“Diazepam” Kiniin dhalintenu ay khalad isticmaasho dhibatadiisuna ina sugayso (WQ:Mohamed Shucayb Ahmed)

Kiniin aynu eersan doono isticmaalkiisa, aakhirana lagala xisaabtami doono kuwa ganacsi ahaan u iibiya ee ku dilay dhalaankeenii. Kiniin dhibaataduu inagu hayo dawlad iyo shacaba la moogan yahay meel walbana sida nacnaca loo iibiyo.

Kiniinkan waa mid ka mid ah kiniinada loogu talogalay in loo isticmaalo in lagaga nafiso calamadaha werwerka, hurdo la’aanta iyo isticmaalka khamrada. Sidoo kale dawadan waxa lagu daweeya noocyo ka mid ah xanuunka qalalka ama suuxdinta (Seiuzure) waxaanay dabcisaa muruqyada isku ururey xiliga suuxdinta.

Diazepam waa nooc ka mid ah daawooyinaka (benzodiazepine.) kuwaasi oo ka mid ah noocyada lagu daweeyo xanuunada ku dhaca xubnaha dhexe ee dareenwadka (central nerveous system) Kuwaasi oo shaqadoodu tahay inay hoos u dhigaan xaladaha werwer iyo isku buuq ee maskaxda.

Dawadan keliya waxa lagu bixiyaa amar dhakhtar. cid kale oo hawl wadeen cafimaad ah oo awood u leh bixinteeduna ma jirto, sharci ahaan.

Dawadan waxa loo diyaariyey ama lagu helaa laba nooc oo kala ah:

-Tablet iyadoo kiniin la liqayo ah
– Iyo milan ama dareere iyada oo ah.

Ka hor intaanad isticmaalin
Inta aanad go’aansan isticmaalka dawadan waxa muhiim ah ama waajib ah inaad misaanto faa’ido intee leeg ayay kuu leedahay isticmaalka dawadani, si aad uga badbaado cawaaqib xumada ka dhalata isticmaalkeeda. Ka hor isticmaalkeeda iska hubi inaad leedahay.

– Xasaasiyad noocay doonto ha ahaate.
– Inaad carruur tahay, daraasado ku haboon weli lagama samayn in caruurta ay samayn taban ku leedahay, dawadani waxaase la sheega in aanay u fiicnayn isticmaal ahaan caruurta lixda sano ka yar.
– Dadka waaweyn, inkasta oo aan lahayn daraasado sugan oo cadaynaya dhibta dawadan iyo wayeelka, waxa se la isku raacsan yahay in dawadan isticmaalkeedu waayeelka ku sababao ( La qabsi la’aan, dawakhaad, wareer badan, iyo isxakamayn la’aan)

– Dumarka uurka leh: dawadani qayb ahaan waa kooxda 4aad ee heerka qaybinta dawooyinka (category D) Dumarka uurka lehna lama siiyo sababo la xidhiidha dhibaatooyin cafimaad iyo halis ay u leedahay uur jiifka dartii. Sidoo kale gabadhu haddii ay naaska ilmo jaqsiinayso iyadana ma aha inay isticmaasho dawadan, waayo waxay dhibaato weyn gaadhsiin kartaa ilmaha.

Dawadan hala isticmaalin daawooyin tiro badan, haddii aad la isitcmaashana waxa kaa soo gaadhi kara dibaato cafimaad oo daran. Dawooyinkaa waxa ka mid ah:

Alfentanil
Amobarbital
Benzhydrocodone
Bromazepam
Bromopride
Buprenorphine
Butabarbital
Butalbital
Butorphanol iyo ku dhawaad 100 dawo oo kale. oo ay ka mid yihiin dawooyinka TB ama qaaxada ee Isoniazid iyo erythromycin.

Haddii aad dhibaatooyinka ama xanuunada qaar qabto fadlan intaanad isticmaalin dawadan u sheeg dhkhatarkaaga. gaar ahaan haddii aad la dhibatan tahay.

Isticmaalka khamrada oo balwad kuu ah, isku buuq, dhibaatooyin dheef mareenka iyo sambabada ah, xanuunada maskaxda, kuwan indhaha iyo qaar kale oo badan.

Habka ugu fiican ee loo isticmaali karo dawadan

U qaado dawadan kaliya sida dhakhtarkaagu kuu sheegay. Ha qaadin wax badan oo ka mid ah dawada, ha qaadan marar badan, hana qaadan wakhti ka badan inta dhakhtarkaagu amray.

Dawadan ha calalin, ha jajabin oo gawska ha ku ridqin, keliya sideeda u liq.

Qofka qaangaadhka wuxuu qadan karaa 2 ilaa 10 milligrams (mg) 2 ama 4 goor maalintii.
dadka waaweynโ€”bilowga, 2 ilaa 2.5 mg 1 ama 2 goor maalintii. dhakhtarkaaga ayaa keliya kuu kordhin kara xadiga.
Caruurta lix bilood ka weynโ€”bilowga, 1 ilaa 2.5 mg 3 ama 4 goor maalintii. dhakhtarkooga ayaa keliya kuu kordhin kara xadiga..

Caruurta lix bilood da’doodu tahay ama ka yar looguma talo gelin inay isticmaalaan.

Waxa iyaguna xadi isticmaal gaar ah leh dadka qabatimay cabitaanka khamrada ama dariigada kale, iyo kuwa la nool xanuunada maskaxda.

Dhibaatada dawadan.

Dawadani sida kuwa kale waxay leedahay samayn taban ama dhibaato waxyeelo cafimaad keeni karta, waxayse kuwa kale dheer tahay waxyeeladeeda oo aad uga badan dawoooyinka qaar sida inay kugu keento dhibaatoyinkan.

Gariir, socodka oo kugu adkaada, xidhiidhinta jidhkaaga oo kugu adkaata, madax xanuun, hadalka oo iskaga kaa darsama, xanaaq badan, xanuun kaa haleela boga iyo caloosha, saxarada oo madoobata, kaadida oo madoobata, welwel, isku buuq xadiga kaadida oo yarada, samayna ku yeesha kelyahaga xumad iyo qandho badan.

intani waa dhibaatooyinka muuqda waxa se ka badan kuwa qarsoon ee sida fudud u galaafan kara noloshaada.

Ugu dambayn waxaan maqaalkan ku soo gunaanadaya, sidaynu dal iyo dad ahaanba u mooganahay xakamaynta iyo xal u helida dawadan dhalinyaradeenii miciniika bideen, si ay uga dayaan khamro iyo sikhrad. Dawadan aan xakame lahayn farsmisayaduna u iibiyaan sidii nacnaca, dawadan inaga galaafan doonta jiil badan oo dalkeena u soo kacayay.