Dhaqannada liita ee bulshada kusoo batay lana caadiyeeyay…W/Q:(Dr-Abdikarim D Hassan)

Dhaqannada liita ee bulshada kusoo batay lana caadiyeeyay waxa ka mid ah amaanta madaxda. Gaar ahaan dhalin yaro shaqadooduba noqotay inay qof xil dawladeed haya ay amaanaan, u rixiyaan oo buunbuuniyaan. Amaan aan aqoon durugsan oo ay qofka u leeyihiin ku dhisnayn, xog dhab ah iyo daraasad ay wax qabadkiisa, dhaqankiisa iyo dadnimadiisa ku sameeyeen ku salaysnayn. Balse xad dhaaf ah oo lagu tiiq tiiq sanayo. Heer ay gaadhay darajooyinka hoose ee nifaaqa.

Qofku xil dawladeed oo uu sanado badan raadinayay, u kaambayn gareeyay, isu soo sharaxay kadibna loo doortay, oo uu sidaa mas’uuliyadeeda ku qaaday, haddii uu inyar oo mas’uuliyadii saarnayd ah kasoo baxo, malagu amaani karaa oo fadli iyo dheeraad ma ku heli karaa? Waa su’aal khubarada maamul wanaagan iyo dawlad yaqaanka ahi is waydiiyaan.

Asalanba, amaanta iyo nacamlayntu runta ma tix geliso, waa maslaxad raadis iyo dhadhamo raac. Mid amaanta waxa uu ku ilaashanayaa waxoogaa sandareerto ah iyo sad bursi uu si leexsan ku helay; midna waxa uu ku raadinayaa inta kaas hore haysto. waxase ugu liita, mid qaaca qabiilka oo sida gaastariga ugu soo kacaayaa dhiiri gelinayo. Dhalinta wax baratay ha fahmeen in mas’uul xil ku meel gaadh ah haya amaantiisu waanay karaamo u yeelayn, balse ay dadnimadooda dhaawac ku tahay. Cayda iyo amaanta midna in aad ku shaac baxdo maaha.

 

Wax qabadka mas’uulka waad sheegi kartaa, marka aad hubto inuu wax qabad dhab ah yahay, adigoo waliba ay fiican tahay in aad wixii god daloolo ahna raaciso; wax qabad la’aantiisana waad sheegi kartaa adigoo aan shakhsiyadiisa, qabiilkiisa, iyo dadnimada mas’uulka midna isku mashquulin. Waar hooy dhegtiina ilaashada.

 

 

Qore:Dr-Abdikarim D Hassan

Bandhige@gmail.com