Dhambaal xambaarsan fariinta shacbiga Somaliland wax-tarana uu leh Cabdiraxmaan Ciro iyo Muuse Biixi (WQ: Nimcaan Cadaani Xuseen)

 

Waxa Somaliland soo Gashay Doorashoyin Is xig-xigay oo Ay Hanaan Qurux badan Ugu Dareeren Qabsomideeda. Hadab iyadoo kaashanaysaa Khibardii ay ka dhaxashay kuwaas hore waxa Hubaal ah in loo dareeri Doono Dorashdii Madaxxtinimad Ee 13th November.

Waxa la jooga gebogebadii Loolanka doorashooyinka somaliland Taaso Muddo Ku siman sagaal maalmood ama Caano Maal Inaga Xigaan wakhatigii Loo Asteeyay Qabsoomideed.

Hadaba waxa Bulashda reer somaliland Ka Dhex guuxaysa Debayl Ama Hawo Jibo Ku dhisan oo Taagerayaahu kolba warbaahinta Qeybaheeda isku Marinyaa, Taaso Kala irdheyn kartaa shacbiga somaliland.

Shacbi weynah somaliland waa Bulsho Wada dhalaty Isla markaan Iskugu Toosan Ab ahaan Wiil iyo Abtigii Wiil Iyo Adeerkii Isla markaan Ood waadag ah.

Sida ka muuqta Olalah doorashdana waxa aad wakhtiyada Qaar Arkaysaa Dadkii Ama shacbigii Oo Isku Tuuraya Erayo Cunfi Xajiin Iyo Eedaymo Is xambaarsan.

Waxayaabah la xusi karo ee Dareenka caafimadka Qabba ka digig-xoonayo Waxa ka mid ah suladiin Iyo Cuqaal Iyo Dadka birmageyada Ah oo La kal Safanay Xisbiyada Qaranka Iyagoo Ay ahayd inay Dhex U Noqdaan maadama ay Yihiin Muraayada Bulashda laga dheehdo

Arinka Naxdinta badan ee Ilaa hada Quluubta Bulshda ku Suntan isla markaan Keenay in Qebyaaladii Ay dib Uu Soo Lab kacalyeso waxa weeye Markii Xisbul Xaakimka Kulmiye Magaalad burco Kaga Dhawaaaqay Waxa uu Ku Sheegay Jeegan Ama  ‘’Qaanso’’ Taas uu Ujeedkiisu Ahayd In lab beelood, oo ah beelah somaliland Is Xulafeysteen.

Hadab Akhristow Markaan Eegay Min Qiyaaska Ama Cabirkaykag Anigoo Maskaxdayda la kaashanyaa waxay Noqatay Dhacdadaasi Mid Turxaan ku Abuurtay Shacbiga intoodi Kale.

Markaa Dhinacyo badan Ka Eegto Labda xisbi ba waxay Adeegsanyaan Abid weedhahii Ugu Xumaa ee warbahin laysku mariyo kuwaaso saameyn Xum ku reebi Karra Bulshdan Ugubka Ku Ah Dariiqi Dimuqradiyad iyo Dawladnimada.

Tallo Soo Jeedin Ku Aadan Labda Mudan ee Ku Hirdamay Kursiga Madaxtinmo Ee Somaliland Inay Eegan shacbigan Mudad 27sano dhisanayay Damalka Qaranimo Iyo Kaabaysha dhaqan Dhaqaale Isla markaan Halganka Ugu Jira inay Dunida ka mid Noqdaan Dal La Ictiraafsanyahay,Madaxda xisbiyadu waa i Inay Eegan Qodabadn Hoos ku xusan .

  • Inay Reeban Dhaleecayta iyo Xajiimaynta Cunfiga Xambaarsan ee Laysku Tilmaamayo
  • Inay Bulshda Uu Muujiyaan Biseyal Siyaasaded Oo Aaan salka ku haynin Qoqob iyo Qabyaalad
  • Tixgelinta Dareenka shacbka Oo Ka warwar Qaba Qabsoomida doorassho Xor iyo Xalaal
  • Bandhigida Barnaamiijyo Ku dhisan Waxaqabyada Lagu Kala kasabdo shacbiga
  • Isku Dhawaansho Iyo isku Tanaasul Wada Dhalso udub dhexaadkisu Yahay

Gunaandkii Dhambaalkan Wuxuu Si Toosa ah Ugu Jihaysan yahay Musharxiinta Iyo Qof kasta oo Saameyn la Taaban Karo Ku Yeelanaya Sida Gudid Doorashoyinka Qaranka Culimada, Waxa garrdaka Aqoonyahanka iyo Qeyabah kale ee Bulshda.

Qalinkii: Nim’aan Adaani Hussein

 Bachelor science of public health

Candidate Of Mph

Cadaani123@gmail.com