Tan iyo markii somaliland ku dhawaqday la soo noqoshadedii qaranimada Somaliland 18kii bishii may 1991, Somaliland waxay ku talaabsasaty horumar aad u baladhan oo dhinacayda hananka dimuquradiyada iyo dawlada wanaaga, horumarka dhinaca koboca dhaqaalaha iyo xaga waxbarashada oo ay samaysay kor ukac aad u wayn oo caalamku majiirto.
Horumarkaa kala duwan waxaa iyaguna qaybtooda si mugleh uga qayb qadanayay dhalinyarda oo ah xooga ama lafdhabarta uu dal leyahay kuwaas oo aad uga dhex muqda dhamaan isbadalada horumarineed ee dalkani ku talaabsaday mudadaa 25 sano ah ee uu xoriyadsa la soo noqday
Sidii wayadiii hore dhicii jirtay dhallinyaradu door muqda kumay lahayn talada iyo hogaaminta dalka taasina waxay keenty in dhalinyaro badani iskaga hayaaman dalkoodi hooyo markii ay ku guuldaraysteen inay xaqiijiyaan hamigoodii ahaa in talada dalka iyo hogamintisa wax laga siyo.
Dood dheer ka dib dhallinyaradu waxaa jabiyeen caqabadii ahayd inaan dhalinyatradu isu sharixi karin golayasha deeganka dalka oo ay ku gulaysteen in shurudii xaga da,da ahayd ay ka talaabsadaan, taasina waxay keenty in dorashadii golayasha deeganka dalka ka qabsonty November 28/2012 ay dhalinyaro badani ku gulaystaan hankoodi ahaa hogaaminta dalka oo ay mayaro ka noqdaan magaloyin waawyn oo ka mida dalka sida caasimada Hargeisa, Gabilay, Laascaanood iyo meelo kala duwan oo dalka ah.
Waxa xusid mudan in balanqadki madaxweynaha somaliland wakhtigii uu ku jiray loolankii hogaaminta daalka uu balan qaday in door mug leh la siin dono dhalinyarada kana qayb qadan donan hogaaminta dalka iyo taladisaba, run ahantii madaxweynaha balanqadkaa wuu fuliyey oo manta waxaan ka dhex aragnaa dhalinyaro badan oo ka qayb qata hogaaminta talada dalka markii uu madaxweynaha siyay kalsoni ay ku mujin karaan kartidooda hogamineed iyo kaqayb qadashada horumarka dalka ka socda waxaana ka mida wasiirka wasaradda dulista iyo hawada, wasiirka wasaradda warashadaha, agaasimayasha guud ee wasaraddaha dalka kuwa ugu waawayn qaarkood taasina waxay dhiri galin siisay dhalinyarao badan oo niyada ku hayay in ay maruun dalka taladisa wax laga waydiyo soona ban dhigan fikradahooda tolmoon ee dalkani ku gaadhi karo horumar la majiirto
Waaaanu lenahay madaxweyne sii kordhi sida wanaagsan ee aad dhalinyarada reer somaliland ee dalka gudihisa iyo dabadisaba wax ku soo baraty aad ugu dhibty xilalka kala duwan taas oo ay ugu dambaysay isku shandhayntii ugu dambaysay oo ay ka dhex muqdaan dhallinyaro badan oo loo magacabay xilal kala duwan kuwas oo aan dawladihi hore ku dhiran in dhalinyarada lagu aamino
Waxaan ku soo afmerayaa qoralkygan dhalinyaradu waa xooga dalkani leyahay waana dadka ugu badan ee codeya wakhtiga doorashoyinka ee halagu dadaaalo sidii iyagana looga faa,iidaysan lahaa aqoontooda iyo xoogoda
Hakana waantobaan dhalinyarada xilalka kala duwan ee ay u hayaan qaranka inay ku milmaan qabyalada oo ah xanuun la dagaalama horumarka dalka iyo isku dubnida umada.
WQ: Mukhtaar Cabdi Cilmi ( Xoogsade)
(MBA) Accounting and Finance, Mount Kenya University
Samiir.net@gmail.com
00252-634241542