Doodda Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga
Rape and Genber-Based Violence Act
Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”
Hordhac
Doodda maalmahan dib u soo cusboonaatay ee la xidhiidha xeerkii madaxweynaha Soomaalilaan uu ansixiyay 25-kii, Ogoosto, 2018-kii. Xeerkaas oo ladhkiisu ahaa: “Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, XR LR. 78/2018” oo guud ahaanna loo yaqaan “Rape and Gender-Based Violence Act ama Sexual and Gender-Based Violence Act” kaas oo markii la ansxiyay ay dood ka keeneen wadaaddo is diray iyo qaar shacabka ka mid ah oo loo bahalo geliyay xeerkan, loona kala warramay.
Haddaba xeerkan oo maalmihii u dambeeyay ay dooddiisu soo laba kacleysay, maaddaama oo xukuumaddu damacsan tahay in mar labaad la hirgeliyo, ayaa isla sidii oo kale wadaaddadii uga hor yimaaddeen oo maalmahan baraha bulshada lagu arkayaa diidmada qayaxan ee ay meel walba la taagan yihiin.
Dunida badankeed hore ayaa xeerkan looga hirgeliyay, markii la arkay baahida xooggan ee loo qabo. Innagana kolka loo eego duruufaheenna xeerkan dunida kale innaga ayaa uga baahi badan, tiro ma leh oo xaddi ma leh inta tacaddi dhaceysa miyi iyo magaalaba. Kufsigu wuu tiro beelay, ha noqdo mid keli-keli ah ama wadareed, ka faaiidaysiga jinsiga, guurka qasabka ah, xadgudubka carruurta, waxaas oo dhan fara ba’an bay ku hayaan bulshada.
Xeerkani Muxuu Tilmaamayaa?
Xeerkan oo ka kooban 46-qodob, ayaa dhammaan ujeeddooyinka iyo faahfaahinta xeerkan waxa sharraxaya 15-ka qodob ee ugu horreeya ee xeerkan. Kuwaas oo si mandiq iyo aqooneysan u tilmaamaya muhiimadda iyo waxa uu yahay xeerkani, iyo sidoo kale sharrixiisa guud. Kaas oo dhammaan inta uu tilmaamayba ay bulshadeenna ka dhex jiraan. Tusaale ahaan: Kufsi, Kufsi Wadareed, Ku Xadgudub Kufsi ama Awood Sheegasho, Ka Faaiidaysi Jinsi, Ku Xadgudub Jinsi, Guur Qasab ah, Ku Tagrifal Masuuliyadeed, Maandoorin, Afduub iyo Xadhig Sharcidarro ah, Carruurta oo la daawadsiiyo muuqaal jinsi ah, iqk waa kuwo ka mid ah 15-kaas qodob.
Mid walbana waxa uu u cadyahay sida dharaarta oo bulshadeenna waa uu ka dhex jiraa, waana qardajeex dadka ku doodaya in xeerkan la soo minguuriyay. Xataa haddii la soo minguuriyay, qodobadan xeerku tilmaamayo ma indhaha ayaa la is tirayaa illayn dalka waa ka jiraane mise warba waydaan u haynin oo waad ka indho iyo dhego la’dihiin?
Sideedaba ma cadda waxa ay u diiddan yihiin wadaaddadu aan ka ahayn shisheeye ayaa dabada ka wado iyo naceyb ay u qabaan reer Galbeedka, deedna wax kasta oo arrimo dawladeed iyo xuquuq ah waxa ay ka dhex uriyaan Galbeed. In carruurta hablo iyo wiilalba lagu tagri falo, weliba si aan xad lahayn waa arrin jirta. Weliba in carruuraha qaarkood macallimiintii wax bareysay, gaar ahaan dugsi Qur’aanka ay faraxumeeyeen oo la hayo kiisaskoodii. Qaarkood dad waalid u ah ama ka weyni ay faraxumeeyeen.
Kufsiga keli-kelida ahi waa mid aan yareyn oo inta badan hablo la kufsadey oo hadh cad raggii kufsadeyna odayaal ka xaaleen tiro ma leh, halkaasna lagu burburiyay oo lagu tuntey xuquuqdii ay gabadhu lahayd. Waxa soo raaca kufsi wadareedka oo aan isaga laftiisu kaas oo kale ka dhicin oo mararka qaarkood hal gabadh ah ay koox dhawr iyo labaatan wiil oo dhallinyaro ahi kufsanayaan, hadhowna odayaal ka xaalayaan oo magdhow la kala qaadanayo. Mararka qaarna wiil ka mid ah gabadhii loo guuriyanaba, iyada oo aan damiir, garasho iyo dareen naxariiseed midna la xeerinayn.
Waxa kale oo iyaduna aan qarsooneyn ka faaiidaysiga jinsiga ah oo qofka baahidiisa gaarka ah looga faaiidaysanayo si uu galmo u sameeyo, dabadeedna wixii uu u baahan yahay loo fuliyo. Arrintan oo xuquuq ku tumasho ah iyo sharaftii iyo karaamadii qofku lahaa oo meel looga dhacay. Isla sidaas oo kale guurka qasabka ah oo hablo yaryar oo aan qaangaadhin loo guurinayo odayaal iyo ragg aan la fil ahayn, dhawr oday iyo qoyskana jeebadaha loo buuxinayo. Arrintaas oo ah xadgudub lagula kacay gabdhaha carruurta ah iyo kuwo waaweyn laftoodaba. Waana arrin baalmarsan xuquuqda qofka in guur lagu qasbo, iyada oo wakiil looga dhigayo waalidkeed, tiiyoo aan la tixgelinayn rabitaankeeda iyo xorriyaddeeda shakhsiga ah.
Waxa arrintaas soo raaca oo isla xeerkanna ku jirta in ay sidoo kale xadgudub tahay carruurta oo la daawadsiiyo muuqaal galmo ah, arrintaas oo ah iyaduna xadgudub iyo dhaawac maskaxeed oo lagu kacay ilmo yar oo aan qaangaadhin. Isla arrintanina waa ka jirtaa bulshadeenna oo ma dahsoona. Waxaas oo qodob ee bulshadeenna ka dhex jira iyo kuwo ka daran dadka diiddan in wax laga qabto, ma waxa ay ka raalli yihiin in xadgudubyadaasi sii socdaan?
Wadaaddadu Maxay Ku Diiddanyihiin Xeerka?
Wadaaddadu waxa ay soo jeediyeen qodobo aan mandiq iyo garasho toona ku dhisnayn oo ay ku deedafaynayaan xeerkan, kuwaas oo ay ka mid yihiin wuxuu banneynayaa isu tagga dadka isku jinsiga ah iyo galmada bilaa guurka. Sidoo kale wuxuu ku sheegayaa kufsi ninka xaaskiisa xoog ugu galmooda (iyada oo aan raalli ka ahayn) iyo qaangaadhnimada oo uu ku jaangooyay 15-sanno.
Ugu horrayn xeerkani wax galmo dad isku jinsi ah oo uu tilmaamay ma jirto, wuxuu adeegsaday eryaga (Qof – Person) oo ku habboon xeerka. Iyagaa looga baahan yahay in ay caddeeyaan oo ummadda tusaan halka xeerku ku baneynayo galmada dadka isku jinsiga ah (Homosexual).
Qodobka labaad ee ay soo jeediyeen waxa uu yahay galmada bilaa guurka ah. Xeerkani sidiisaba waxa uu ku saleysan yahay xorriyadda shakhsiga ah ee qofka, labadii qof ee galmo bilaa guur ah u badheedhaya waa mid iyaga u taalla oo aanay dawladda iyo maxkamaddu shaqo ku lahayn, kufsina laguma tilmaami karo middaas. Waaba midda kale e, sidee dad iyagoo raalli iska ah isu galmooday lagu ogaan karaa? Ma laba qof ayaa iyaga oo iska raalliya intay galmoodaan maxkamad tegaya oo dacwad isku furaya? Waa mandiq xumo middani ay wadaaddadu la yimaaddeen. Bal ha caddeeyaan sida dadkaasi ay maxkamad ku iman karaan mise waxa ay moodayaan in dawladdu ay ummadda diirad iyo camerado qarsoon ay la daba joogto?!
