Doodda Jabuuti dhinac ayay u xaglinaysaa (WQ:Rashiid Odowaa)

Way fiicantahay in doodo la qabto ku saabsan is fahamka umadda Somaliyeed waan soo dhoweynayaa hase ahaattee waxa fiican in dhinacyada doodu khusayso isugu dheelli tirnaadaan oo dhan kastaba tiro is leeg dooda ka soo qayb gasho oo pinalka fadhiistaan hase ahaatee arrimahan hoos ku xusan marka la eego doodaasi dhinac keliya ayay u socottaa.
1-Shirku kolka hore wuxuu ku bilaabmay in dadka Somalida ahi ka tashanayaan isbeddelka cusub ee geeska Afrika ka dhashay iyo saamaynta uu ku yeelan karo Somalida hase ahaattee wuxu isu bedelay madal Somaliland Suaalo lagu waydiinayo markaas waxa muuqata inaanu is waafaqsanayn magaca sare iyo agendaha hoose ee madashu.
2-Hayadda Soo qabanqaabisay waa hayad Somalia ka dhisan oo la yidhaa Heritage oo la mid ah Akademiyadda Nabadda ee Hargeisa ka jirta oo kale iyaduna waa dhinac sababtoo ah cidda qabanqaabisa ayunbaa hoggaamintana leh inta badan.
3-Madasha waxa fadhiyay madax waaweyn oo Somalia ah iyo Xildhibaanno hase ahaattee dhinaca Somaliland kama muuqdaan wax u dhigmaa aan ahayn Xoghayaha Xisbiga waddani iyo dhowr aqoonyahan.
4-Waxa shirka ka soo qayb galay dad ka aaminsan Mabda ahaan Somaliweyn ee loo yaqaan (Unionist) midnimo doonka ee u dhashay Somaliland si Somalilanderska la isaga hor geeyo ama ay iyagu u murmaan.
5-Goobtu waa Djibouti oo reer Somaliland u aaminsanyihiin inay xagga Somalia u xagliso haba wanaagsaado xidhiidhka Somaliland ka dhexeeyaaye
Sidaas darteed waxay ku soo Ururtay uun inay shirku uu isu beddelay madal hadhaysay Somaliland midna waa muhiim in la fahmo waddan kasta wuxuu leeyahay heer ama Xad lama taabtaan ah oo aan la dhaafi Karin taas oo ah Nationalismka waxa ay umaddu dhigatay oo ah inay ka goeen Somalia 1991 taas shakhsi iyo kooxo ma beddeli karaan,
Haddii la rabo doodo caafimaad qaba waa in wax laga beddelaa qaabkan oo ay noqottaa madal dheeli tiran oo daah furan oo loo dhanyahay magaca loo bixinaya uu noqdo (Madasha isfahamka Somalia iyo Somaliland) labada dhinacna laga soo qaban qaabiyo.
Waxan soo dhoweynayaa Doodda ay soo jeediyeen Sucaad carmiye, Xogyaha waddani,Bulxan iyo Biixi yoonis ee ay ku matalayeen dhinaca Somaliland taas oo aan u arkay inay u doodeen Si caafimaad qabta.

Rashiid odowaa
khadarsalaan@gmail.com
0634101213