Dhacdadii Lagu weeraray Richard Burton iyo kooxdii la socotey 19th April 1855: Q.14aad (WQ: Khadar Jaambiir Egeh)

Weerarkii Habeenimo & Richard Burton:

Gaadhka habeenimo waxaan u qorshaayney in aay laba askariba mar la badelo si aay isku nasiyaan, balse maalinimada dhamaantayo heegan iyo gaadh baanu ahaayn. Waxaanan ahamiyad gaara siinayney gaadhka habeenimo, waayo cabsidu waa ta habeenimo oo waxaa dhacdaba in mugdiga laguugu soo dhex dhuunto. Weerarada duulaanku inta badan habeenimo ayaay dhacaan oo habeen mir ayaay Soomalidu u taqaanaa. Waxaad se aad modaa amase cadaaydba in aan anagu qaladka lahaayn oo aanu ciidan badan habeenimada heegan gelino.

Goor casar gaaba, galinkii dambe ee weerarka habeenimada nagu dhici doona ayaa aay sheed nooga soo muuqdeen qormada aanu deganaayn meel aan ka durugsanaayn saddex nin oo fardoolaya oo fardo fuushan; waxaa dhawr madfaca ku tuuray askartii ilaalada goobta. Markii aan maqlay dayaanka madaafiicda la ridayo, waxaan ka soo baxay taanbuugii aan deganaa, waxaanan aad u canaantey askartii gaadhka ahaayd ee madaafiicda ridey oo waxaan ku idhi anoo qaaylinaya: โ€œwaar madaafiicda haku khasaarinina dhib yaraan ee la suga markuu weerar yimaado, ma saddex nin oo kaliya ayaad madaafiicda intaa leeg rasaastooda inagaga khasaarinaysaanโ€. Saddexdii nin ee waranlaayda fardaha saarnaa waxaan si uu uuga waradoono u direy (Balaayoyuus) oo aan ku idhi bal soo eeg oo waaydii nimankani waxa aay raadinayaan.

Ilaayn nimankanba waxa aay ahaayeen sahanka weerarka habeenimo nagu soo maqan oo waxa aay sugayaan jihada aay weerarka nagaga soo qaadi doonan iyo halka ku baboon goljilicdayada ee nalaga soo weerari karo. Sikastaba arimihu ha noqdaane goor xeedhiyo fandhaal kala dhaceen oo col duufaana uu nagu dul-haabsadey uun baanu garanay in aay saddex nin ee fadaha korsanaa aay horudhac u ahaayeen kooxdii weerarka nagu soo maqan ee mirta saqda dhexe lanagu miri-doono. Balaayoyuus oo ahaa nin aad u foojigan way hoos martey oo waxa aay u sheegeen in aay ilaalaaynayeen Xaaji Sharmaarkie Cali Saalax oo la sheegay in uu meel xeebta Berbera aan ka dheeraayn uu hub iyo ciidan kala dagaayo, hubkaasi oo uu rabo in uu mar saddexaad Berbera uu ku soo duulo, xoogna uu ku qabsado.

Waxaa kale oo aay Balaayayuus u sheegeen in aanu martidooda nahay oo aayna ilaalinayaan iyagoo hadalkaa raacinaya in aanu nahay magantooda oo aanay jeclaayn cid dakhar yar nagaadhsiisa, cidkasta oo nasoo weerarta daayoo. Balaayayuus wuu aaminay oo wuu rumaaystey, balse abeeso isagoo wata ayuu noola yimid oo aay la socdaan saddexdii nin oo fuushan farasyadoodii. Salaama calaykum markaan isdhaafsanay baay inta aay indhaha nagu gubeen qosol googoosana aay oogada nagaga qaadeen baay nagu yidhaahdeen: (ma anaga oo wakiil idiin ah baad ka cabsi qabtaan in aanu duulaan idinku soo kicino). โ€œAniguna waxaan uugu jawaabay maxaad u socoteen ee idinka soo galey goobta aanu deganahay?

Iyagoo aan cabsi weyn naga qabin oo weliba na quudhsanaaya baay noogu jawaabeen “oo ma waxaad ka cabsi qabtaan in aanu duulaan idinku soo qaadno, calooyashyada ayaabad ku jirtaane haddaan duulaan idinku soo qaadno ma Xaaji Sharmaarke ayaa naga kii dhicinaaya oo aad isku halaaynaysaanโ€. Inta aan yaabay baan uugu jawaabay: โ€œMaxaa ba dagaal keenay ee aad noo soo weeraraysaanโ€. Inta aay marlabaad qosol googoosa oogta kaga qaadeen buu mid ka mida saddexdan nin oo hogaaminayey oo la yidhaah ( Aw Cali Dheere) noogu jawaabay: โ€œAnagu colaad idinka idiilamaan soconine salaan taanu nidhi hala dhaafina oo salaan baanu idiin kula soo leexanayโ€, qastiga aanu u soconayna waxa uu ahaa Xaaji Sharmaarke oo cadowgayaga ah ayaa naloo sheegay afar markab oo ciidan iyo hub ahi in aay uugu xidheen Marsada yar ee Siyaaro oo aan waxba ka dheeraayn Berbera, maraakiibtaa iyo saanadaana waxa uu rabaa Xaaji Sharmaarke Berbera imika marka aay safaradu ka noqdaan ee aay cidlada noqoto in uu ku qabsado, isku daygana waa markii saddexaad ee uu isku dayo In Xaaji Sharmaarke inuu qabsado Berbera.

La Soco Qormooyinka Dambe.
Diyaarintii: