Dhibaatoyinka Ka Dhasha Hubka Fudud Ee Guryaheena Yaal! (WQ: Samiira Maxamed Axmed)

Sida aynu ka war qabno muwaadiniin badan ayaa hubka fudud noocaydiisa kala duwan ku haysta guryaha halkaas oo ay ka dhalato dhibaatooyin farabadan oo lugu gaysto hubka fudud ee gurayaha yaal. Madaamaa caruuro joogaan ama dhalin yaro khibrad badan u lahayn sida loo isticmaalo, waxa marmar badan dhacda in caruurtu si fudud u hesho hubkaas oo ay gaystaan dil  ama dhawaacayo halis naftooda iyo inta ku xeeranba, dhalinayarada oo isku dayda isticmaal kiisa oo ay ka dhalato dhibaato taas oo keenta in la Mariyo sharciga halkaasna uu mustaqbal koodu ku lumo  hadaba waxa lagma maarmaan ah in hubka la basriyo oo la dhigo meel amaan ah.

Side loo xifadi kara hubka fudud?

1. Dhig meel aanay caruurtu ka gaadhayn.

2. Kala saar qoriga/bastoolada iyo qasnada.

3. Hubkaaga haku sifeen / ku nadifin caruurta hortooda.

4. Ha ha ku ridin hubkaga meel markay kula joogaan Caruurta ama dhalinayarda da’ yarta ah.