Diidmadii Booqashada Cabdimaalig Waxa Lagu Daray Inaanu Qarannimada Diiddanahay (WQ: Siciid Gahayr)

Garyaqaanka Guud ee Qaranka Somaliland Cabdisamad Cumar Maal oo uu maanta Horncable TV wax ka weydiiyay celintii shalay naloo diiday in aanu aragno Cabdimaalig Muuse Coldoon, ayaa sheegay in aanu nahay dad qaba aragtida Cabdimaalig Muuse Coldoon oo ah mid ka soo horjeedda qarannimada Somaliland. Waxa uu ciidanka asluubta ku bogaadiyay in ay naga horjoogsadeen in aanu aragno maxbuuska ku jira Xabsiga Hargeysa.

“Markaad aragto qof loo haysto dunuub qarannimada Somaliland ka soo horjeeda, cidda had iyo jeer daba oroddaayeey ee sheekadaas buunbuunisaa macnaha, waa wax ay aragti ahaan la qabaan fekerka. Imaka shalay waxaan arkayay dhallinyaro intay is urursatay lahaa meelo kala duwan ayaanu k animi illaa qurbaha, deetana waxa na loo diiday in aanu booqanno.

Waxa ay ku hanjabayeen inay Somaliland ku socoto dariiq qaldan. Macnaha waxa kaaga soo baxaya in uu qofkaasi aamminsan yahay aragtida la mid qofkan dembiga loo haystaa waxa uu qabo oo kale. Wixii aamminsan qarannimada Somaliland waa loo oggol yahay. Wixii ay ciidamada ammaanka uga dhadhanto aragti kale, ciidamada ammaanku way ku mahadsan yihiin inay beerka ka laadana” ayuu yidhi Garyaqaanka Guud ee Qaranka Somaliland Cabdisamad Cumar Maal.

Ma garanayo cidda xaqa u siisay shaambadda uu nagu dhufanayo ee ah qaran-diidka.. Marka uu Ilaahay jar kaa ridayo waa tan oo kale, Somalilandnimadu ma aha wax lagaga baxo qof iska hadlay. Garyaqaan Cabdisamad Cumar Maalow, adiguna shaw waad noo dhinnayd. Ciidanka asluubtu ma haystaan shaybaadh akhriya qalbiyada dadka oo qiyaasa heerka iimaanka Somalilandnimadu taagan yahay, adigana laguuma waxyoon aragtida aanu qabno.

Haydh-haydh ayaa naga kaa galay, laakiin waad na baran doontaa.