Dhacdadii Lagu weeraray Richard Burton iyo kooxdii la socotey 19th April 1855: Q.12aad (WQ: Khadar Jaambiir Egeh)

Bishii labaad lixdeedii, sannadkii kun sideed boqol iyo toddobiyo labaatankii (Feb-19-1827 kii), saanadka Hijriyaduna uu ahaa (1242kii) bishii rajab sagaal iyo tobbankeedii waxa aay dawladii Boqortooyada Ingiriisku la saxeexatey Beesha Habar Awal heshiiskii uugu horeeyay ee aay la gasho Beelaha Somaliland ee xeebaha dega. Heshiiskani waxaa sobob u ahaa in uu Ingiriis la galo Beesha Habar Awal ee deganaayd deegaanka Berbera markii koox waranleeya oo ka mida Beesha Habar Awal aay weerareen (Feb-28-1825) markab aay boqortooyadu Ingiriisku leedahay oo la odhan jirey (Marry Ann), markabkaasi oo aay bililiqaaysteen dhamaan agabkii uu siday markabkaasi, waxaa kale oo aay waranleeydaa Beesha Habar Awal markabkaasi ku dileen laba shaqaalihiisii ka mid ahaa qaar kalana waay qafaasheen oo maddax furasho ayaay u ka xaaysteen.

Dhacdan markabka waxaa uu Ingiriis saaray marinka Berbera soo gala iyo ka baxay cunaqabataayn culus oo maraakiib dagaal buu bada joojiyey, cunaqabataayn taasina waxa aay socotay ilaa sannadkii 1833 kii. Waxaa kale oo Beesha Habar Awal lagu xukumay lacag gaadhaaysan lix kun oo boond oo ginida isterliinka ah (sterlin 6000) in aay u bixiyaan magdhaw la siinayo shaqaalihii markabka lagu laayey iyo agabkii laga bililiqaaystey markabka.

Heshiiskan uu Ingiriis Beesha Habar Awal ee daganaayd Berbera sannadkii 1827, waxa uu heshiiskani ka koobnaa afar qoddob oo ujeedadiisu ahaayd sidii aay Beesha Habar Awal aay u nabad galin lahaayd markabkasta oo sita calanka Boqortooyada Ingiriiska oo marsada Berbera ku soo xidha ama sahay ugu soo leexda. Waxaana afarta qoddob ee heshiiskan uu Ingiriis la galooyo Beesha Habar Awal u sexeeday odayaal iyo culumo Beesha Habar Awal ka soo jeeda, waxaanay magacyadoodu kala ahaayeen:

1. ismaaciil Geele
2-Cumar Qaasim Xusseen Bancade
3. Ismaaciil Guuleed.

La Soco Qormooyinka Dambe
Diyaarintii:

Khadar Jaambiir Egeh