Dumarka Shaqeeya iyo Kuwa aan shaqayn W/Q: Cabdiraxmaan Hayaan

Inta badan doodda ku saabsan in dumarku shaqo dibadda ugu baxaan iyo inay guriga joogaan, labada dhinac ee ku doodayaa midna waaqica, xaqiiqda iyo diintoona shuqul kuma leh.

Qof kasta oo hadlayaa waxa uu ku saleeyaa duruufihiisa iyo waxa naftiisu marka horeba iska jeclayd ama fikirkii qofkii ugu horreeyay ee wax ka dhaadhiciyay. Haddii an laba qaybood ka dhigo.

Dumarku inay shaqo tagaan waxa ku qasbaya duruuf ka soo farcantay qaab nololeedkeenna bulsho. Dhaqankeenna kuma jirto wax ceeb iyo takoor ka dhigaya haddii ninku uu biilin waayo reerkiisa,  hooyadii ama walaashii ama baahiyahooda dabooli waayo sida dalalka adduunka qaar. Waxaaba maalin walba la arkaa in reero badani ku burburaan in aabbihii dakhligii soo galay ku bixiyay shahawaadkiisa sida qaad IWM. Maxkamadaha waxa kiisas qoys ku jira boqolkiiba siddeetan haddii aanay ka badnayn waxa qoysasku isku haystaan nafaqadii carruurta iyo haweenayda. waliba raggaasi waxa laga yaabaa inay qabiilladooda u taliyaan oo wax laga dhagaysto.

Dumarka inta badan ku dooda in shaqadu mar kasta lagama maarmaan u tahay oo xataa lagu xisaabtamo in ninku xanuunsan karo sidaa daraaddeed ay mar walba ku qabsan tahay inay shaqayo, waxa ku jirta ka badbadin. Waayo lammaanaha haddii aabbuhu ku filan yahay noloshooda isla markaana uu u hurayo oo wax walba ku bixinayo, hoooyada waxa u fiican inay waajibaadkeeda hooyonnimo sida ugu fiican u gudato oo ubadkeeda tarbiyaddooda iyo ka war-hayntooda wakhti iyo fikir galiso, haddii Ilaahay saygeeda masuuliyaddiisii garansiiyay. Yaan mar kasta maskaxda lagu qaban afarta ka shaqeeya shaqooyinka sarsare balse Waxa hubaal ah in dumarka ciiddaa ka badan ee suuqyada fadhiya ay dayaceen aabbayaashii carruurta dhalay.

 

Carruurta mawalba hooyadood guriga u dhex fadhido ee ay caafimoodkooda iyo waxa saacad walba ku soo kordha ka war hayso, siiba marka ay yaryar yihiin ee ay u baahan yihiin kalgacalkii iyo xannaanayntii hooyonnimo ee ku beegan 8 jir iyo wixii ka yar, waa ay ka tarbiyad iyo fiican yihiin kana akhlaaq wacan yihiin carruurta hooyadood maalintii inta badan ka maqan tahay ee tu yar oo aan waalidba gaadhin ama qof aan si kalgacan leh uga war hayni la sii joogo.

Waxa aan dhagaystay dumar badan oo soo muslimay oo ka sheekaynaya sababta ay ku muslimeen, badankoodu ta ugu weyn waxa ay ku sheegeen inay Islaamnimada ku jeclaadeen inay noqdeen hooyo guriga joogta oo aan ka warwarin biil iyo wax dibedda laga keeno iyo dhaqaalaha guriga oo si isleeg loo bixiyo.

Si kasta oo hooyadu u sheegto inay isku wadi karto shaqada dibedda iyo tarbiyaddii carruurta wax uun baa ka dhiman

Markaa markaan soo koobo waxaan ku macneeyay uun in Banii aadanka qolo waliba waxa ka maqani u macaan yahay.

 

Cabdiraxmaan Hayaan

cbdrxmngeni@gmail.com