Dilkii Alllan Giib iyo gubistii magaalada Burco.
Dhacdooyinkii waaweynaa ee taarikhda galay jeerkii gumaysiga Ingriisku arlada haystay dhacayna waxa mid ahayd , dilkii Allan Giib iyo gubistii magaalada Burco . Haddaba yaa Giib loo dilay ? Burcose maxaa maxaa loo gubay ? Aynu kaga wada boganno qormadan .
Allan Giib wuxu dhashay sannadkii 28 December 1877 kii . Wuxuna isagoo da’da labaatanka madaxda la galay ku biiray ciidamadii Ingiriiska. Wax yar ka dibna wuxu ka mid noqday ciidamo loo qoondeyey in ay Soomaalilaan ka hawl galaan. Jeerkaa Giib Soomaalilaan loo soo beddelay waxa bilow ahaa daggaladii u dhexeyey ururkii Daraawish iyo gumaysigii Ingiriiska.
Taa darteedna Giib wuxu noqday xiddig dagaalyahana oo goobihii Daraawish iyo Ingiriisku ku dirireen qayb libaax ka qaatay. Wuxu ka mid ahaa saraakiishi dejisay xeeladii Daraawish lagu jebiyey dagaalkii 1904 tii ka dhacay deegaanka Jiidbaale. Wuxuna ka wada qayb galay goobihii dirireed ee Daraawish iyo Ingiriis faraha isku saareen, marka laga reebo dagaalkii la magac baxay Ruuga ee dhacay 1913 kii oo uu Giib ku maqnaa fasax uu u qaatay dhankaas iyo geyiguu u ku dhashay.
Dagalka Daraawish ka dib, Giib wuxu noqday maamulihii guud ee degmada Burco . Burco jeerkaas waxay ahayd Ceel xooluhu ka cabbaan iyo tuulo ku socota kobac magaalo oo baaxad le.
Jeerka uu Giib Burco maamuulyey waxa guud ahaan ciidanka Ingiriis ee Soomaalilaan joogay hoggaamiye u ahaa ninkii Soomaalida dhexdeeda caanka ka ahaa ee Jefferu Archer . Soomaaliduna Caarshe dheere u taqaanney. Caarshe wuxu ammintaa wadey qorshe dawladda Ingiriis ku doonaysay in dhulka ay haysto ee Soomaalida ka dhisto iskuul wax laga barto.
Si iskuulka dhaqaale lagu dhiso laguna wado loo helo waxay dawladdii Ingiriis soo rogtey in ay dadka xoola dhaqtada ahi bixiyaan cashuur sannadle ah . Hayeeshe dadkii xoola dhaqtada ahaa way ka hor yimaadeen qorshaaha Caarshe iyo dawladda uu wakiilka u yahayi soo rogeen. Meelihii cashuur diidku ka dhacay waxa ka mid ahayd magaalada Burco.
Waxay reer Burco gebi ahaanba geeri ka xigsadeen in ay dhiibaan Gibir ama cashuur ay u arkayeen in ay tahay baad aan sinba u bannanyn in la bixiyaa. Haddaba 28 Feebarweri 1922 kii iyadoo xaalada cashuur diidka iyo maamuulkii Ingriiska ee Burco jiq tahay, ayaa waxa dhacay iska hor imaad u dhexeeya dablay ka mid ahayd dadkii cashuurta ka gadoodsanaa iyo ciidamadii Ingiriiska ee Burco ku sugnaa.
Subaxdaa rasaasayntu bilaabantayna waxa Burco ku wada sugnaa Giib oo maamulka hayey iyo Caarshe oo u joogay sidii u cashuurta dadka diidey ugu sanduleyn lahaa. Markii ay dhawaaqa rasaasta maqleenna waxay Giib iyo Caarshe u soo ordeen dhankii uu gulufku ka socday . Giib oo ahaa masuulka ciidankan dablaydu soo weerartay maamuulyey ayaa deg deg u tegay furintii hore ee ay xabbadu ka dhacaysay.
Tase Giib seegtay waxay ahayd in uu iska indha tiray in ay dablaydu haystay hub aad u culus soona jidheen difaaci ciidamdii Ingiriiska. Markii uu wax yar socday dagaalkuna waxay dablaydu soo jidheen difaaci iyo gabboodkii ay ciiadamada Ingriisku ku sugnaayeen .
