Hordhac
-1-
Alle ayaa mahad leh, intaa ka dib..
Badhtameeyadii qarnigii shanaad ee hijriga, Shaykhul Islaam Abuu Ismaaciil al-Harawii (g.481H) oo u fiirsanaya sida qaar aqoonyahaynkii diintu ay uga dabo dhaceen saqaafaddii falsafadeed ee Giriigga, ee ay dabadeedna isku dayayeen in ay naska (aayadaha iyo axaadiista) shareecada u luqunjibbaadhaan falsafaddaas, ayaa waxa uu yidhi, “Qofkii u fiirsada fahanka gundhigga u ahi waxa uu ogaanayaa inay tahay dhuuxii falsafadda oo huwan diirkii sunnada.”
Harawi ka dibna Abuu Xaamid al-Qasaali (g.505H) ayaa fiiro la mid ah ku muujiyay sida ku indhadaraandarka saqaafada falsafadeed ee ay qaddariyaan ay ugu kalliftay in ay caqiidaystaan isla afkaartii falsafadeed si ay ula qaybsadaan sharafteeda! Abuu Xaamid, Alle ha u naxariisto e, waxa uu leeyahay:
“Waxaan arkay koox aaminsan inay dadka wax dheer yihiin, oo diiday waajibaadkii Islaamka ee cibaado ahaa, isha gaalnimadoodu ka soo burqanaysaana waa in ay maqleen magacyo waaweyn, sida Suqraad (Socrates), Buqraad (Hipporates), Aflaadoon (Plato), Arisdoodaaliis (Aristotle), iyo sida taageerayaashoodii ay uga badbadiyeen tilmaanta caqli badnidooda iyo heer sarraynta aqoontooda, iyaga oo sidaa u caqli badanna ay dafirsanaayeen shareecooyinka. Kuwanina markii ay intaa maqleen ayay isku qurxiyeen aaminaadda iyo caqiidaysiga gaalnimada.”
Tilmaantan nafsadeed ee uu ka bixiyay Abuu Xaamid marka uu leeyahay “’ayay isku qurxiyeen aaminaadda iyo caqiidaysiga gaalnimada.” ayaa ah dood dhammaystiran oo mudan in gundhiggeeda loo ururiyo caddaymo iyo tusaalayaal. Maxaan xilligeennan aragnay mid ku celcelinaya halkudhigyada saqaafadda galbeedka ee calankeedu taagan yaahy, iyada oo aysan ka ahayn fahan dhugasho iyo u fiirsad leh e, ay ka tahay isku qurxinta caqiidaysigeeda iyo aaminaaddeeda, sababtuna waa inay naftiisa ku weynaatay qaddarinteedu.
Qarnigii 7/8-aad ayuu Imaam Ibnu Taymiya soo bandhigay faallooyin badan oo ku wajahan ifafaalahan ku indhadaraandarka saqaafada falsafadeed ee Giriigga, iyo leexinta nusuusta caqiidada si loo waafajiyo isaga oo la kulmay dadkan qaarkood lana fajacay sida ay u indhadaraandareen:
“Markaan Iskandariya joogay waxaa ila kulmay qaar aan arkay inay falaasifada u weyneeyaan la-dhac iyo taqliid [ee aysan ku qancin afkaar ay dhiraandhiriyeen].”
Waxa ugu badan ee Ibnu Taymiyah uu xoogga saaraa waa hannaanka in ereyada Qur’aanka lagu raro macnaha saqaafad shisheeye si looga meelmariyo Muslimiinta dhexdooda. Kala soocidda weelka ereyada iyo kujiraha fikradeed, waa qaddiyad uu aad isugu hawlay Ibnu Taymiya, sida marka uu leeyahay: “Weedho Islaameed oo Qur’aaneed ayay u adeegsanayaan ilxaadka falsafadeed ee Giriigga.”
Meel kale waxa uu ku yidhi:
“Shaki kuma jiro inay qaateen weedho Islaam oo Qur’aan iyo Sunne ah, ka dibna ay u sameeyeen macnayaal waafaqsan caqiidadooda.”
Ibnu Taymiyah arrintan uma arko wax kama’ u dhacay, ee waxa uu tilmaamayaa in ay tahay istaraatiijiyad dhagaraysan iyo boodh isku qarin marka uu leeyahay:
“Waxay isku qarinayaan inay nuxurka/macnaha falsafadeed u adeegsadaan weedho Islaami ah.”
Ibnu Taymiya waxa uu farta ku fiiqayaa marka uu arrintan daraasaynayo, in habkan aan hufnayni uu sababay khalkhal caqiideed oo Muslimiinta ku dhex dhasha:
“Waxay qaadanayaan weedho Islaameed waxayna u xambaarinayaan kuwaa [faylasuufyada] macnahoodii, weedhaasina waa mid la isla oggol yahay Muslimiinta dhexdooda, oo hadday maqlaan way aqbalayaan. Ka dibna marka ay gartaan macnihii ay kuwaasi u jeedeen, waxa ku lumaya ciddii aan garanayn xaqiiqada diinta Islaamka.”
Qarnigii 8/9-aad, Ibnu Khalduun ayaa faallooyinkan iyo fiirooyinkan ku saabsan isduufsiga saqaafooyinka iyo kala gacansarrayntooda ka gudbiyay tilmaamidda dhaqannadii iyo mawaaqiftii shakhsiga ahaa oo u tallaabiyay heerka bulshada guud, gaadhsiiyayna halkii ugu sarraysay ee aragti cilmiyaysan ah, wuxuuna u sameeyay cutub u gaar ah oo uu ku lafagurayo ifafaalahan:
“Cutubka 23: Oo ku saabsan in la-haystuhu uu mar kasta u heellan yahay ku dayashada cidda ka gacan sarraysay—hadday noqoto habdhaqankiisa, labbiskiisa, caqiidadiisa, iyo dhammaan xaaladihiisa iyo caadooyinkiisa. Sababtuna waxa weeyaan, naftu mar kasta waxay sarrayn ka aamintaa ciddii ka guulaysata wayna u hoggaansantaa—ha ka noqoto inay dhammaystirnaan ka aaminto, taas oo ay sababtay weynaanta ay ka aamintay, ama gefka ay ku dhacday ee dhaxalsiiyay in ay guuldarradeeda u aanayso in cidda guuleystay ay ka fiican tahay, ee aysan ahayn in sababta dabaqoodhinnimadeedu tahay in laga gacan sarreeyay uun. Marka ay gefkaa ku dhacdo, ee ay aaminto, waxay qaatadaa dhaqannadii guuleystaha wayna isu ekaysiisaa…, xitaa haddii ay labo ummadood deris yihiin oo ay midi gacansarrayso, wax badan oo isu ekaysiintan iyo ku dayashadan ah ayaa u dhuumanaya.”
Xaqiiqo ahaanna cutubkan Muqaddimada Ibnu Khalduun ku jiraa waa aragti cilmiyeed dhammaystiran oo aanan sooyaalka Islaamka ku arkin cid kale oo sidan u lafagurtay ifafaalaha ‘awoodda saqaafada guuleysatay’.
Xilliyadan dambe, badhkii hore ee qarnigii 19-aad, ku dhowaad 200 oo sano ka hor, ayay Muslimiintu ku baraarugeen farqiga awoodeed ee u dhexeeya Yurub iyo bulshooyinka Muslimiinta ah, markaas ayaa waxaa soo baxay dhaqdhaqaaqyo baadigoob ugu jira baraarug, laga soo bilaabo Rifaacah ad-Dahdaawii (g.1873M), Jamaalud Diin al-Afqaanii (g.1897M), iyo kuwii ka dambeeyay. Laakiin, nasiibdarro, dhaqdhaqaaqyadani waxay qaadeen jid qaldan, oo halkii ay ka soo noolayn lahaayeen dareenkii cisada, kalsoonidii nafeed, iyo wax iska dhicinta iyo loollanka, taas oo ummadaha baraarug u horseedda, waxay faafiyeen dareenkii ay la noolaayeen ee u hanjabka saqaafadda galbeedka guuleystay, markaas ayay soo celiyeen isla taariikhdii hore ee ahayd in sharciga la leexiyo si loo waafajiyo saqaafadan gacansarraysay, iyada oo weliba weedhii dhaxalka Islaamka maqaarsaar looga dhigayo fikraddii galbeedka, taas oo loogu gogolxaadhayo qaadashadeeda.
