Waxaa dib loo dhigay doorashadii Golayaasha iyo degaank oo lagu daray mudo 2 sano ah, maxay dhib u keenaysa dalka iyo dadka? WAXBA.
Hadii la qabto maxaa soo kirdhaaya? WAXBA.
Dawladnimada Soomaliland waa copy and paste(Afkii kombuterka) aan wax la soo koobiyey jirin islamarkaan meesha la dhigaa banaantahay.
Waxaan uga socdaa dunida dimuquraadiyada ku shaqaysa mabaadi iyo tiirar ayey ku fadhidaa doorasho, dawlad in labadalo oo mid dhaanta lagu badalaa waxay fulisaa wixii lagu doortay waxay wax kabadashaa wixii tii hore lagu riday.
Soomaalilan maxaa xildhibaan lagu soo doortaa?REERNIMO, Mayarka, REERNIMO, wasiirka REERNIMO, Madaxaynaha REERNIMO, hadiiba masuulkii aad ku soo dooratay reernimo, adeeg iyo dawladnimo ma reerkiina ayuu u qabanayaa ilayn mabaadi kale kumaad soo dooran oo waad diiday wiilkii reerka kale ahaa in la doorto.
Hadiiba aan REERO wax ku dooranayno maxaa diiday intay salaadiinta reeruhu shir usbuuca galaan si bilaa buuqa u qaybsadaan xubnaha, madaxwaynaha wareejiyaan, cashuurtan reero aan ku bixino iyo abtirsiimo.
Degaanka marka reero ka taliyaan, dal maaha ee waa “QABIILDAL” qabiildal dastuurkiisu ma noqon karo kii DAL lagu maamulilahaa, doorashada QABIILDAL ma noqonkarto sida ta DAL loo galo, maxaa inoo diiday in teena QABIILDAL aan ka duno kuwa dunida ka Jira ee dal lagu dhaqo ilayn mabda ayaa kala duwane.
QABIILDAL shaqo markaad rabto maxaad taqaan laguma doonto ee ayaad tahay ayaa lagu doortaa, ciidan hadii la qori waa lamid, shaqada ugu sarysa dalka iyo tani ugu hosaysa waa iskumid, cashuurta waxaa loo kala bixiyaa ayaad tahay, boosaska dawlada waxaa lagu qaybiya REERHEBEL.
Waxaan ku soo ururinyaa QABIILDAL uma baahno doorasho kamaanta jooga iyo kabari imanyaa isku ujeedo REERNIMO kuyimaadeen, waxay qabtaana iyo siday ufikiraan isku midyihiin sidoo kale waxa doorashada jilibadu tartamayaan laga dhaxlaana tahay reero sii kala fogaada iyo aano qabiil oo daba dheeraata.
Maalin wanaagsan.
Az jama.