Dhaqan Cajaa’ibeedka Baallalayda” Tukaha.
Tukuhu Waa Mid Kamida Baallalayda Ugu Caqliga Badan Ee Alle Abuuray,
Siday Daraasaduhu Sheegeen Waxay Leeyihiin Laba-Jibaar Maskaxda Baallaleyda Kale, Waana Xayawaankii Aadanaha Baray Aaska’ Runtii Marka Aad Ogaato Hab-nololeedkiisa Waxa Uu Aad Ushabahaa Noolaha Aadamaha.
Tukuhu Waxa Uu Leeyahay Maxakamado Iyo Xeer Ciqaabeedyo Uu Ku Dabaqo Noloshiisa’ Si Ay Ugu Noolaadan Nolol Xasilan Oo Aan Lahayn Xad-Gudub Iyo Xiisad. Waana Xikmad Iyo Iyo Fitir Rabbaaniya Oo Alle U Abuuray.
* Tukayaashu Waxay Isu Guursadaan Sida Aadanaha’Oo Waxay Isugu Yimaadaan Munaasibad Kulmisa Labada Ehel’ Waxaanu Aadamaha Kaga Wanaagsan Yihiin Tukaha Lab Waxa Uu Guursadaa Mid Keliya Oo Dhedig Weligii Mid Kale Lama Guursado Hadii Xaaskiisu Ka Geeriyooto Dabadeed Ma Guursado’ Keliya Waxa Uu Ku Noolaadaa Xasuusihii Xaaskiisii Hore’.
* Keliya Tukaha Lab Waxa Uu Mar Labaad Guursadaa Marka Xaaskiisu Beed-Dhali Weydo (Ubad)
* Waxaa Waajib Ku Ah’ Tukaha Lab Marka Uu Guursado Inuu Tuurta U Rito Waajibaadka Maalinlaha Ah’ Ee Quudkeeda Sugida Ammaankeeda Ag-Joogeeda Iyo Baahiyaadkeeda Asaasiga Ahba’ Ee Xaaskiisa.
* Tukaha Dhedig Waxay Ku Qaan-Gaadhaa 3-Sanadood Halka Tukaha Lab Uu Ku Qaan-Gaadho 4-Sanadood.
* Hadii Mid Kamid Tukayaasha Lab Uu Kufsado Tukaha Dhedig Ama Xoogo’ Waxaa Lagu Xukumayaa Tukahaa Lab Dil’ Waxaana La Keenayaa Goob Ay Isugu Yimaadeen Ehelada Labada Dhinacba’ Waxaana Dilkaa Fuliya Tukayaal Loo Xil Saaray Arinkaa.
* Hadii Xaaska La Qabo Ee Tukuhu Ay Samayso Gogol-Dhaaf Waxaa Lagu Fuliyaa Xukun Dila Oo Goob-Joog Loo Yahay.
* Tukuhu Hadii Uu Ku Kaco Fal Ah ‘ Inuu Guri Ka Dumiyo Mid Kale Oo Uu Ku Xad-Gudbo Xukunkiisa Waa Inuu Dib U Dhiso Guri Cusub Si Deg-Dega.
* Hadii Kooda Weyni Uu Cunto Si Xooga Kaga Qaado Kuwooda Yar-Yar Waxaa Lagu Xukumaa In Raxan Tukayaali Baalaha Ka Rifaan Si Uu Duulimaadku Ugu Adkaafo Oo Dhibaatada Uu U Dareemo.
* Hadii Uu Geeriyoodo Mid Kamid Tukuyaashu Waxaa Isu Yimaada Sida Aadamaha Dhammaan Ehelada Tukahaas Dhintay Iyadoo Tacsi Loo Dhigo Isla Markaana La Aaso Oo Aaskiisa Ay Kasoo Qayb Galaan Dhamaan Eheladiisu.
Fadxi Greenford