Horraantii lixdameeyadii ayuu faafiyay taariikhyahanka Kiristaanka ah ee Albert Xuuraanii buuggiisa muhiimka ah ee ku saabsan taariikhdii xilligan (Albert Hourani, Arabic Though in the Liberal Age 1798-1939) waxa uuna ku qaadaadhigay hab fekerkii haldoorkaas iyo biyadhicii fahankoodaa, isaga oo ka hadlaya dhaqdhaqaaqii islaaxa ee uu hoggaaminayay Maxamed Cabdu (g.1905M) waxa uu yidhi:
“Waxay ahayd “islaaxi” marka loo fiiriyo yoolkeedii ahaa in ay dib u soo noolayso wixii ay u arkaysay arrimo dhaxalkii Islaamka ah oo la dayacay. Laakiin baraaruggani waxa uu ka dabqaadanayay fikirkii Yurub ee libaraaligga ahaa, waxa uuna sababay in si tartiib tartiib ah dib loogu fasiro mafaahiimtii Islaamiga ahayd si ay ula sinnaadaan mabaadii’dii hagayay fikirkii Yurubiyaanka ahaa ee xilligaa socday. ‘Cumraan’-kii Ibnu Khalduun waxa uu isu beddelay ‘xaddaarad’-dii Giisoo, ‘maslaxad’-dii fuqahada Maalikiyada iyo Ibnu Taymiya waxa ay isu beddeshay ‘manfaca’-dii Joon Istuwart Mill, ‘ijmaacii’ fiqhiga Islaamiga ahi waxa uu noqday ‘aragtida dadweynaha’ ee Aragtida Dimuqraadiyadda, ‘ahlul xalli walcaqdi’-na waxay isu beddeleen ‘xubnaha baarlamaanka’. Natiijadii ka dhalatay, wixii aynu ku magacawnay garabkii cilmaaniyaynta ee dugsigii Maxamed Cabdu, waxay ahayd kala soocid dhab ah oo lagu sameeyo nolosha xaddaaradeed iyo midda diimeed, taas oo albaab kale u furaysay fikir qawmiyadeed cilmaani ah.”
Inta aynaan dhaafin xigashadan aynu diiwaangalinno in taariikhyahan Albert Xuuraani (1962M) uu dhaqdhaqaaqyadan hore ee baraarugga ka tilmaamay labo arrimood:
◆ In ay xaqiiqooyinkii sharciga u qoorjabinayeen saqaafada galbeedka ee gacan sarraynta yeelatay.
◆ Habka ay adeegsanayeenna uu ahaa in ‘mafaahiimtii (yeelashii)’ galbeedka lagu raro ereybixinnadii soojireenka ahaa.
Kuwo badan oo islaaxin waday xilligani waxay aaminsanaayeen in haddii ay shareecada waafajiyaan saqaafada guuleysatay ee galbeedka, ay sidaa dhalinyarta Muslinka ah kaga ilaalinayaan Alle-koodnimada iyo ilxaadka, ayna ka khafiifinayaan niyadxumada ay ku keeni karto kalatagsanaanta xadaaradeed, laakiin waxaa yaab leh in siday rabeen lidkeedii ay dhacday! Waana midda uu u fiirsaday Albert Xuuraani qudhiisu marka uu leeyahay,
“Waxa uu -Maxamed Cabdu- islahaa dhis gidaar caabbiya cilmaaniyadda, xaqiiqo ahaanse wuxuu u sameeyay buundo fudud oo ay cilmaaniyaddu marba goob kula wareegto.”
