Dhacdadii Shabeelka iyo Aw Ibraahim Tukaale: 1912 kii Q.5aad (WQ: Khadar Jaambiir Egeh)

Markii Aw Ibraahim u u siqay goobtii uu qorigi yaaley ee uu laacay isagoo ku foorararysanaaya ayaa waxa uu Aw Ibraahim ku baraarugay shabeelkii oo hawada sabaaynaaya kaas oo aad moodaayso saayruuq hawada laga soo ganay oo xawaare aan la qiyaasi karin ku socda uu dusha kaga haabsadey Aw Ibraahim Taagweyne. Aw Ibraahim Taagweyne oo ahaa manaxe aan shabeel cabsi gelin weligii ku samaayn oo shabeelkaba Bisad u haaystey markii uu dareemay shabeelkii dhaqagar qabaha ahaa in uu gurada jirey waxa uu markiiba Aw Ibraahim labadiisii gacmood ka booxsadey shabeelkii dhiig yacabka ahaa waxaanu markiiba shabeelkii ka jabiyey qoortii yaraayd dhulkana waxa uu soo dhiga shabeelkii oo aan dhinac u dhaqaaqi karin.

Aw Ibraahim waxa uu diidey in uu shabeelka dhaawac weyn u geeysto oo uu haragiisu ka daldalooshamo. Soomaaliduna waxa aay tidhaahdaa shabeelku haragiisa ayuu u dhintaa. Aw Ibraahim Taagweyne waxa uu dooxa wadhay oo ee dhinac u jiifiyey shabeelkii oo jibaad iyo qaaylo isku daraaya aan isloodin karaayn ilaayn qoorta ayuu aw Ibraahim kala jabiyee. Aw Ibraahim oo cadceedu ku soo gaabanaayso ayaa waxa uu go’aan ku gaadhey inta aanu gabalku ka dhicin ee uu mugdigu u soo galin in uu shabeelka haraga ka siibto. Aw Ibraahim waxa uu la soo baxay bilaawe weeyn oo sifiican u afaaysnaa, waxaanu ku bilaabay qaleen shabeelkii oo weli naftu ku jirto.

Shabeelkii waxa uu isku daray qaaylo iyo xunbo cad oo uu afka ka keenaayo balse awood uuma laha in uu in yar nuux-nuuxsado oo uu dhaqaaq yar samaayn karo waayo shabeel qoorta laga jebiyey waa gaadhi laga saarey afartii taayir ee uu ku socon lahaa. Markii Aw Ibraahim Taagweyne haraga ka saaraayey Shabeelka oo aay wax yar uun u hadhsan tahay dhamaaystirkiisii ayaa uu arkay ninkii uu shabeelku weerararay oo aay naftii ka gurmaayso, Aw Ibraahimna waxa uu ka dhaqaaqay shabeelkii oo aanu haragii ka wada siibin, waxaanu u dhaqaqay halkii uu yaaley ninkii uu shabeelku wax yeeleeyay ee aay naftu ka sii gurmaaysa.

Aw Ibraahim Taagweyne markii uu dul tagay ninkii naftu ka gurmaaysay inta uu qaaday ayuu u jeediyey jihada waqooyi ee aay qiblada Xaramku ka xigto. Markuu waxoogaa toban midhiidh dul joogay ninka goobta yaala ee aay naftu ka gurmaayso oo uu u qabtey shahaadadii ayaay ninkii naftu ka dhacday.

Marka ninkii naftu ka dhacday, gabalkuna gabaabsi noqonayo ayuu Aw Ibraahim dib uugu noqday goobtii shabeelku yaaley si uu u dhamaystiro in uu haraga kala baxo. Shabeelku madhiman oo weli nafta ayaa ku sii jirta, Aw Ibraahimna waxa uu gawrac dhagta dhiiga u daray shabeelku si aayney naftu uugu silcin oo aay naftu u dhaafto Shabeelka si raaxo badan. Isla markii aay shabeelku naftii dhaaftey, Aw Ibraahimna waxa uu dhamaays tirey in uu ka saaro haragii shabaalka, waxaana goobta yaala shabeelkii oo hilib siinyo ah.

Markii uu Shabeelkii haragii ka dilijiyey waxaa Aw Ibraahim u uugu dumey goobtii mugdigii habeenimo isagoo weli dhex jooga badhtanka dooxa. Aw Ibraahim waxa uu talamaba oo uu mar isyidhaahdo ninka maaydkiisa ma waxaad u qaadaa xagee reeraha oo muddo masaafad dheel loo soconaayo mise waxaad u qaadaa dhinicii kaamka Arabsiyood oo aan waxba ka dheeraayn. Muddo waxoogaaya markuu talamayay oo Ibraahim ee uu mugdigii habeenimona cumaamatey go’a shaala oo la yidhaahdo “ Gudcur” oo indhaha haddii faraha lagaagaliyana aanad wax arkaayn ayuu uugu dambaayntii go,aan sadey in dib uugu noqdey kaamkii Arabsiyo si salada jinaasada logos tukado jameecada salaada jimce, halkaasi magaaladana lagu duugo maaydka.

Doona iyo Butidii soo daba gashay Aw Ibraahim ee leh ninka maaydka ah aan kaa Taagweynoow isug….Cajiib. Haddii in yar uu u joogsado Aw Ibraahim Butida sara jooga ayaay ku dhilanaysaa oo middho gudahood Lafa Cad Cad buu Aw Ibraahim noqonaya.

La Soco Qormooyinka Dambe.
Diyaarintii:

Khadar Jaambiir Egeh