Dhulkii xasadka (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

Xaasidnimadu waa dhaqan aad u xun in uu qof yeesho, in ay ummad yeelataana ka sii daran.

Cayayaan yar ayaa jiraa haddii kartuun lagu rido oo meel daloosha loo sameeyo si ay uga baxaan, cayayaankaas wuxu sameeyaa marka uu mid is yidhaa ka bax daloolkii ayuu mid kale soo jiidaa markaasuu soo dhaca, aakhirka waxy ku dambeeyaan in ay halkaa kuwada dhintaan maxaa yeelay waxay isu ogolaan waayeen in ay ka baxaan.

Waa sidaa xaasidku qofka uu xasdiyayo ayuu sidaa usoo jiidaa. Nin ka mid ahaa tijaartii hore ee Hargeysa ayaa Xamar guryo ka dhistay markaas ayaa la yidhi maxaad Hargeysa uga dhisan wayday, wuxu yidhi:

“Waa dhulkii xaasidka.”

Nin baa maalin iiga sheekeeyay sheekho, Soomaalidu waa kuwan badiya ducadan badiya  subxaana rabika rabil cisati camaa yasifuun wa salamu calal mursaliin wal xamdulilaah rabil caalamiin, Sucuudiga ayay ahayd, nin Sheekh ah oo Sucuudi ah ayaa in badan ka maqlay  Soomaalida ducadaas, Sheekhii  ayaa yidhi:

“Ducadan meesha lagu badiyo way barwaaqawdaa ee bal dhulkiina iiga warama.”

Markaasay u warameen buuro dhul qalalan, dhir qodaax badan, markaas ninkii Sheekha ahaa ayaa ku yidhi:

“Waar dhulku xaasid badanaa waa calaamaadkii xaasidnimada eh.”

Nin kale ayaa igu igu yidhi nin Soomaalidaa kale ah ayaa ii sheekeeyay, waar nin yahaw anaga fusuq badan ayaanu leenahay idinku hadii aad hal mid iska dayn lahaydeen oo xaasidnimada ah awliyo ayaad noqon lahaydeen.

Haddaba waxaa is waydiin leh dadkeenu miyay ku dhasheen xaasidnimada mise waa lagu beeraa. Nimanka cilmi nafsiga waxay yidhaahdaan qofku  isaga oon wax dabeecad  ah lahayn ayuu dhashaa, dhaqanka wuxuu ka kasbadaa uun deegaanka uu ku noolyahay,diinteenuna waa ta tidhaa qofwalba fidrada ayuu ku dhashaa.  Haddaba halkaa waxa inooga cad in xaasidnimadu tahay dhaqan la kasbado ee maaha wax lagu dhasho.

Markaan in badan u fiirsaday  waxaan arkay in dhaqankan xaasidnimada ah dadka si u kas ah loogu beero oo ay cisaabada laynagu dhex beeray ay ku abuurto dhaqankaa si ay dadka u kala fogayso o ay xukumaan. Sida ay diinteenu inoo sheegtayna, xaasidnimadu sida dabku xaabada u cunto ayay xaasidnimadu diinta u cuntaa, mujtamac dhaqankaa lagu beerayna kuna dhaqmaa kob caleenleh ka soo toosi maayo.

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray:

Kala qaadista madaxwaynaha iyo golaha wakiilada waa maxay sirta ku jirtaa

Umad Agoon Ah

Dumarku waa kuwan shaqooyinkii la wada wareegay ee tolow lacagta xaggee ayey geeyaan

Isku shaandhaynta xoogaa leh tolow maxaa kalifay isagoo waqtiga hadhay yar yahay

Golaha wakiiladu yay matalaan

Maxay ahayd ujeeddadii laga lahaa dagaalkii 1988, goorma ayuuse bilaabmay?

Gaaladu labada wadan ee ay indho gaar ah ku eegaan

Bal ummaddan uu dulinku daashaday eega

Yaa soomaliland sameeyay?

Dajjaal iyo labadiisii salladood 

Maxaad ka taqaan Yuhuuda?

11 Sibtambar Soomaaliya khiyaamadii ugu waynayd

Yaa Soomaali halkaa dhigay?

Luqadee ayaa wax lagu baranayaa 

 Siyaasadda Waxbarashada 

Barasho horteed ha i nicin

Ha isku akhriyin haddii aanad ku camal falayn

Qaabka ragga loo dhufaano

Cisaabada ragga dhufaanta

Dhacdo ugub ah oo masaajid Hargeysa ah ka dhacday

Waar xaggeed ku socotaa? 

Muxuu u batay bilaa-camalku?

Munaafiqiinta casriga ah

Waa maxay siyaasaddu?

Eydu waa bilicda magaalada

Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega

Waa kuma doqonku?

Qabiil ma jiraa?

Waa kuma wadaadku?

Dadku xerooyin ayay ku jiraan

Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

Nuur Xaaji Xiiray

Nur.hers21Gmail.com