Isla xilligan ayuu Maxamed Maxamed Xuseen faafiyay daraasaddiisii faahfaahsanayd ee “الاتجاهات الوطنية في الأدب المعاصر” oo ku koobnayd Masar oo keli ah. Laakiin intuu ku gudo jiray ayuu arkay in hababka loola tacaamulayo arrintan baraaruggu ay isku mid yihiin dhammaan geyiga Carbeed, wuxuuna rejaynayay in uu daraasadiisa ballaadhiyo, si uu ugu daro qaybo arrintaa muujinaya. Isaga oo manaahijtan lagu xallinayo arrintan soo koobaya waxa uu yidhi,
“Dhammaan dhulalka Carbeed waxaa mashquuliyay baadigoob iyo faaqidaad loogu jiro jidka ugu habboon iyo hannaanka loo mari karo baraarug iyo soo celinta awooddii iyo ka gudbidda tabardarrada iyo waxyaalaha ka dhashay. Waxa la isku hayaana kama baxsana saddex dhinac: dhinac leh ha loo noqdoo ilihii Islaamka ee hore, dhinac leh ha la qaado marinka galbeedka oo raadkiisa ha la raaco, iyo dhinac saddexaad oo ku baaqaya Islaam horumarsan oo u fasiran qaab waafaqsan xaddaaradda galbeedka, oggolna hab nololeedkeeda iyo caadooyinkeeda.”
Si joogto ayay dadkii u fiirsaday fikirka Carbeed u arkayeen kooxahan u jabay duufsigii saqaafadda gacansarraysay ee galbeedka, ifafaalahan tilmaamiddiisuna waa ay badatay intaa ka dib. Tusaale kale haddii aan ka soo qaadanno toddobaataneeyadii iyo khabiirkii qaanuun dastuureedka ee Fatxii Cabdulkariim marka uu leeyahay:
“Xamaasaddii ay Islaamka u qabeen ayaa ku riixday in ay u sugaan, iyaga oo aan baadhitaan qotadheer ku samayn, wax kasta oo ay arkaan in uu ka socda suuqyada caalamka horumaray, iyaga oo u malaynaya in ay taasi tahay adeeg weyn oo Islaamku u baahan yahay. Waxaadba mooddaa inay Islaamka u arkayeen ilmo agoon ah oo taagdaran oo aan noolaan karin haddii uusan kafaalo qaadin nin sharaf iyo awood lihi; ama waxayba ka cabsi qabeen in aysan, ka Muslimiin ahaan, sharaf yeelanayn haddii aysan dadka uga soo saarin diintooda mabaadi’ u dhiganta kuwa nidaamyada bulsheed ee xilligoodii calanwallaynayay—oo haddii ay dimuqraadiyaddu kacsan tahay, Islaamku wuxuu noqonayay dimuqraadi, haddii hantiwadaaggu socdana Islaamku wuxuu ahaa hantiwadaag, haddii aragtida madaxbannaanina ummaddu ay socotana, waxay noqonaysay aragti ka mid ah aragtiyaha Islaamka!”
Dheegyadaasi inagaga filan inaan hummaag ka qaadanno arrintaa. Laakiin aan u gudubno su’aasha xigta:
Maxay in shareecada loo qoor laabo saqaafada gacansarraysay ee galbeedku ugu guulaysan wayday ka dhabaynta baraarug iyo ka dhowridda dhalinyarta Muslinka ah ilxaadka?
