa, soo afjaray xaale
War hoy dhima xadgudubkaad wadaan, waa xishood li’iye
Xassan Makaahiil
Haddaba, kolka xaalku caynkaas yahay, waxa isaguna gabay soo tirinnaaya nin la yidhaahdo
khalid Cabdi Cilmi (Khaalid -Maqaami) Khaalid isaguna tixdan meel kale oo gaar ah ayuu kala fad-kudinnayaa. Xaggii dunuubta iyo kasbashada aadmigu kasbadeen danbiyada in ay xaajadu la xidhiidho ayuu sheeggayaa, kolkaas ayuu leeyahay:
Inta qoom la xaadhee arlada, Eebbe ka xuyuubshay
Iyagaba dar-baan xuma samayn, xarafna beenaynne
Intay xulatay naartuna ku jirin, lana xisaabaynne
Waxa wiishku xiiraha u sudhay, xume dad gaysteenne
Khaalid sida gabaygiisaba ka muuqata, waxanni in ay tahay ciqaab aynnu kasbannay, hoga tusaalayn iyo fariinna ay tahay ayuu sheeggayaa, muhimna ay tahay in dadkeennu xagga diinta ay u soo noqdaan iyo wanaagga, kuwa khayrka samaynnayaana ay dadka ku guntadaan, si aan dunuubta kuwa xunxun laynnoogu wada halaaggin; waxaannu yidhi:
Xasanaw murtida gabay baryahan, xiisa uma haynne
Xarqaan waliba goortuu tirshaan, kayga soo xidhaye
Xil uunbay gubayee haddaan, xadhigga soo goostay
Xalay toole fiid kii markaan, xerada ooddaayey
Xaggaa iyo kuruur keed markaan, kala xabaadhaayey
Xuuraan ka sheekada markii, laysku xulanaayey
Gorgor xiima xuushiyo waxaa, xiid ka lagu sheeggay
Maatadana waxa xooggayee, xagaya jiidhkooda
Nin waliba xag buu ula kacuu, geeyey xaraf kiiye
Nin xifaaltan iyo waxay ka tahay, madar ku xaalaynne
Ninna waa ka xawdiyo inuu, cadho la xoodmaaye
Labaduba xiskooday hadleen, waana kala xeerre
Aniguna xaggaan ula kiciyo, dhawra xaradhkayga
Shibiruhu xayaab kiyo waxay, guran jireen xaabka
Xuuftiyo waxay guri jireen xiinka, samadaaye
Goortani xagaayadu dhacdee, beladu xuuf laysay
Ee xuunsho aadmiga cunte, goraygu xaydhaystay
Iyaduba xisaab iyo ku filan, xaalad iyo maage
Xusuusaha wixi dhacay markaan, yara he xaalaynno
Rerr caad xasarad iyo markay, xumaha dayn wayday
Waatii xasuuq iyo la baday, xiiratiyo hoogge
Haamaanna xooliyo wuxuu, xoog mudaba sheegto
Waatii xallaashkiyo la sudhay, gamaskii xiirnaaye
Inta qoom la xaadhee arlada, Eebbe ka xuyuubshay
Iyagaba dar-baan xuma samayn, xarafna beenaynne
Intay xulatay naartuna ku jirin, lana xisaabaynne
Waxa wiishku xiiraha u sudhay, xume dad gaysteenne
Gorgorkaa xisaar kiyo ku xidhay, ubad ka xayndaabka
Ee dumar ka xawdhaynnayee, xilaya beer kooda
Waxba yaan la xeelaysanine, tani ba waa xay-ye
Dambi gaygnnu xaabaysannaa, kariyey xooshowga
Khaalid waa hadda waxa uu deggenyahay Hargaysa, waana aqoonyahan. Waxa kale oo uu yahay Bare culuumta shareecada dhigga. Hayb ahaanna waa Habaryoonis; Ugaadh Cumar ah.
Maxaa dhici doonna?!
La soco qaybta 5-aad.
W/Q: Cabdikariin-Xikmaawi