Dhacdooyinka xiisaha badan ee Doorashooyinka isku sidkan ee Soomaalilaan (WQ: Cali Cabdi Coomay)

 

Waxyaabaha ku cusub doorashadan isku sidkan ee golayaasha deegaanka iyo wakiillada ayaa ah in doorkan ay beeluhu keenayaan musharraxiinta halkii doorashooyinkii hore ay xisbiyadu keeni jireen musharraxiinta. Arrintaasi waxa ay keentay inay beelihii musharraxiinta keena lagu yidhi ay birta iska aslaan oo jilib jilib loo coloobo. Iyada oo jilib kastaa uu doonaya inuu helo ugu yaraan hal musharrax labada musharrax ee beeshu keenayso xisbiga. Dhawr arrimood oo la yaab leh ayaa ka soo baxay doodihii iyo ficiltankii beel kasta gudaheeda ka qarxay:

= Wuxuu suuqoodii xaami noqday cuqaashii oo ay ugu tun weyn yihiin Caaqiladii iyo Jiif Caaqiladii oo helay lacagta iyo kala jiidashada musharraxiinta beesha.

= Waxa batay guryaha lagu shiraayo iyada oo in badan ay qaali garoobeen kirada qololka gaarka ah ee loogu talogalay in meherado laga dhigo. Jilib kastaa wuxuu soo kiraystay maskhin uu musharraxiinta ku kala saaraan oo hadh iyo habeen lagu qayilo, iyada oo kharashka ku baxaya dhammaan la saarayo xubnaha u ordaaya inay noqdaan musharraxa ay beeshu wadato.

= Beel kastaa way is-xisaabisay oo waxa miiska la soo saaray jilib kasta wuxuu beeshiisa ku leeyahay, Wasiir, Agaasime, Suldaan, Jiif caaqil, xilidhibaan deegaan iyo mid Baarlamaan. Beelaha qaarkood waxa ay isku raaceen in jilibkii aan midna lahayn intaa sare loo daayo inay noqdaan musharraxiinta deegaanka iyo baarlamaanka. Kuwa ku qancay iyo kuwa racfaan ka qaatayba way leeyihiin.

= Musharraxiinta beelaha ka dhex tartamaya waxa ay isugu jiraan laba nooc:  kow, kuwa ay ka dhab tahay oo kharashkii iyo durmaankii doorashada wata. Laba, kuwa doonaya oo keliya inay u tanaasulka kuwa lacagta haysta, kharash ay ku xidhaan iyaga oo soo qoranaaya kharash badan oo ay leeyihiin waxa ay nagaga baxday mudadii aanu musharraxnimada ku jirnay.

= Xisbiyadii oo lacag xad-dhaaf ah ka helay musharraxiinta ay beeluhu u keenayaan, iyaga oo ka deegaanka u sharraxan ka qaadaya laba kun oo doolar, halka ka baarlamaanka u sharraxana ay ka qaadayaan saddex kun oo doolar.

= Ficiltankii beelaha oo weli socda, oo beeshii xisbi hebel taageersanayd haddii uu musharrax reerkooda ah oo wata waxoogaa odayaal ah uu tago xisbi hebel ay u haystaan inuu ka gaaloobay.

= Qurbo Joogtii oo doorkan aan saameyn ku lahayn doorashadan, waxaana xidhay xayiraadihii Koronaha, oo waxa doorkan birta iska aslaya Qolqol joogtii. Waxa jiray nin isaga ka soo horeeyey xayiraadaha Korona oo waxoogaa lacag ah sitay oo mid ka mid ah beelaha Hargaysa doonay inuu iska sharraxo, hasayeeshee waxa Faji (Faji waa shirqool hoose oo qof lagu diro dadkiisa oo aan la fahmeyn) u dhigay qolqol joogtii oo ku diray odayaashoo reerkiisa. Waxaa af-buuxa lagu yidhi” adeer adigaaba dal horumaray ka yimid ee iska shaqo tag, kuwan dalka jooga ayaanu shaqo geynaynaaye”. Wuu garan waayey meel laga qaniinay.

= Beel kasta waxa ka soo dhexbaxay khilaaf, waxaana loo kala baxay in inta badani ay xisbi tagto, halka intii ka hadhay ee yaraydna ay xisbi kale la doonato musharraxii ay wateen. Colaad fool xun ayaa beelihii dhexmartay oo jilibadii shalay heshiiska ahaa ayaa maanta aan dabka kala qaadanayn oo kala weji dadbaya. Oday waayeel ayaa ka dhawaan ka sheekeeyey isaga oo doonayey inuu tago xaflad uu qabsanayey nin ay jilib hoose yihiin, markaasuu arkay nin kale oo ay kala jilib yihiin. markaasuu ku yidhi” waar hebel ma waxaad tegaysaa xafladan kiniisada ka socota”. Wuu yaabay waar ma xafladayada ayaa kiniisad ah, tiinuna ma meel barako badan ayey ka socotaa, waxa ay ku sigteen inay isu gacan qaadaan. Halkaasi ayey kala maraysaa.

= Musharrax kiis maxkamada kaga furnaa oo muddo hore dalka ka tegay ayaa tegay xafiiska xeer ilaalinta, si u soo qaato waraaqda dembi la’aanta. Show kiiskiisii wuu furnaa markii la eegay faylashii ayaan bay xeer ilaalinta amartay in la xidho. Aakhrikii dammaanad ayaa lagu sii daayey isaga oo ordaya ayuu ku soo baxay xafiiskii xeer ilaalinta.

= Odayaal wata musharrax beeshooda ah ayaa xafiiska imtixaanaadka qaranka u tegay si ay waanwaan uga galaan musharraxooda oo aan haysan shahaaddada dugsiga sare. Hasayeeshee xafiiska imtixaanadka ayaa odayaashuu amar ku siiyey in aanay arrintani waanwaan lahayn, oo aanay arrin dhaqan ahayn. Sidii ayey uga soo huleeleen.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com