Waxaa jirta jawaab heer sare ah oo ay mufakiriinta Islaamiga ahi soo bandhigeen, waxaana ka mid ah Maalik ibnu Nabi (g.1973M) oo ku celcelin jiray in dareenka isasaaranta isliiddiddu (inferiority complex) uusan dhalin baraarug, sida uu ku sheegayo buuggiisa Dawrul Muslim [Kaalinta Muslinka]:
“Maxay taa u awoodeen reer baadiyihii saboolka ahaa xilligii Muxammad SCW? Maxay ugu istaageen reer baadiyahaa saboolka ahaa ee ummiyiinta ahaa badbaadinta insaaniyada ayna u dareemeen in ay u joogaan badbaadinteeda? Sidaas ayay caddayn jireen marka ay la hadlayaan dadka kale; ha ahaadaan Faarisiyiin ama Roomaan, oo waxay ku odhan jireen: waxaan u nimid inaan idin badbaadinno. Ma aysan dareensanayn isasaaranta isliididda. Maxaysan u dareemin isasaaranta isliididda? Maxaa yeelay awooddii xadaaradeed ee Faaris ama Biisanda ama Rooma ee hortooda soo yuubnayd/ cufnayd kuma dhalin isliidid. Si kale haddaan u dhigno, uma aanay bogin.”
Sidaas awgeed, ducaadda sooyaalka leh xilligan ee saamaynta bulsho ee ballaadhan leh, waa kuwa qaaday jid lidka ku ah midkan sooyaalkii [ummadda] u dullaynaya saqaafadda galbeedka ee calankeedu taagan yahay, dhibta koritaanka figta ku faanka diinta ayayna ka doorbideen habacsanaanta ku dhaadhaca togga qiil raadinta.
Haldoorkaa yeeshay saamaynta soohdimaha ka gudubtay waxaan tusaale uga soo qaadan karnaa Abul Aclaa al-Mawduudii, oo kaalintii uu garabka u ritay nuxurkeedii uu Nadawi ku soo koobay in uu la diriray isasaaranta isliididda, hawshii uu u istaagnayna waxa uu ku tilmaamay,
“Badhtamihii qarnigan waxa uu Ustaad Abul Aclaa al-Mawduudii soo jiitay dabaqaddii waxbaratay ee Muslimiinta isaga oo adeegsanaya maqaalladiisii uu ku qori jiray warsidihiisii Turjumaanul Qur’aan ee uu ku naqdinayay xaddaaradda galbeedka, iyo hab nololeedka galbeedka. Waxay ahaayeen maqaallo caan ku ahaa habkoodii weerarka ahaa…, waxayna noqonaysaa duudsin haddii aannan u qirin doorkii heerka sarreeyay ee ay maqaalladiisa—oo markii dambe u soo baxay qaab buugaag iyo buugyarayaal ah— iyo buugaagtiisu ka ciyaareen soo celinta kalsoonidii ay Islaamka iyo qaayasoorradiisa iyo aragtiyihiisa ku qabeen dabaqaddii indheergaradka ahayd ee wax ku bartay saqaafaddii galbeedka, iyo ka dawayntooda isasaaranta isliididda, iyo nafsiyadda hanjabka ay ka qabeen Islaamka iyo tacaaliimtiisa.”
Fasirkii uu Maalik ibnu Nabi ka bixiyay guushii ay saxaabadu ka gaadheen baraaruggoodii ee ahaa in ay meesha ka saareen wax isliidid ah oo ay ku beertay ama ku riixday xaddaaraddii Faarisiyadii iyo Ruumkii la xilliga ahaa, iyo dhugashadaa uu Nadawi kaga faallooday sirta guusha saamaynta ballaadhan ee Mawduudii, oo uu yidhi waxa uu dhalinyartii waxbartay ee Muslinka ahayd ka daweeyay isasaarantii isliididda, ayaa taageeraya fiiradii taariikhyahankii Kiristaanka ahaa ee Albert Xuuraanii uu ku tilmaamayay in dhaqdhaqaaqii baraaruggu uu qaaday jid midkan dabo marsan oo shareecada u liidayay saqaafadii galbeedka, taas oo xagaldaacisay samaynta saamayn Islaami ah oo ballaadhan, isuna beddeshay buundo ay dusheeda ka gudubto cilmaaniyaddu, sidii aan soo marnay.
***
Soogaabin iyo tarjumid.
W/T:
Muxammad Yuusuf