Qodobka saddexaad ee ay tilmaameen waxa uu yahay ninka xaaskiisa iyada oo aan galmo rabin ku qasba oo kufsi lagu sheegay! Isla qodobkanina waa qardajeex kale oo aanay wadaaddadu u dhug lahayn. Xeerku ma jirto meel uu ku yidhi: ninka xaaskiisa galmo ku qasba waa xadgudub. Xataa dunida kale ee xeerarkan hore u ansixisay lama hayo cid sidaa la shirtimid. Waxa ay garaadkooda isugu been hawaaseen in haddii la adeegsaday weedhaha “Galmo raalli la isaga yahay” ay ka mid tahay ninka xaaskiisa ku qasba galmo.
Ugu horreyn bulshadu waxa ay wax ku qiimeynaysaa waxa xeerka ku qoran, wixii la fahmi waayana in dib loogu celiyo golihii ansixiyay ayaa arrinku yahay. Balse, in faham iyo warar been ah jeebka lagala soo baxo, waa mid baal marsan hannaanka doodda. Sideedabana galmadu waa baahi laba qofood ka dhexaysa, haddii uusan midi ka raalli ahaynna waaba khalad in ka kale ku qasbo oo u awood sheegto. Guurkuna waa heshiis lagu wado joogo ee ma aha is addoonsi iyo in mid ka kale uu leeyahay oo uu sida uu doono ka yeeli karo.
Qodobka ugu dambeeya ee ay tilmaameen waxa uu yahay qaangaadhnimada oo uu xeerku ku sheegay (18-sanno), halka wadaaddaduna leeyihiin (15-sanno) ha laga dhigo. Horta xeerkani, hal meel oo uu 18-sanno u adeegsaday mooyee, inta kale 15-sanno ayuu adeegsaday oo uu ku saleysan yahay xeerkani. In da’da qaangaadhnimada qofka lagu jaangooyo 18-sanno waa mid loo baahan yahay. Qofka ka yar 18-sanno, ma aha qof lagu aamini karo wax kasta, waa qof xataa aan dugsi hoose soo dhaafin ama ku sare aan dhammeyn. In ilmo carruur ah loo tixgeliyo qof weyn oo masuul ah, deedna wax kasta lagu aamino waa mid khilaafsan caqliga iyo sharciyadaha caalamiga ah.
Sidoo kale, in qaangaadhnimada lagu jaangooyo biyaha oo la isku arko, iyaduna ma aha wax mandiqa. Biyuhu qof 13-jir ahba wuu yeelan karaa, haddana ma aha qof masuul noqon kara oo qaangaadha oo garaad ahaan iyo garasho ahaanba dhammeystiran. Dumarka qaarkoodba iyada oo 9 ama 10-jir ah ayay caadada helaan, haddana waa carruur. Arrinta in dhug loo yeesho waxa ay tahay biyaha labka iyo caadada dhedigta in wax lagu qiimeeyo ma aha, sidoo kale bulshadu waa kala duwantahay oo dawladdu mar walba dadka biyahooda iyo caadadooda lama socon karto ee waa in ay da’ ay joongaysay oo aan lagu khaldami karin lagu saleeyaa xeerarka la dejinayo.
Aragti Ahaantayda Xeerka
Aragti ahaan xeerkani, waa ku munaasib xaaladdeenna bulsho oo haddii la hirgeliyo lagana shaqeysiiyo wax weyn buu ka tarayaa xadgudubyada aan xadka lahayn ee dhanka jinsiga ah ee maalin walba ka dhaca gudaha Soomaalilaan. Waxa kale oo iyaduna xusid mudan in dib loogu noqdo da’da qaangaadhnimada oo aad moodeyso xeerku in uu doorbidayo 15-sanno, halka ay ahayd in uu da’da ku jaangooyo 18-sanno ah.
Qodobka saddexaad ee aan aragti ahaan qabaa waxa uu yahay waa muddada ciqaabta oo aan iyaduna iila muuqan wax mandiq ah, marba waxbaa la iska odhanayaa: mar 20 – 30 sanno, mar 10 – 20-sanno, mar 4 – 7-sanno iwm. Ciqaabta waa in ay mandiq ku dhisnaataa oo wax u qalma sharafta qofka lagu xadgudbay waa in lagu qaadaa eedaysanaha faldembiyeedka galey, bulshada kalena ay kaga waantoobi karto, qofkii dembiga laga galeyna ugu yaraan niyad dhis iyo xasillooni u ah.
Qalinkii: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”
Email: abdifatahbarawani@hotmail.com