Dood kulul oo dhexmartay nin sunni ah iyo nin shiici ah ( WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

Nin sunni ah iyo nin shiica ah ayaa dood isku fakaday, midba midka kale ka dhigay baabah, markii dambe ayay dooneen inay qaacido ama sees u sameeyaan doodooda.

Horta waxay isla garteen waxa ay isku hayaan inay tahay axaadiista, waxay isla waafaqeen inay doodooda sal uga dhigaan Quraanka kariimka ah.

Qaacidadii ay dhigteen waxay ahayd, in xaadiswalba oo ka horyimaad quraanka ay iska tuuraan, dhinac shiicada iyo dhinaca sunnigaba.

Doodii ayaa billaabantay markiiba waxaa lala kacay ninkii shiiciga ah oo axaadiistii uu watay oo dhan banaanka loo tuuray, siday doodu u socotaba, ninkii sunniga ahaana aad u faraxsanyahay arimuhuna si wanaagsan u socdaan.

Ayuunbuu ninkii shiiciga ahaa galay baabka sinada, wuxu ku yidhi uun waar yaa sunni, quraanka dee waxa ku taal qofku hadii uu sinaysto waa in jeedal laga jaraa, manuu kala saarin nin guursaday iyo nin aan guursan, markaa xadiiskiinan sheegaya rajmiga ama dhagax ku dilka ninka guur soomaray  inaga tuur dee.

Ninkii sunniga ahaa ee guusha watay ayuunbay jiq ku noqotay, xadiis bukhaari ku yaaala sidee loo tuuraa, afkala qaad.

Ninkii shiiciga ahaa ayaa yaabay, waar maxaa ku helay sunni, miyaanu heshiiskeenu ahayn xadiiska ka soo horjeesta quraanka inaynu iska tuurno, waa sidee ma ballankii ayaad ka baxday, miyaanad arkayn aniga waxa aad axadiis iga tuurtay, kiinu ma lama taabtaanbaa oo muqadas.

Dee ninkii sunniga ah waa ku jiq ee bal hada kasaar, culumo iyo caamoy.

markaynu sidaa u eegno illayn gari Allay taqaanaa eh, garta waa laga leeyahay ninkan sunniga ah. Bal hada ninkaa sunniga ah jiirta ka saara.  Arrintuna waxay maraysay ninka shiiciga ah inu sunni noqdo ayuu rabay, waayo wixiii uu watay oo dhan intii badnayd waa lala kacay, laakiin ninkii shiiciga ah waxa mari la, waar ninkan muxuu uga tagi laayahay xadiiskan kaliya adiguba waa digii inbadan ka tagay eh, ninkii shiiciga ahaa waa yaaban yahay.

Si aad mawduucaa aad u sii fahamtid sheikhan dhagayso YouTube ka

The Divine Punishment for Adultery and Fornication by Sheikh Imran Hosein

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com