Abuubokor Pasha waxa galay damac weyn oo hamigiisu ahaa in uu xukunka Saldanadiisa ku fideyo magaalada Harar iyo deegaanada hoosyimaada oo dhan. Fikirkaasi iyo hamigiisiiba waxaa u rumeeyay Khadiif Ismaaciilkii Boqortooyada Cismaaniyiinta u fadhiyey Qaahira ee maamulayey Masar; kaas oo u soo direy laba kun oo askari, markii uu helay askartaasi tirada badan ee masaarida ah ayuu Abuubokor Pasha isagoo kaashanaaya inankiisii Burhaan Bey uu ku hogaamiyey ciidamadaasi tirada banda magaaladii Harar iyo deegaankii ku xeernaa halkaasi oo uu dagaal qadhaadhi ku dhexmaray ciidamadii Abuubokor Pasha watey iyo kuwi Amiirkii Harar. Sida ilo taariikhiyahano laga soo dheegtey aay tibaaxayaan waxaa la sheegay in dagaal maryo dhiigleh la kala furtey dabadeed in ciidankii Amiirka Harar watey laga adkaadey lagana qabsadey Harar iyo dhamaan deegaanadii hoos imanayeyba. Waxaa kale oo la sheegaa in markii uu Harar gudaha u galey Abuubokor Pasha in aay askartiisii aay nolol uugu keeneen Amiirkii Harar oo uu amar ku bixiyey Abuubokor Pasha in si qarsoodiya loo khaarajiyo, waxaana la sheegaa in Ameerkaasi Harar sidii laag loola dhacaayey uu ku geeriyoodey.
Abuubokor iyo qooyskiisaba waxaa aad loogu eedeeyaa in aay ahaayen qoys ganacsiga adoonsiga saamaayn weyn ku lahaa, waxaanay xidhiidh ganacsigaasi adoonsiga lalahaayeen saaxiibkoodii uugu dhaw ahaana Suldaankii Tojoro. Tojora iyo Dekada Zaylacba waxa aay ka dhoofin jireen adoon aad u fara badan oo laga keeni jirey Boqortooyadii Abasiiniya ee loo yaqaaney Agsam (Axum Empire) ilaa dadka Masaayda ahaa. Waa ganacsi aad u fool xumaa laakiinse Alle ayaa inaga og eedaayntaasi; waxaase biyo kama dhibcaana in dhoofinta adoonsigu ka socdey Marsooyinkii kala ahaa: Tojora, Zaylac iyo Berbera.
Badhtamihii qarnigii 18aad:
Badhtamihii qarnigii 18aad waxa aay Boqortooyada Ingiriisku lumisey Mustacmaradii Waqooyiga ee Ameerika. Mustacmarada Ameerika ee Boqortooyada Ingiriisku waxa aay ahaayd suuqa uugu weyn ee loo dhoofin jirey Ganacsiga Adoonsiga. Markii aay Boqortooyada Ingriiska aay gacanteeda ka baxaday Musgtacmaradaasi Maraykanku 1776 ee aay la baxeen dal la yidhaahdo (United States of America) ayaa uu arinkaasi fajiciso iyo maddax wareer weyn ku ridey Boqorkii Ingiriiska ee la odan jirey (George III) ama Joojkii saddexaad.
Kaas maroora-dilaacii darts ku dhintey isagoo waalan 29 /01/1820. Boqortooyada Ingiriisku markii aay lumisey Mustacmaradii Ameerika 1776 kii, waxa aay u soo hanqal taagtey qaarada madow oo aay markii hore dadka ka soo guran jirtey si aay adoonsiya si aay warshadaheega uugu shaqeeyaan iyo beeraha curashadii kacaankii warshadaha. Isla sanadkii 1823 kii, waxa aay Boqortooyadii Ingiriisku qaadacday ganacsigii Adoonsiga si aay qaarada madow aay ku badasho lumintii Mustacmaradii Ameerika. Sikastaba ha u madnuucdee ganacsigii adoonsigu muddo dheer halkiisii buu ka sii socday oo muujoogsan ilaa laga gaadhayo dhamaadkii qarnigii 19aad.
Dhinaca galena Boqortooyadii Faransiiska waxaa ka bilaamay kacaankii gadoodka shacabka 1789-1792, kaas oo socdey muddo saddex sanno ah. Waxaa kacaankaa Faransiiska ka curtey hogaaminaayey nin la odhan jirey (Robespierre) oo isna markii dambe la daldalay isagoo lagu soo eedeeyay khiyaamo (Treason) Isla sannadkaa 1794.
La Soco Qormooyinka Dambe.
Diyaarintii: