Eebbow haa iyo maya meel ha nagaga wada yeedhsiin (Baroortu Orgiga Ka Weyn)(WQ: Cabdilaahi A. Cumar (Wayab)

 

Fadhigii aan caadiga ahayn ee  ku qabsoomay Golaha Wakiillada 6dii Ogost,2017 ee ay ku dooranayeen Guddoomiyaha Golahooda, waxa kasoo xaadiray 78 Xildhibaan oo usoo diyaar-garoobay inay codkooda ku kala saaraan laba Xildhibaan oo u wada sharraxnaa, kuna tartamayey jagadaasi, kuwaas oo kala ahaa Mudane Baashe Maxamad Faarax oo hore u ahaa Guddoomiyr ku-xigeenka kowaad ee Golaha iyo C/raxmaan Maxamad Talyanle oo isna ahaa Xildhibaan ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada.

Codeyntii loo qaaday labada tartame, waxa ay shirguddoonka Golaha Wakiillada oo hoggaaminayey fadhigaa ay magaciisa hor yeedhiyeen C/raxmaan Maxamad Talyanle, si ay gacanta ugu taagaan xildhibaannada taageeraya inuu Talyanle noqdo  Guddoomiyaha cusub, kadibna waxa si hubsiimo badan leh Xoghaynta Golaha iyo taageerayaashuba usoo  tiriyeen mudanayaashii gacanta u taagay oo markii laysla sugay tiradoodu isku noqotay 38 Xildhibaan, taasoo si rasmi ah loogu gudbiyey shirguddoonkii fadhigaasi.

Sidaa si la mid ah ayaa markii la yeedhiyey magaca Baashe Maxamad Faarax ay farta u taageen xildhibaannadii taageersanaa Baashe ee doonayey inuu noqdo Guddoomiyaha cusub, waxayna isku noqdeen markii si sugan loo soo tiriyey 39 Xubnood.

Intaa kadib, ayaa shirguddoonkii fadhigu si rasmiya ugu  dhawaaqay natiijadii codeynta, isagoo sheegay in Mudane Baashe helay 39 cod, Mudane Tayanle-na 38 cod, Guddoomiyuhuna aanu codeyn sidaana ay ku dhan tahay  tiradii rasmiga ahayd ee ku sugneyd fadhiga oo ahayd 78 Mudane, guushuna sidaa ku raacday Mudane Baashe Maxamad Faarax oo noqonaya Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada, waxana xusid mudneyd sacabkii iyo hambalyadii C/raxmaan Talyanle, taasoo iyana  ka mid ah sunnaha Dimoqraadiyadda ee dhaqanka inoo ah, isla markaana lagu yaqaan dadka reer Somaliland.

Karaamadii iyo sharaftii uu ku hantay Talyanle hambalyadii saaxiibkiisii la tartamayey ee ka guuleystay, waxa ka meydhay xildhibaano xaq iyo xaqdarroba ku barbar taagan Xisbiga Waddani oo aan odhan karo arrintoodu waa [BAROORTU ORGIGA KA WEYN], ayaa siduu Talyanle ka sheegay warbaahinta ku khasbay inuu isagu yahay ka helay 39ka cod, sidaa awgeed aanu meel cidlo ah ka dhigin codkii ay siiyeen, taasina tahay mida ku kelliftay inuu dib wax u gocdo, kuna dhawaaqo inuu isagu yahay Guddooiyha Golaha Wakiillada.

Waxa kaloo iyana ay u dhiibeen liis maacyo ah oo laga yaabo inuu ku jiro xubin malaha dhaameelkii loo ballanqaaday hore gacanta looga gelin waayey ama mid leh ujeeddo kale oo tan ka weyn oo ah,  in dalka uu geliyo xaaalad muran siyaasadeed ah oo xataa dhaawaci karta kala saarista tartamayaasha doorashada Madaxtooyada ee innagu soo fool leh bisha Nofambar ee sannadkan. Gole sharci oo loo dhan yahay qaraarka kasoo baxa mar, malaha ka noqosho ee Talyanlow iska dhaaf xajiimeynta iyo rafadka aan boodh mooyee wax kale kuu soo kordhineyn.

