Loolanka awooda ama siyaasada aduunku hadaba meel ayuu tagnaa inta ay dunidu jirto, layaabna ma laha in ummad mar xoog badan lahayd ay maanta tahay mid tamar daran iyo in mid tamar darnayd in ay maanta awood leedahay, wana sunaha nolosha aadamaha.
Intii u dhaxaysay sannadihii 1967 ilaa 1974,ย ayaa wadamada Yementa koonfureed, Soomaaliya iyo Itoobiya ay noqdeen wadamo aragti ahaan la dhacsan midii Hanti-wadaaga ee uu Ruushku hormuudka u ahaa, Yementa koonfureed ayaa sannadkii 1967, noqotay mid aragti ahaan raacda Ruushka, halka ay Soomaliya noqotay sannadkii 1969, halka Itoobiyana ay noqotay sannadkii 1974, markaas oo uu dagaal qabow u dhaxeeyey Bariga iyo Galbeedka waa Maraykan iyo Ruushe.
Markaa waxa ay u eekayd in Maraykan lagaga gacan sareeyey maamulka iyo gacan ku haynta bada cas, wana markii awooda Ruushku ay aad u saraysay, Fiidal Kaastaro oo ahaa hogaamiyihii Kuuba ayaa sannadkii 1977, hindise keenay in ay sadexdan dal samaystaan Jamhuuriyad mase suuro galin arintaasi, loolankii u dhaxeeyey Ruushka iyo Maraykan maanta aad uma muuqdo oo waxa soo baxday awood kale oo Jayna ah, wana mida maanta saamaynta ugu badan ku leh dunida ee uu Maraykan iska eegaayo.
Hada mid u eeg midaa xiliyadaas jirtay ayaa jirta oo Jayna waxa uu maalgalin ku sameeyey Jabuuti dakadeeda Dooraale iyo jidka tareen ee isku xidha Jabuuti iyo Addis Abba.
Jidakaas tareen oo dhererkiisu yahay 466 mayl, waxa ku baxaday lacag dhan 4 bilyan oo doolar, halka uu dakadana ku bixiyey lacag dhan 590 milyan oo doolar, Jayna waxa uu saldhig milatari ku leeyahay dalka Jabuuti. Waxa kale oo u jogaa Bada Cas iyo Galbeedka Badwaynta Hindiya waa Jabuuti, dakada Bagamoyo ee Tansaaniya, Laamu oo Kiiniya ah, sidoo kale waxa la filayaa in uu Yementa saamayn ku yeesho sababtoo ah waxa Xuutiyiinta dalkaas ka dagalama taagero siisa Iran oo anay kala fogayn Jayna.
Imika ma jiro dal ku yaala qaarada madow oo aan hadal hayn hanaanka Jaynaha ee horumarka ku wajahan, wana arinta keentay in maalmahan ay timaado ka hadalka dakadaha dalka oo ah arimo inta badan ka baaxad balaadhan Soomalida waayo isbadelka ka dhaca ama ku yimaada quwadaha isku haya loolanka siyaasada iyo awoodu waxa uu saamayn togan ama tabban ku yeelanayaa dhinac kale oo dunida ka mid ah.
Labada aragtiyood ee isku haya hada Afrika oo ay Soomaliduna ka mid tahay waa kala hogaaminta labada mashruuc ee uu mid hormuudka u yahay Jayna ee loo yaqaan hal- abuurka Suunka iyo Wadada oo ah mid horumarineed ( Belt Road Initiativeย ), iyo mashruuca horumarineed ee uu hormuudka u yahay Maraykan iyo reer Yurub ee ah dib u dhiska hagaagsan ( Build Back Better ).
Waxanay u eegtahay labada midka ku saamayn badan Afrika oo hada ah Jayna in uu saamayn ku yeesha biyaha Soomalida, Jayna waxa uu dib uga furtay safaaradiisii Soomaliya bishii tobbnaad ee sannadkii 2014. Mida suurogal uga dhigi kartana waxa uu joogaa Bada Cas iyo Galbeedka Badwaynta Hindiya, waxana u dhimman uun in uu saamayn ku yeesho biyaha Soomalida tana isagaa uga fursado badan Maraykan, waase mid dhici karta in siyaasada qaybsan ee Soomalida ay fursad ka helaan Maraykan iyo reer Yurub.
Halkan Soomaliland lafteeda waxa ugu jirta fursad ah in Maraykan iyo reer Yurub ku eegaan indho ka duwan kuwii hore, sababtoo ah loolanka u dhexeeya labada dhinac wuu u muuqan karaa in uu mid la safto Soomaliland.
Ugu danbayn fursadkastaa waxa ay leedahay caqabado tiro badan, balse guusheedu waxa ay ku xidhantahay xirfada ay isticmalaan dhinacyda ku lugta lihi iyo sida ay u sameeyaan qorshe hufan oo guul u horseeda.
Qore: Caynaan Farax Caynaan.