Dhuuxidda Qisooyinka Quraanka: (WQ: Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub)

Muuse: Aqoon-Korodhsigii Khadir

Khadir waa shakhsi dood la geliyo in uu nabi ahaa iyo in kale, Quraan iyo xadiis nin lagu jirrabayey Nabi Muuse wax aan ahayn kama sheegin, waa se dood wadaaddada Quraanka fasira badhkood aaminsan yihiin nabinnimadiisa se aanay xujo u keenin. Quraanku waxa uu soo guuriya dhacdo dhexmartay isaga iyo Nabi Muuse.

Nabi Maxamed NNKH, waxa uu ka warramay sida Bukhaari tebiyo in Nabi Muuse oo tolkii la hadlaya la waydiiyey cidda dadka ugu aqoon badan, nabigaasina isaga oo xilligaa arkayey cidda meesha taagan uu isagu isbiday in uu yidhaa aniga, se gef ku ahayd noolihii xilligaa. Sababo badan ayaa la soo guuriya oo ay ka mid tahay in ay jireen xilligaa nabiyo la wakhti ahaa.

Ismoodsiis tolkii uu is biday in u isagu ugu aqoon badan yahay iyo moganaan nabiyadaa mid ay tahayba gefkaasi ka dhac. Waxa loogu abaalguday in la yidhaa nin ayaa jira yaqaanna wax aanad aqoon, joogana xeeliga labada badood xagga ay iskugu tagaan. Nabi Muuse NKH, oo garawsaday khaladkii ka dhacay ayaa loo sheegay in uu kalluun sahay ahaan u sii qaato, heli doonana ninkaa kolka kalluunkaasi ka dhexgalo isutagga labada badood.

Nabi Muuse waxa uu sii kaxaystay badhi-taageere socod, Yuushac Bin Nuun oo wiil da’yar ah, una sheegay in ay tagayaan isutagga labada badood. Halkii yoolkoodu ahaa ayey u dhaqaqeen, kolkii ay gaadheen halkii ay doonayeen ayaa ay dhacdiidsadeen dhagax hadh leh, kalluunkii sahayda u ahaa ayaa dhexgalay baddii isutagga ahayd, Yuushac oo arkaya inta uu la yaabay kalluunkan aan noolayn ee haddana socda ayaa uu  sheeggidiisi ilaaway. Kolkii ay nabar kale sii socdeen ayey haddana hadhsadeen inta ay surmiyeen. Nabi Muuse NKH, ayaa Yuushac ka dalbaday kalluunkii dubnaa mar hadday safar dheer soo galeen. Wiilkii kolkaa ayaa garawsaday in aanu sheegin dhacdadii layaabka lahayd, Muuse kolkii uu ogaaday ayey u soo raadgureen halkii kalluunku ku libdhay. Waxa ayna goobtii kula kulmeen Khadir.

Yuushac waxa ay u badan tahay in aanu socodkan la sii ambaqaadin nabi Muuse iyo Khadir. Quraanka iyo xadiiska qisadan ka warrama kolka ay isl helaan Muuse iyo Khadir ayaa ugu dambaynaysa in ay magaciisa ka sii warramaan, wana xujada loo hayo in uu kaga hadhay isutaggii badda.

Nabi Muuse waxa uu ka dalbaday in ay socod wadagalaan oo intaa waaya-aragnimadiisa ka gunto. Khadirna waxa uu u sheegay in aanu dul uu kula socdo lahayn, hase ahaate Muuse waa ku adkaystay raaciddiisa, isna waxa uu ka dalbaday in aanu waxba waydiin intaa ay wada socdaan, oo uu wax walba uga sheegi doono gadaal. Laysraac oo doon la wada fuul, doontii la raacay ayaa uu meel ka dalooliyey Khadir. Muuse ayaa inta uu soo booday ku yidhi, “Ma raggii lacag la’aanta innagu soo qaaday ayaad doontii ka daloolisay.” Khadir ayaa ugu halceliyey, “Miyaanan ku odhan ilama socon kartid.”

Khadir waa nin degenaasho u dhashay oo nabigan lagu imtaxamayo, waana sababta aanu qaabka cadho ee nabi Muuse ula hadlayn. Shimbir ayaa inta uu doontii dacal ka dul istaagay biyihii badda ka cabbay, Khadir ayaa sida xadiisku sheegayo ku yidhi Nabi Muuse, “Shimbirkaasi inta uu ka kabaday biyahaa badda in ka yar ayeynu ka kabbanay aqoonta Alle.” Sababtu waa adigu aqoon baad isbidday oo waadigaa sheegtay in aad dadka ugu aqoon badan tahay, anigana jirrabida aad maraysaa ah in aan kaa sii aqoon badanahay, isku daro labadeenna aqoon inta shimbirtu ka kabbatay biyaha in ka yar ayeynu ka ognahay aqoonta Alle.