Waxayna dablaydu oodda ka qaadeen rasaas aan loo aabbe yeelin. Isla wakti yar ka dibna rasaastii dablaydu soo ganaysay ayaa haleeshay Allan Giib oo ciidamada Ingriiska ee dagaalka ku jiray kala safayey , xeeladda dagaalkana u toosinyey. Inakstoo dablaydu doonayeen in kolkay Giib dileen ay jeneeraal Caarshena raaciyaan . Balse nasiib darro Caarshe marku arkay sida ay dablaydu u diriryaan wuxu guud ahaanba ka baxay goobtii uu dagaalka ka socday .
Dharaarta 28 Feebarweri 1922 waxay reer Burco u ahayd dharaar colaadeed oo billawaha layska aslay. Geesta kale waxay u ahayd maalin ay soo hooyeen guul taarikhiya ooy dileen mid ka mida raggii arladooda gumaynaayey. Kana dhabeeyeen diidmadoodi ay diideen cashuurtii lagu soo rogey.
Inkastoo raggii rasaasta ridaayey badnaayeen , haddana ninkii Giib gacantiisa ku dilay waxay dadka taarikhda soo wariyey ku sheegeen in uu ahaa nin la odhan jiray Faacuul Aadan Jugle” Gurey ” oo ka mid ahaa raggii dagaal yahanka ahaa ee Hawdka Burco qarnigii hore ka sheegganaa.
Jeneraal Caarshe markii uu xaqiiqsaday in Giib la dilay maydkiisina uu kor tegay. Wuxu soo rogay amarro ay cadho badani ka muuqato oo uu geerida saaxiibkii kaga falcelinayo .
1 : Wuxu Caarshe magaalada Cadan iyo saldhigyadii Yaman ku war geliyey in Giib la dilay. Wuxuna ka codsaday in ay u soo diraan diyaarado lagu duqeeyo dablayda Giib dishay haddiiba ay weerar kale soo qaadan. Diyaaradahaas oo muddo ka saacado ah ka dib Burco soo gaadhey samayeyna gaaf wareeg baqa gelin looga dan lahaa.
2: Wuxu dadkii Burco ku dhaqnaa ku amray in ay gebi ahaanba nafohooda kala baxaan Burco. Wuxuna ciidankiisi ku amray in ay dab qadabsiiyaan guud ahaan magaalada Burco. Marka laga reebo masjid Jaamaca weyn ee Burco oo ay gacanta ku hayeen wadddada Qaadiriyada oo iyagu Ingiriiska gacan saar la lahaa. Taasna iyagoo ciidamado ka duulaya waxay gebi ahaanba dab sudheen magaaaladii Burco ahayd oo halkaas ku shuf beeshay.
3 : Wuxu amar ku bixiyey in si deg dega beesha uu Giib gacantiisa ku baxay u bixiso magtii Giib oo boqol jibbaaran . Magatas oo ahaye geel tiridiisu dhan tahay 3333 halaad!
Waxana halkaa ku burtay cashuurtii uu Ingriisku soo rogey ee sababteedana Giib dhegta dhiiga loogu daray.
Muddo maalma qalalsahii Giib ku dhintay ka dib, waxa maydkii Giib loo soo qaaday magaalada Sheekh. Halkaas oo lagu aasay.
Maxamed Aadan Caws “Yawle ” Oo ka mid ahaa abwaannadii magalaada iyo weliba afmaaladii beesha Giib gacantooda ku baxay ayaa tiryey gabay uu kaga hadlaayo siday Burco ahayd maalintii Giib la dilay. Isagoo hadlayaa geeli marka colaaddu dhacday oomey ee ololka iyo reenka damin waayey ayaa yidhi:
Haddaad garan geyiga waxa ka dhacay Good ma olosheen’e
Gulaan iyo biyiyo raaxo iyo gubad ma doonteen’e
Gorgor duulayaa iyo waa dayuur guuxa baxayaaye
Garbadii casayd laguma horo sidigtii Gooraan’e
Gudheys iyo Burciyo Looyi waa guri Amxaaraad’e
Waa gaalo-joog ceelashii gobobka dheerayd’e
Niman Goondhariinaa ku lumay gacan Islaameed’e
Annagana haddaa Giib la yidhi gura magtiisiiye
Gashigiisu badanaa maxaw geeyay Habar Yoonis?
Godka lagu cadaab maannagaa guuyaba u hayna! .
Sawirka hoose waa Allan Giib. Waana sawirka keliya ee laga hayo.
Waxa qoray Jaamac Shube .