Dood caalami ah oo lagu qabtay Ingiriiska laguna falanqeeyey aqoonsiga Somaliland (WQ: Axmedyaasiin Sh. Cumar Axmed Furre)

Dood heer caalami ah oo lagu qabtay Ingiriiska ayaa lagu falanqaynayey aqoonsiga Somaliland 20kii September 2018.

Mawduucu wuxu ahaa “External intervention and political developments in the Horn of Africa”. Waxaa doodda qabtay Machadka caalamiga ah ee IISS.

Martin bault lataliyihii hore ee arimaha dibadda ingiriiska, sidoo kale waa cilmi baadhaha machadka barwaaqa sooranka

Waxaa suaal laga waydiiyay maadaama somaliland ka mid tahay geeska africa dawlad Madax banaan shuruudkastana buuxisay maxay Dawladda UK u ictiraafi wayday?

Martin plaut “Markaynu ka hadlayno ictiraafka somaliland,Dhab ahaan hal shuruud ah uunbaa naga xiga, kaas oo ah,Hadii Dal Afrikan ahi aqoonsado Somaliland,ana waxaan kuu sheegi doonaa markay BRITIAN aqoonsan doonto Somaliland” Martin Plaut lataliyihii hore ee Arimaha Dibadda UK.

Marry harber ayaa iyadana wax laga waydiiyay dawladda farmaajo iyo xaaladeeda?

Waxay ku jawaabtay “Dawladda farmaajo wali waa go-doon nidaamkii 4.5 ayay dhex dabaalaynaysaa nidaamkii qabiilka ayaa sii fidaysa Farmaajo waa ambadday xagii siyaasada arimaha dibadda maadaama uu Safka la galay Qatar sidoo kale doorashadiina lacagtii qatar kusoo baxay waxaana meel wada maray Somaliland, Erateria, Ethopia.

Waxa qoray Axmedyaasiin Sheekh Cumar Axmed Furre