La wada socoy, markii doonidii laga degay waxa ka soo hor baxay wiil kuray ah, deeto Khadir wiilkii ayuu ajasha dhaafiyey, nabi Muuse haddana inta uu is hayn kari waayey ayuu ku dhawaaqay, “Waar ma waxa aad dishay wiilyar oo aan waxba galabsan, arrinkaagu waa mid la diido.” Sangaabtii ayuu haddana Khadir uga soo qabtay, “Miyaanan ku odhan adigu ila socon kari maysid.” Jawaabaha Khadir waxa aad arkaysaa in ay yihiin qaar miisaaman oo isku si u dhacaya.

Nabi Muuse NKH, waxa uu ku musanaabay, “Socodkeennan  soo afjar haddaan mar dambe wax ku su’aalo, cudurdaarna kan ha ii ahaado.” Socodkoodii ayey sii anbaqaadeen haddana, tuulo ayey soo galeen, waxa aanay ka waayeen martigelin, iyaga oo cid martisoorta la’ ayey arkeen gidaar sii ciiraya oo u baahan toosin, Khadir ayaa gidaarkii toosiyey. Nabi Muuse oo ka cadhaysan tuuladan aan sooryeyn in wax loogu hagaajiyo lacag la’aan ayaa ku yidhi, “Haddii aad doonto mushqaayaad ayaad ka heli lahayd toosintaa.” Khadir oo garawsaday in aanay sii wada socon karin ayaa ugu jawaabay, “Halkani waa xaggii aynu ku kala hadhi lahayn, waxa aan kaaga warrami dhacdooyinkii aad samirka u yeellan wayday.” Nabi Maxamed waxa uu sii jeclaystay in uu samro Muuse si dhacdooyinku intaa uga sii bataan.

Khadir waxa uu u sheegay in uu jiro boqor doon walba oo cusub xoog ku qaataa, doontii lacag la’aanta ku soo qaaddayna ay lahayeen dad danyar ah oo intaasi hayn u tahay, baddana kaga xammaasha, sababtu u dalooliyeyna ahayd in iin loogu arko ay doontu kaga nabadgasho boqorkaa.

Ninkii yaraa ee uu dilayna waxa uu sheegay in waalidkii ahayeen dad iimaan leh, isagana looga baqay in uu diintooda ka beddelo, sababtaana uu u dilay, Ilaahayna ugu beddelo mid kaa ka dhawrsan oo uga naxariis badan.

Toosintii gidaarkii sii iilanayeyna waxa uu ku sheegay in uu ku aasnaa khasnad ay lahayeen wiilal agoomo ah, abbahoodna u ahaa nin wanaagsan, gidaarkaasina haddii uu dumi lahaa aanay heleen dhaxalkaa aabbahood, Allena doonay inta wiilashaasi qaangaadhayaan in xoolahoodu xagga ugu jiro. Waxa kale oo uu sii raaciyey wax kasta oo uu sameeyey ay ahayd doonista Rabbi, isna u samir u yeelan waayey la socodkiisi.

Saddexdaa dhacdo kolkii uu bilaabay sharxiddooda Nabi Muuse waxa ku adkaatay u soo jawaabidda Khadir, ileen waa nin gar ku taagan oo u aqoon iyo xogogaalnimo sheegtee.

Hab dareeriska Quraanku u soo guurinayaa waa mid qurux badan oo inta aad qisadan dhuganayso aanad kolna dhan u jeedsanayn, waa socod aqoon korodhsi oo dhaxalgal ah, waa darsi ka jawaabaya isu-boggiddii ergaygan la jirrabayo. Waa dhacdo naxariiseed dhan kasta oo aad ka eegto; qaacidadii usuuliga ahayd ee odhanjirtay laba dhib ka fudud ayaa khadir dhitaynayaa, waxa uu is kala dooransiiyey in wiilashaa doonta laga dhaco iyo in uu ceebaysto si ay u nabadgasho, tii fududayn ayaa uu go’aansaday, kuna nabadgale, ileen waa masaakiin in ay iskaga gooshaan qararka wabiga u soo arsaaq tagee. Dilidda wiilkaasi waa danayn waalidkaa lexejeclo diineed loo muujinayo, looguna naxariistay in aan ubad li’i ku dhicin ee loogu beddelayo mid kaa uga khayr badan. Naxariista saddexaad ee xeeldhirida muujinaysaa waa in agoonta xoolahooda loo xifdiyo ilaa inta ay ka noqonayaan rag gaashaanqaad ah oo aan la dhici karin.

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com