Dhacdadii Shabeelka iyo Aw Ibraahim Tukaale: 1912 kii Q.2aad (WQ: Khadar Jaambiir Egeh)

Aw Ibraahim Tukaale waxa uu ahaa nin xoog iyo quwad badan uu Allihii uumey ku manaaystey, quwad badani aawgeed waxa uu caan ku noqdey magaca (Aw Ibraahim Taagweyne) oo degaanka markaa uu la daganaa aay odhan jireen marka aay belo dhacdo ama dugaagu reeraha soo weeraro aay ku qaaylo dhaami jireen “waar inoo doona Aw Ibraahim Taagweyne) isagaa geesinimada leh loogu babac dhigo masiibadan oo kalee.

Sida looga qaateen Aw Ibraahim Taagweyne la soo kacaamey dhilinyaradiisii waxa aay sheegaan in uu Libaaxo urin jirey Aw Ibrahim Taagweyne oo marka uu kaaynta soo galo ee uu Libaaxu dareemo jugta yeedhaysaa in aay tahay cagtii weynayd ee Aw Ibrahim Taagweyne uu Libaaxu kaaynta ayuu dhinaca kale uuga boodi jirey. Aw Ibraahim Taagweyne waxa uu shabeelka u yaqaaney curi indho cas oo sikhraana weliba dabeecad xumo darteed mid aad u wishiiri badan markaad isku soo baxdaan oo waxba iskagaga muu dhigi jirey oo waxa uu u haaystey mukulaal xagasho badan waanu xaqri jirey.

Aw Ibraahim Tukaale ama sida loo yaqaaney aan u nidhaahnee Aw Ibraahim Taagweyne waxa uu ahaa hilib cun oo neefka geelaha marka la qalo isaga sarin uu maay ahaayn baay yedhaahdaan ragii yaqaaney haddii Aw Ibrahim Taagweyne jeex gaara isaga la siiyo. Haddii neefka geele kaligii loo daayana hilibkiisa cidi uugu maay imanaayn. Aw Ibraahim Tukaale waxa uu ku soo barbaaray noloshii geeljiranimo iyo dhaqankii reer guuraanimo ee Soomaalida, kaas oo ku salaaysnaa cad iyo caano.

Aw Ibraahim Taagweyne bilowgii qarnigii 20aad iyo dhamaadkiisii sannadku markuu ahaa 1893 waxa uu ka mid ahaa dhalinyaradii ku biirtey ee raaci jirtey ugaadhsatadii reer Yurub ee idleeyay Libaaxyadii, Shabeeladii iyo guud ahaan ugaadhii geyiga oo haragooda loo iib-geyn jirey qaarada Yurub iyo ta Ameerika. Waxa uu isagu markii dambe uu noqdey mid gaar uuga shaqaaystey oo ka ganacsada hargaha Libaaxa oo uu u dhoofin jirey Cadan. Waxaa kale oo Aw Ibraahim Taagweyne ku jirey kooxdii Sultaan Cali ee Carwo dhaqanka Somalida wadamada Yurub ee bishii shanaad afarteedii1904 bandhig faneed Carwo dhaqanka Soomalida ka turjumaaysey ku soo bandhigey magaalad Bradford ee galbeed ka Yorkshire, halkaasi oo aay kaga dhimatey gabadh ka mid ahaayd kooxda Carwada jilaaysey oo la odhan jirey (Xaliimo Cabdi Badel), gabadhaasi oo u dhimatey xanuunka feedhaha, noqoteyne qofkii uugu horeeyay ee muslina oo lagu xabaalay xabaalaha la yidhaah (SchoolerMoor Cementry) ee ku taal galbeedka Yorkshire Gobolka England.

Aw-Ibraahim wuu garanaayey marka uu Shabeelku ninkan kaga takhaluso in uu isagana isku soo rogi doono. Balse Aw-Ibraahim waa ka sii diyaar garoobey oo inta uu go’o ii uu sitey qoorta iiskaga duubay, labadii waran iyo toori uu sitey gacan iskugu geeyey, gaashaankiisiina gacantii kale ku qaatey, difaaciisiina soo xidhay oo uu kuududsadey meel aan ka fogaayn goobta Shabeelka iyo ninku aay ku hirdamayeen ayaa incabaara markuu hirdankaasi socdey uu ku soo gaba gaboobey in uu si dhib yaraana shabeelkii uuga takhaluso ninkii, balse Aw-Ibrahim Taagweyne waxa uu sugaayeyaaba aay tahay isaga iyo Shabeelka oo haatan is-huran.

La Soco Qaybaha kale ee soo socio.
Diyaarintii iyo kaaydintii:

Khadar Jaambiir Egeh

Image may contain: 1 person