Waqtigii u dowladda Islaamka u talinayey Cabdul-Malik Binu Marwaan oo ahaa khaliifkii shanaad ee dowladdii Umawiyiinta ayaa sannadkii 73-kii H noqday aasaasaha lacagta diinaarka ah ee dadka muslimiintu ay yeesheen ( Diinaar al Islaami).
Ujeedada ugu weyn ee ku keliftay inuu sameeyo lacagtani waxay ahayd inuu ka madax bannaanaado siyaasada Dhaqan-Dhaqaale ee dowladihii waaweynaa ee jaarka la ahaa ay ku hayeen maadaama uu isticmaali jirey dadkiisu lacago aanay iyagu samaysan oo dowladaha kale ay leeyihiin.
Sida ay sheegeen culimadii waaweyneyd ee uu ka mid ahaa Imaamu Al-Bayhaqi waxay qireen in u jeedka loo sameeyey lacag gaar ah oo muslimiintu isticmaalaan ahayd in laga takhalluso hal-ku-dhegyada diimeysan ee Kiristanka ah ee ka muuqday lacagahaasi.
Wuxuu amray in lacagta lagu qoro ereyga Tawxiidka ah ee Ashahaadada iyo ereyo kale oo islaami ah, waxa lacagtaa ka xanaaqay oo xidhiidhka u jaray dowladdii Islaamka hoggaamiyihii dowladdii Bizandian Empire ee la odhan jirey Justinian II oo ahaa boqorkii ugu dambeeyey ee ku abtirsada boqorkii awooda badnaa ee Hiraqle oo gacan weyn ka geystay hirgelinta boqortooyadii Roma.
sababta uu uga xanaaqay waxay culimada taariikhdu ku sheegeen inay tahay markii u ogaaday in saameynta siyaasadeed iyo dhaqaale ee uu dowlada Muslimiinta ku lahaa isdhimi doonto oo ay meesha ka bixi doonaan dano badan oo la dhawrayey.
Waxa lacagtan aqoonsatay dalka Shiinaha oo xidhiidh weyn oo dhaqaale ka dhexeeyey muslimiinta, waxaanay abuurtay jawi dhaqaale iyo siyaasadeed oo degen, waxaanay ka qayb qaadatay lacagtaasi in dowladihii islaamka ee kala dambeeyey ay xoogeystaan saameyn weynna ay ku sameeyaan dunida inteeda kale.
Xigasho:Cabdillaahi beershiya
Bandhige@gmail.com