Horta sideedaba waxa qofka  nacasnimo iyo naaqusnimo u ah inuu madal garsoor oo loo dhan yahay oo ay ku sugan yihiin mudanayaal iyo maragyo uu kaga dhex dhawaaqo HAA IYO MAYA,  Somaaliduna hore ayey uga duceysteen oo ay u yidhaahdeen, [ ILAAHOW HAA IYO MAYA MEELA HA NAGAGA WADA YEEDHSIIN.] Sidaa darteed waxan leeyahay Mudane C/raxmaanTalyanle oo aanu isku fasal ahayn [Dugsigii Dhexe ee Sheekh] waqti aan aad u yaryareyn. Yaanay nacasnimo ku raacine ka noqo qadafkii kaa soo yeedhay ee aad ku daadifeysay sharciyaddii aad adiga inta kale ee dabada ka riixaysaa ku ansixiseen madal sharci oo loo dhan yahay, in Mudane Baashe kaa guuleystay, sidaana ugu hanneyseen inuu ku yahay Guddoomiyaha rasmiga ee Golaha Wakiillada.

Ta labaad, inaad jebiso sharciga oo aad gacantaada ku qaadataa waa mid dembi cad ah oo weliba aad ku kacdo adigoo xubin ka ah golaha shaci dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo intii aanad sheegan inaad adigu tahay Guddoomiyaha ay ku bannaaneyd inaad dariiq sharci u marto wax allaale iyo waxaad ka tabaneyso siday u dhacday codeyntii Mudanayaasha Golaha ee  loo qaaday adiga iyo Baashe 6dii Ogost, waxanse filayaa in fursaddaa oo markii hore kaaga sharaf badneyd ay ku seejiyeen qolyaha la baxay mus-dembeedka Xisbiga Waddani oo iyaga sida muuqata ciyaartan ugu talo galay inay ka dhigtaan [Gal dad Liqa ulbaa laysaga dayaa.]

Waxan u arkaa in murankan qaawan ee aan loo meel dayin ee laga daba keenay doorashadii lagu kala calaf qaaday ee weliba laysku hambalyeeyey ee jagada Guddoomiyaha Wakiillada ee uu sida sifaha sharcigu sheegayo ugu guuleystay Mudane Baashe Maxamad uu hordhac u yahay qorshe u qarsoon qolada la baxday mus-dembeedka Xisbiga Waddani oo ah inay muran iyo qalalaase siyaasadeed geliyaan haddii lagaga duuleysto doorashada Madaxtooyada ee kaabiga innagu haysa ee dalka ka dhici doonta bisha Noofambar ee soo socota

Sidaa awgeed, si looga sii gaashaanto arrimahaasi iyo mida kale ee dagaalka ahayd ee lagula kacay Guddoomiye Baashe Salaasadii 8da Ogost , waxa lagama maarmaan ka dhigayaan, in tallaabo adag laga qaado cidda ku geftay sharciga  isagoo adeegsanya Warbaahinta ku dhawaaqay inuu isagu yahay Guddoomiyaha ku guuleystay codeyntii Wakiillada, haddii kale oo tan wax laga qaban waayo, berrina waxa xigi doonta in ka lagaga adkaado doorashada Jagada Madaxweynaha oo isna sida dhacday oo kale uu yeelo oo intuu u yeedho Saxaafadda uu sheegto in isagu yahay Madaxweynaha rasmiga eek u guuleystay doorashada, taas oo qof kastaa garanayo beri ka maalin waxa ka dhallan doona oo fawdad, kala yaac ama waxyaabo kale oo ka sii darran.

Qalinkii: Cabdilaahi A. Cumar (Wayab)