Doorashooyinkii goleyaasha deegaanka iyo degmada Hargeysa (WQ: Khadar Cabdilaahi Qabile)

Somaliland laba jeer ayaa laga soo doortay Gole deegaan waxayna Kala dhacday 14 December 2002 iyo 28 November 2012.
Doorashadii la qabtay 14 December 2002 waxa laga soo doortay xildhibaano inta badan 23 degmo doorasho dhinaca kale waxa ku kala hadhayay 6 urur siyaasadeed oo sadex ka midi u gudbayeen Xisbiyo Qaran, waxa xiligaa ku tartamayay UDUB, KULMIYE, UCID, SAHAN, ASAD & HORMOOD, waxa soo baxay UDUB, KULMIYE & UCID.

Doorashadii Labaad iyana waxay qabsoontay 28 November 2012 waxa ku tartamayay 7 xisbi iyo urur siyaasadeed iskugu jiray, KULMIYE, WADANI, UCID, XAQSOOR, UMADA, RAYS & DALSAN, waxa soo baxay KULMIYE, WADANI & UCID. Waxa lagu tartamayay 21 degmo oo ka mid ah 23 degmo doorasho ee Somaliland ka jira, waxa se xildhibaano ka soo baxeen 19 degmo oo laba degmo min shan xildhibaan lagu tartamayay.

Hadaba aan soo qaato magalada caasimada ah ee Hargaysa oo iyadu leh 25 xildhibaan.
Doorashadii 2002 oo ahayd habka liistada lixdii urur siyaasadeed waxay soo gudbiyeen liis 25 qof ku yaalaan iyo 25 keyd ahaa, waxayna lixda urur isu geyn u tartamayay 150 qof iyo 150 qof oo keyd ahaa waxaana soo baxay 25 mudane oo rag wada ahaa kana soo baxay lixdii urur siyaasadeed.

Doorashadii 2012 oo iyaduu ahayd habka doorashada tooska ah xildhibaan kastana loo codeynayay waxa degmada hargaysa ku tartamayay 7 xisbi/urur oo min 25 qof ku tartamayeen waxayna tirada guud ee tartamayaasha degmada hargaysi ahayd 175 qof waxaana soo baxay 25 mudane oo wada Rag ahaa oo ka soo baxay 7 xisbi/urur ee tartamayay.
Miyaa lagu khasaaray mudanayaashii dadweynuhu codkooda lagu doortay mise way guteen waajibaadkii loo doortay.
Ilaahay ha u naxariisto intii dhimatay waa Kuwan xildhibaanadii ku soo baxay labadii doorasho deegaan ee Degmada Hargaysa:-

Doorashadii 2002
UDUB
1. Maxamed Axmed Cilmi
2. Xuseen Maxamud Jiciir
3. Cabdiraxman Yusuf Axmed (Dakhare)
4. Aw Ciise Kaahin Warsame
5. Yuusuf Kirix Cawad
6. Cabdixakin Maxamed Xuseen
7. Aden Cabdilaahi Cali
8. Nuur Maxamed Amare
9. Xuseen Cumar Cabdi
10. Khadar Axmed Like
11. Axmed-Siyaad Maxamud Jaamac

UCID
1. Maxamed Cabdilaahi Uurcade
2. Yuusuf Maxamed Guuleed
3. Cali Xasan Ibraahim

HORMOOD
1. Axmed Sandoon Xasan
2. Xasan Cabdi Maxamud (Xaydh)
3. Jaamac Iimaan Cumar
4. Cabdixakin Maxamud Xuseen

ASAD
1. Jaamac Ismaacil Cige

SAHAN
1. Maxamed Faarax Xasan (Deyr)
2. Eng Keyse Yuusuf Cali

KULMIYE
1. Ismaacil Cabdi Cige Caymis
2. Maxamed Cali Axmed
3. Cabdilaahi Cali Askar
4. Cabdi Cali X. Jaamac

Doorashadii 2012
Magacyada Xildhibaanada soo baxay ee Golaha Deegaanka Hargeysa 2012

UMADA
1. Axmed Cali Haybe.
2. Khaalid Cabdi Cawad Abyan.
3. Mustafe Cismaan Daahir.

WADANI
1. Max’d Warsame Caalin (Timacade).
2.C/qani Yuusuf Cabdilahi Ina Macalin.
3. Cabdillaahi Aadan Cali (Cabaas).
4. Cabdirisaaq Faarax Xasan (Qawdhan).

KULMIYE
1. Hanad Xaashi Axmed.
2. C/raxman Maxamud Caydiid Soltelco.
3. Cismaan Xasan Faarax (Waxar).
4. Eng. Yuusuf Warsame Siciid
5. Axmed Siyaad Muxumed.
6. Cabdi Cali Yuusuf.
7. Axmed Daahir Axmed.

XAQSOOR
1. Saleban Daahir Cabdillaahi Dogox.
2. Cabdillaahi Aw Aadan Maxamed.
3 Cabdillaahi Siciid Faarax.
4. Deeq Ducaale Cisman (ilaahay u naxariisto)

RAYS
1. Ismaaciil Jaamac Xirsi.

DALSAN
1. Cabdicasiis Aadan Habane.
2. Ilyaas Aw Xuseen Jaamac.

UCID
1. Maxamed Aw Aadan Weyrax.
2. Khadar Ibrahim Axmed
3. Cabdicasiis Maxamed Xaashi
4. Maxamed Cabdi Aadan (Yoon)