Xannaanooyinku waa goobo caafimaad oo loogu talo galay hooyada iyo dhallaanka waqtiyada dhalmada iyo korinta ubadka, inta badan waxa ka shaqeeya hawl wadeeno badan oo isugu jira dhakhaatiir, kalkaalisooyin iyo Umulisooyin.
Waqtiyada kala duwan ee ay ku hawlanyihiin badbaadinta hooyada uurka leh waxay aad ugu mashquulaan hooyada, inta badan waa goobo talo iyo toosin caafimaad lagu siiyo hooyada sida joogtada ah ugu xidhan xannaanada caafimaad, iyadoo hooyadu ka helayso adeegyo caafimaad oo ka caawin kara korinta ubadka daryeelida iyo badbaadinta ilmahaas yar.
Badanaa waxa suurto gasha in hooyada ku xidhan xannaanada ugu dhaw inay aad ula socoto xaaladeeda caafimaad iyo ta ilamaha yar, hadadba waxaynu si kooban uga hadli doonaa kaalinta ay hawl wadeenada MCH yadu kulleeyihiin sidii ay hooyada uga wacyi gelin lahaayeen xannuunada galmada lagu kala qaada ee faafa gaar ahaan xXanuunka HIV/AIDska.
Waxa loo baahanyahay sidii laysaga illaalin lahaa xanuunadaas gaar ahaan xanuunka HIVLAIDska, Xanuunkani wuxuu sababaa dhimasho, HIVgu waa xanuun khatar ku ah qofka caafimaadkiisa waxaana inta badan layasugu gudbiyaa galmada, qalabka lagu wada xiirto oo hadii qof qaba xanuunka HIV/AIDs loogu xiiro sakiimad kadibna iyadoo dhiigleh hadana lala wadaago qof aan qabin xanuunka waxa suurto gal ah in uu qofkaasi u gudbo xanuunku, sidoo kale waxa laysugu gudbin karaa irbadaha laysku tallaalo.
Hooyo kastaa waa inay u feejignaataa illaalinta caafimaadkeeda, ubadkeeda iyo ta qoyskaba, Inta badan waxaa la ogyahay in xanuunkani uu ku gudbo galmada xaaraanta ah, waxyaabaha aan laysugu gudbin karina waxaa kamid ah in qof qaba xanuunka maryo lala isticmaalo, wax lala cuno iyo iyadoo lays waydaarsado salaanta ama gacan qaad.
Goobaha caafimaadka hooyadu “MCH” waa goobo ay hooyadu aad u aaminsantay inta badan talooyinka iyo wararka ku saabsan caafimaadka ee goobtaas laga siiyo ama loogasoo sheego hooyadu aadbay u tix gelisaa kuna dhaqantaa, waayo waa goob si gaar ah loogu adeego hooyada iyo dhallaanka.
Kalkaalisooyinku waa inay hooyada fahansiin karaa inay jiraan xanuuno khatar ku ah caafimaadkooda. Qofka kalkaalisada ahi marka ay adeeg u qabanayso caafimaad hooyada waxay talo kusiin kartaa sidii ay u ilaashan lahayd caafimaadkeeda una badbaadin lahayd ta qoyskeeda, waxayna talooyin ku siin kartaa sidii ay dadka jaarkeeda ah iyo ehelkeedaba wax ugu sheegi lahayd.
Iyadoo usoo gudbineysa xanuunada khatarta ku ah caafimaadkooda, sidey ku faafaan iyo waxyaabaha lagaga hortagi karo.
Maqaalkan waxa qoray ururka Somaliland Y-PEER