Dulucda dhabta ah ee wada hadalka Djibouti ka furmay ku qarsoon! (WQ: Abdiqani Abdilahi Osman)

Wadda hadaladan ka furmay dawlada jabuuti ee loo qabanayo somaliland iyo somaliya aya waxa ku garsoon xogo dheeri ah kuwaasi oo dan wayn si gaara ugu ah.

1.Dawlada jabuuti.

2.Dawlada ethiopia.

3.Dawlada somaliya.

4.Dawlada somaliland.

 

Hadaan si yar oo kooban midkasta u sheegno danta ugu duugan bal aan eegno.

 

1.DAWLADA JABUUTI.

Danaha ugu wayn ee dawlada jabuuti ay eeganayso waxa ugu muhiimsan.

1.in shirkani xal u noqdo buuqa siyasadeed ee dalka ka aloosan.

2.in ay dunida ka dhaadhiciso inay tahay cida ugu xogogaalsan ee hawshaasi waddi karta iyadu xili kasta madama horeba samayn wayn ay ugu lahayd.

 

2.DAWLADA SOMALIA.

Dawlada somaliya ayaa iyana dhankeeda eeganaysa fursado badan oo ay ka gaadhi karto kulankan waxana ka mida.

1.in ay dib u soo ceshadaan kalsoonida shacabka somaliya si ay u tusaan inay #midnimo ka shaqaynayaan.

2.inay ka helaan kulankan fursad ay markale ku soo gali karaan doorashada dhaw.

3.inay tusaan dunida inay ku hawlan yihiin ka dhab ahaan shaha #wadahadaladda dhankoodana ay daacad ka yihiin.

4.inay hoos uga dhigto culayska siyasadeed ee ka haysta xukumada gudaha dalkeeda.

 

3.DAWLADA ETOOBIYA.

dhankeeda dawlada itoobiya ayaa eeganaysa fursado badan oo ay ka dhex heli karto miiska wada hadalka waxaana ka mida.

1.inay muujiyaan inay yihiin furaha isbedeladda geeska afrika iyaga uun wax laga waydiin karo masiirka geeska.

2.in mr.Abby fuliyo balamo siyasadeed oo uu farmajo u fudaydiyo dhankiisa ka helo bad uu maalgashado.

3.in Abbiy laftiisa ka yareeyo kulankani siyaasada hoose ee hadda ethiopia ka bilaabantay.

 

4.DALKA SOMALILAND.

Waxa dawlada somaliland ugu duugan dhankooda oo isha la raacayaan kuwan.

1.in garsooreyaasha kulankani miiska ay joogan somaliya ku xusto inay ahayeen 2 dawladood oo madaxbanaan oo midoobay taasina ay somaliland ay u tahay guusha ugu wayn.

2.in dunidu marag ka ahaato go,amada kasoo baxaya shirka aanay faaido la’aan noqon sidii kuwii hore duniduna maragga ugu wayn ahaato.

 

Dhankasta waxa uu doonaya uu #Goalkisa dhashaddo waase la eegi doona bal sida ay kusoo dhamaato.

 

Abdiqani Abdilahi Osman.

13/06/2020.