Waxa aan kula kulmay qolalka labada ah ee daaradda yar leh ee ku yaalla xarunta CID-Hargeysa, maxaabiis tiradooda la iigu sheegay 53 marka aniga la igu daro, waxa aan la qaatay saacado kooban, aniga oo muddadii 12-ka saacadood ahayd ee aan halkaa ku xabisnaa badankeeda ku qaatay debedda qolalkaas, oo ay dhawr oday joogeen.
Marka cidhiidhiga laga yimaaddo, nadaafadda goobtu ma xumayn, qof walbana duruuftiisu waxa ay la mid ahayd kiiskiisa.
Taliyaha ayaa maalintii sabtida ee aan ku noqday ii sheegay in uu dareensanyahay dadka meesha ku jiraa in ay badanyihiin, qaarkoodna ku raageen, laakiin, uu la’ yahay xabsiyo uu u wareejiyo oo kale!
Tiro maxaabiista ka mid ah ayaannu gaar isu wareysannay, sidoo kale laba salaadood oo aan tukiyey ayaan wacdiyey, waxa kale oo aan siiyey wakhti ay su’aalo diini ah igu wayddiiyaan guud ahaan, gaar ahaan su’aalaha soonka la xidhiidha.
Waxa aan uga sheekeeyey mafaatiixal farj, furayaasha badbaadada, waxa aan u daliiliyey aayado qur’aan ah, axaadiis Nebiga laga weriyey, qisooyin la yaab leh oo hore u dhacay, waxa aan uga sheekeeyey mixnadii qabsatay Nebi Yuusuf iyo sidii loogu masabiday kufsiga ee uu xabsiga ugu galay 7-da sannadood, halkan ay maanta dad badani jeelasha ugu jiraan faraxumayn (Dabcan halkan waxa ku xabbisnaa dhalinyaro kufsi loo soo xidhay, qaarkood si kama danbeys ah ayay u dafirsanaayeen kiiskaas, halka kuwa kalena aan ka fahmay markaannu gaar u sheekaysanay in ay khaldameen, isla markaan ay toobad diyaar u yihiin)
Waanadaydu waxa ay ahayd qalbi dejin iyo rajo gelin, sidaa awgeed ayay aad iyo aad ugu farxeen in aan u imi markii debedda la iiga saaray aad ayay uga calool xumaadeen, mar danbe oo salaaddii maqrib aan u soo galayna sacabkooda ayaa is qabsaday.
Salaaddii maqrib ka dib ayaan mar kale la hadlay, markan sidii hore aad ayay uga dhega nuglaayeen una dhuuxayeen hadalkayga, maadaama oo aannu kulankii hore isku barannay, mid ka mid ah ayaa igu yidhi: Taladii aad na siisay ee ahayd “Badiya xuska Alle, rajadiinnana isaga ku xidha, khayrna fisha” ayaan dhaqan gelinteeda bilaabay oo intii aad naga maqnayda waxa aan istiqfaarsaday 2000 oo jeer, qalbigaygana deganaansho iyo xasillooni aanan dareemi jirin ayaan ka dareemayaa.
Waxa aan kala hadlay in ay isu dulqaataan, askarta ilaalinaysa u dulqaataan oo si fiican ula dhaqmaan, qof waliba in uu samafale noqdo ayaan ku boorriyey, waxa aan uga sheekeeyey in aanay samafaliddu ahayn oo keliya in aad xoolo bixiso, Nebi Yuusuf –cw- isaga oo maxbuus ah ayay dadkii la xidhnaa yidhaahdeen (إنا نراك من المحسنين), ‘waxa aad ka mid tahay dadka samefaleyaasha ah’.
Maxaabiista qaarkooda iyaga oo farxadda ay ka heleen imaatinkayga cabbiraya ayay yidhaahdeen: Ilaahay waxa aannu wayddiisanaynaa in aanad naga tegin!
Markaasaan ku idhi: Dee taasi waa habaar!
Inkasta oo ay xorriyadayda jeclaayeen haddana, laba sababood ayay soo bixistayda uga murugoonayeen:
1) Intii aan la joogay oo aannu wax badan is dhaafsannay, waanadayda iyo wacdigaygana ay aad u jeclaysteen.
2) Qaarkood oo iiga sheekeeyey duruuftooda, una arkayay in aan wax kala qaban karo sidii ay duruuftaas xabsiga uga bixi lahaayeen, waxa kale oo ay qaarkood ii sheegeen in nin la xidhan oo xabashi ah ay islaamka u bandhigeen, anigana iga doonayaan in aan la kulmo oo dacwadda ugu yeedho- Ilaahay ha ku guuleeyo dadaalkooda.
Xidhistayda waxa ka xumaaday bulsho aad u badan, culimada waaweyn ee Soomaalidu taqaanno in badan oo ka mid ah ayaa meelo kala duwan igala soo xidhiidhay, iina sheegay in ay aad iigu duceeyeen, sidoo kale akhyaarta aannu wada adeegsanno barahan bulshada ayaa iyaguna muujiyey sida ay uga xunyihiin xadhigayga, aadna iigu duceeyey- Alle denbigooda ha dhaafo oo ha karaameeyo, waxa jiray midhadh aan faallooyinkooda arkay oo ku farxay xadhigayga -Alle ha caafiyo iyagana.
Ducada maxaabiista waxa ka horreeyey, kana xoog batay ducada dadka badan ee saalixiinta ah ee iigu duceeyey farajka.
Ma jiro wax ka xoog badan ducada iyo xuska Alle oo lagaga hortago dhibaatooyinka iyo hadimooyinka nolosha.
Imaamu Shaafici ayaa laga weriyey:
أَتَهزَأُ بِالدُعاءِ وَتَزدَريهِ * وَما تَدري بِما صَنَعَ الدُّعاءُ
سِهامُ اللَيلِ لا تُخطِي وَلَكِن * لَها أَمَدٌ وَلِلأَمَدِ اِنقِضاءُ
Walaalayaal dadka xabsiyada ku jira waxa ka mid ah dad lacago yaryar u xidhan, dadkaa lacagta oo laga bixiyo oo xabsiga laga soo saaraa waxa ay ka dhigantahay naf dhan oo aad xoraysay, Zakaduna arrintaas way ku baxaysaa.
Waxa aan muxsiniinta khayrka jecel ku boorinayaa waar ilaahay naarta ha idinka xoreeyee dadkaas xorriyaddooda u soo celiya, ku xoreeya xoolihiinna oo daymaha ay u xidhanyihiin ka bixiya ama ku xoreeya wejigiinna oo uga shafeeca cidda ay u xidhanyihiin.
Meeshaas albaab Janno ayaa ka furane qof waliba waxa uu ka geysan karo ha ka geysto, sidoo kale maxaabiista in la afuriyo oo ugu yaraan timir fiican loo geeyo yaan la illaawin.
Sidoo kale culimada xadhiga ka caaggani maxaabiista wakhtigooda wax ha ka siiyeen iyo ciidankaba, anigu haddaan ku noqdo dammaanad aan kaga soo noqdo ma haystee !
Ilaahay waxa aynnu u wayddiinaynaa bishaa barakaysan in uu maxbuus kasta oo muslim ah faraj degdeg ah siiyo, kuwa dulmanna degdeg dulmiga uga kor qaado.