W/Q:DrMawliid Kudar
Dhulkeena ma SHAQO la’aan ayaa ka jirta mise XIRFAD la’aan iyo Dawlad la’aan?
Marka arday wax la barayo ilaa jaamacad macnaheedu kaliya maaha inuu wax barto uune balse waa inuu is helo isagu.
Sababtuna waxa weeye qofku isma yaqaan waa inuu is bartaa ilaa uu ka ogaanayo waxa uu ku fiican yahay ee ay awoodiisa Rabaaniga ahi u badan tahay ee aanu ka daalin kana xiiso dhicin marnaba.
Taas ardayga ogaada marka uu barto cilmiga uu aadka u xiiseeyo hadh iyo habeen wuu ku fooraaraa natiijo fiicana wuu ka soo saaraa dadkiisana wuu uga faa’ideeyaa oo dalool ayuu ka awdaa dhaxantu uga soo dhacaysay .
Dalalka horumaray waxay ku dedaalaan bal inay ilmaha intuu yar yahay ogaan karaan waxa uu 100% ka soo bixi karo ee uu jecel yahay iyagoo ku ogaanaya iyagoo waydiinaya isaga iyo waalidkiisa waxa uu badanaa isku hawlo amaba xiiseeyo sidoo kalena waxa lagu ogaadaa iyadoo lala soconayo inta uu waxbarashada hoose ama diyaarinta ku jiro iyagoy isha ku haynayaan macaliinta loo tababaray barida “pedagogists” Iyo kuwa ku xeel dheer nafsiga “psychologist”.
Inaga hadaan u imaado dadkeenu waxba uma fiirsadaan oo waalidku intay ilmaha dhagta qabtaan ayuunbay iskuulka geeyaan iyagoon waxba iska waydiinayn waxa uu ilmuhu jecel yahay, waxa uu rabo inuu mustaqbalka noqdo, haduu jarjaro ama ay arkaan inaanu rabin inuu iskuulka tagana way maagaan saaqid ayaad tahay ayay ku yidhaahdaan ilmahana waxay dareensiiyaan haduu dugsiga tagi waayo oo uu wax baran waayo inaanu wax kale noqon karin noloshana ka dhici doono dibjirna ku danbayn doono, mar hadii wadadaas farta loogu fiiqayna inuu taas u raaco ayaaba suurta gal ah waayo caruurtu hadalka waalidkooda inuu 100% run yahay ayay u arkaan.
Sababta ay waalidku dalkii joogaa guusha ugu arkaan in kaliya iskuulka la tago la qaato qalin iyo buug 12 sannana wax la barto waxa weeye nidaam kale oo wax barasho ayaan dalkii oolin oo kala duwaysa waxay ubadku rabaan inay bartaan halka dunida kale iskuulo kala nooc nooc ahi jiraan loona geeyo caruurta waxa ay rabaan inay mustaqbalka noqdaan .
Waalidiinta Soomaalidu ilmahooda kaliya dhakhtar iyo injineer ayay rabaan inay noqdaan waa siday u badan yihiine waxaana isugu darsantay fursado waxbarasho kala duwan oo aan dalkii ka jirin iyo guusha oo ay u arkaan in lagu gaadhi karo inuu ilmuhu dhabadaas kaliya hayo waana ta keentay inaynu isu wada fikir eekaano ilayn nidaam waxbarasho oo isku wada mida ayaynu ka soo wada baxnaye.
Waata keentay in dalkii shaqo la’aan baahsani ka dhacdo iyadoo aanay waliba dadku badnayn waxaana keenaya intuba waxay bartaan 5 ilaa 10 xirgadood oo isu wada eeg waana caafimaadka, dhismaha, ganacsiga, IT ga iyo siyaasada ama maamulka iyo maaraynta iyo kuliyado aan intaas waxba kasii badnayn.
Taasina waxay dhalisay inay soo baxaan dhalinyaro badan oo isku wada xirfad ah dhamaana loo wada hayn meelo ay ka shaqeeyaan madaamoo nidaam maamul dawladeed oo kala hagayaa aanu jirin amaba jirin shirkado, cisbitaalo, iyo ganacsi badan oo ay ka shaqeeyaan hadhawna waxa imanaysa inuu qofkii shaqo hayaaba uu siiyo ka ugu dhaw meeshay doontaba ha ahaato e.
Halkaasna waxa ka dhashay in la yidhaahdo qabyaalad ayaa laysku xushaa, qabyaalad na maahee marka hore ayaa xirfado kooban la bartay oo laysugu aruuray kuwo cayiman marka labaadna dawlad la’aan iyo meelihii laga shaqayn lahaa oo yar amaba aan jirin ayaa keentay inuu qofkastaa isku dayo inuu shaqo galiyo ka xiga se haday badnaan lahaayeen xirfaduhu sidoo kalena kumanaan dhakhtar kumanaan warshadood kumanaan shirkado ganacsi dalka ka furmaan lahaayeen cid shaqaysa ayaa la waayi lahaa lamana ogaadeen ka reernimo meel lagu geeyay.
Waxaan ku soo koobayaa ha eegina halka u danbaysa ee ah qabyaalad ayaa laysku shaqaalaysiiyaa iyo shaqo ma jirto ee eega kana fikira sababta keentay ee ah inaynaan marka horee horaameedba ubadka xirfado badan barin hal dariiq oo kaliyana u wada furan yahay kaasina keenay in shaqo la kala waayo sidoo kalena ogaada inaydaan dawlad haysan ee waxa dhulkeena ka jiraa yihiin askar cashuur qaada si ay mushaharkooda ugala soo baxaan kuwa iyaga madaxda u ahna aynu u biilino iyagoo halkooda fadhiya iyagoo bulshada dayacan biilisana iyaga laftooda ku amarku ku taagleeya.
Madaxdu waa jaariyado shacabku dirsadeen si ay ugu adeegaan uguna qabtaan waxay u baahan yihiin mushaharkooda la siiyo balse uma dhaqmaan sidii jaariyado e intay shaqadoodii ka soo bixi waayaan ayay waliba kuwa shaqo galiyay oo shacabka ah ku jeestaan oo kii wax ka sheega inaanay siday ahayd inay u shaqeeyaan u shaqaynayn xidhaan qaarna hantidooda ka qaadaan lamana arag jaariyad kuwa guriga leh ee shaqada siiyay guriga ka caydhinaysa ama hadba mid qol ku xidhaysa kana dhex atooraynaysa guri aanay lahayn isna siisa kaliya waxa se sidaas sameeya kali taliyayaasha ku baaraca bulshada kursiga saartay.